Ma cuna qabateynta Mareykanka ayaa sameeysay Iran?

Xigashada Sawirka, UGC
Dibadbaxyo loogaga soo horjeedo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo in la xaddiday cadadka uu qofka iibsan karo ayaa waxa ay maalintii labaad ka soconayaan guud ahaan waddanka Iiraan.
Muuqaallo lagu baahiyay Internetka ayaa waxay muujinayaan dibadbaxayaal si nabad ah ku joojinayo gawaarida magaalada Tahraan, waxa ayna ku qeylinayeen boolisku waa inuu na taageeraa.
Guudahaan dalka Iiraan go'aankii dowladda ee ahaa in qimaha shidaalka sare loo qaado boqalkiiba konton ayaa dhaliyay caro xooggan.
Iran waxay haystaa shidaalka aan ka helin kabitaan caalamka isla markaana waxaa ay muddo la dhibaatoonaysaa cuna qabteyn dhaqaale oo dib u saaray Mareykanku waxaana ay sare u kacaan qiimaha shidaalka ay ku tahay dharbaaxo weyn.
Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay iyadoo tiro gawaari ah waddooyinka ay ku gooyeen dibadbaxayaashu iyadoo baraf uu ka dhacayo dalkaasi.

Xigashada Sawirka, UGC
Qaybo kale oo ka tirsan dalka ayaa waxaa laga soo sheegayaa isku dhacyo u dhaxeeya dibad baxayaasha iyo booliska.
Madaxweyne Rouhani waxaa uu sheegay in dowladdu ay ka shaqeynayso maslaxada umadda isla markaana ay u kaydin doonto dhaqaalaha si loogu kabo malaayiinta qof ee u baahan kaalmeynta.
Madaxweynuhu talaabadaan mid la mid ah ayuu isku dayay in uu sameeyo sannad ka hor balse baarlamaanka ayaa ka hor istaagay.
Iiran kuma cusba dibadbaxyadu oo waxaa ay sanadihii dambe la daalaa dhacaysay dibadbaxyo ujeedooyin kala duwan lahaa kuwaas oo qaarkooda ka baaxad weynaa dibadxayada haataan socda.










