Tirada dadka ku dhinta weerarada "argagixisada" oo hoos u dhacday

Published

Tirada dadka dunida ee ku dhinta waararrada argagixisada ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 15.2% sannadkii 2018-kii, in kasta oo xataa tirada wadamada ay ka dhacaan weerarrada xag jirku sii kordhayso. Waxaa sidaa lagu muujisay warbixinta 2019 ee Global Terrorism Index.

Tirada dhimashadu waxay sannadkii 2014 ahayd 33,555 oo qof, markii ururka la baxay Dawladda Islaamku ay kumannaan jihaad doon ah uu geeyay Bariga Dhexe. Tirada dhimashada weerarrada argagixisada waxay hoos ugu dhacday oo ay gaartay 15,952 oo qof, sannadii 2018-kii, sida ku cad warbixintaa uu soo saaray machadka Sydney fadhigiisu yahay ee Institue Economics & Peace (IEP).

Hoos u dhaca ugu weyni 2018-kii, wuxuu ka muuqdaa in laga dareemay dalka Ciraaq oo sheegay in uu guul milatari ka gaadhay dagaalka uu kula jiray ururka la baxay Dowladda Islaamka, sannadkaa kii ka horeeyey.

Sidoo kale, dhanka Soomaaliya, waxaa hoos u dhacay tirada dadka ku dhinta weerarrada xagjirka tan iyo dhammaadkii 2017-kii oo ciidamada Maraykanku ay duqayn cirka ah ku hayeen Alshabaab.

Laga soo billaabo bishii July 2018 illaa July 2019, Al-Shabaab "waxay qaaday 548 weerar oo qaraxyo ah" oo ka dhacay Soomaaliya, taas oo ka badan isla mudaddaas ee sannadkii ka horreeyay "oo ahayd 413", sida lagu sheegay warbixin Golaha Amniga loo gudbiyay oo ay diyaariyeen khubaro u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea.

"Boqolkiiba 32% ayey sare u kaceen" weerarrada, sida qoraalka lagu sheegay. "Sidoo kale 36% boqolkiiba ayey sare u keceen qaraxyada ka dhaca gobolka banadir, isla muddadaas", ayey ku dartay.

"In kastoo Al-Shabaab ay sii waddo sameysashada waxyaabaha qarxa, haddana waxay sidoo kale adeegsataa waxyaabaha qarxa ee militariga. Weerarkii saxafi ee sannadkii hore ayey u adeegsadeen", sida warbixintaa lagu sheegay.

Sida lagu xusay warbixinta kale ee machadka Sydney fadhigiisu yahay ee Institue Economics & Peace (IEP), Markii ugu horreysay, tan iyo sannadkii 2003-dii, Ciraaq ma ahan dalka ugu xun ee argagixisadu saamaysay.

Waxaa lagu yiri: "halista ama dhacdo dhab ah oo loo adeegsado awood sharci darro ah iyo cunfi oo ay ku kacaan ururro aan dawliga ahayn ee doonaya in ay gaadhaan ujeedo siyaasadeed, dhaqaale, diineed oo ay u marayaan cabsi gelin iyo khasbid".

Dhanka dalka Afghanistan, ururka Talibaan oo howlgaleysay ka hor ururk isku magacabay Khilafada Islaamka, oo ah ururkii ugu halista badanaa argagixisada dunida, ayaa weerarrada ay qaaday ahaayeen 1443, waxaanay ku dileen 7379. Xilligaa, Ciraaq waxaa ka dhacay 1,131 weerar oo ay ku dhinteen 1,054 oo qof iyo Nigeria oo ay ka dheceen 562 weerar oo lagu dilay 2,040 oo qof.

Suuriya waxa ka dhacay 131 weerar oo ay ku dhinteen 622 oo qof, waxaanay ku jirtay kaalinta afraad.

Yurub oo aan weerarro waaweyn oo argagixiso ah ka dhicin 2018-kii, waxay tirada dhimashada hoos uga soo dhacday 200 oo 2017-kii ay ahayd, waxayna gaartay 62 qof.

"Jabkii Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq ayaa ahaa arimaha suurto geliyey in tirada dhacdooyiinkaas ee galbeedka Yurub ay hoos u dhacdaan, tan iyo 2012. Ma jirto wax dhimasho ah oo kooxda ay sababtay, sannadkii 2018-kii", ayuu yiri gudoomiyaha IEP, Steve Killelea oo qoray dhambaal la socday warbixintu.

Iyadoo tas ay jirto, haddana sannadkii 2018-kii, illaa 71 dal, waxaa ka dhacay ugu yaraan hal weerar oo sababay dhimasho, taas oo ah tiradii labad ee ugu badan, tan iyo markii uu qarnigan bilowday.

"Si kastaba, xaaladda weli waa rabsho iyo cabsi, iyadoo dhul ballaaran oo Suuriya ka tirsan uu weli loolan ka jiro. Koox badan oo taabacsan IS ayaa firfircoon, kuwaas oo looga tagay masuuliyadda weerarro ka dhici kara Yurub", ayuu yiri.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in ay si wayn u korodhay tirada dhimashada weerarrada ay qaadaan uururada argagixisda ah ee midigta fog ee aan Muslimiinta ahayn ee ka dhaca galbeedka Yurub, Mareykanka iyo jasiiradda Oceania oo gaadhay 320% boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay.

Waxay farta ku fiiqday weerarradii bishii March, lagu qaaday laba masaajid oo ku yaal magaalad Christchurch ee dalka New Zealand oo lagu dilay 51 qof, taas oo tusaale u ah in faafidda fikradda kooxaha midgita fog ay gaareen dal "aan horey u sii lahayn wax weerar argagixiso ah oo ka dhacay".

Dhanka Mareykanka, sare u kaca argagixisada midigta fog, waxaa laga dhex arkay in weerarrada dembiyada naceybka ah ay kordheen, sida warbixinta ay sheegtay.

Balse, weerarrada ugu badan ee xagjirnimada waxay ka dhacaan dalalka ay colaadaha halista ah ka taagan yihiin.