You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Caagga dalalka reer galbeedku u dhoofiyaan Indonesia oo halis ku haya caafimaadka
BBC-da ayaa ogaatay in qashinka caagga ah ee lagu gubo Indonesia oo badankiisa laga diro dalalka Galbeedka ayaa sumeeyey silsiladda cunnada ee dalkaas.
Ururka daryeelka deegaanka ee magaciisa loo soo gaabiyo IPEN ayaa ogaaday in tuulo ku taal bariga Java, suntan laga helay beedka digaaggu ay 70 goor ka badantahay heerka ay ogol yihiin xeerarka fayo qabka cuntada ee reer Yurub.
Haddii kiimikooyinkaasi muddo dheer ay galaan jidhka dadka waxay keenaan kansar, dhaawac difaaca jidhka ah iyo hagaas.
Xukuumadda Indonesia waxay sheegtay in ay qashinkaa ku celin doonto dalalkuu ka tagay.
Barnaamijka BBC-da ee Victoria Derbyshire ayaa sidoo kale la hadlay dad qaba dhibaatooyin neefsiga ah oo ay sababeen qiiqa caaga la gubayaa waxaanu muuqaallo ka qaaday goobo bannaan oo lagu gubayo caag sida la sheegay Indonesia loo geeyey in la dhalan rogo.
Cilmi baadheyaal ka tiran IPEN ayaa muunad ka qaaday beedka digaaga sida dabiicia ah loo dhaqo oo ay ka soo qaadeen goobo u dhaw Surabaya ee baria Java.
Cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in baadhiddu tahay sida keliya ee lagu ogaan kao in kiimikooyinka la yidhaa Persistent Organic Pollutants iyo Dioxins ay sadheeyeen silsiladda cunnada.
Natiijada ugu halista badan ee ka soo baxday baadhitaanka muunadahaasi waxay ahaayeen kuwo laga qaaday tuuloyinka u dhaw warshadaha caagga shidaal ahaan u adeegsada eek u yaal tuulada Tropodo.
Baadhitaankaa waxa lagu ogaaday in xabbad beeda oo keli ah suntan ku jirtaa ay todobaadkan goor ka badan tahay inta ay ogol yihiin heerka fayo qabka cuntada ee reer Yurub.
Beedkaa waxa kale oo ku jira sunta kiimikiiyinka ololka lagu bakhtiiyo ee SCCPs iyo PBDEs oo loo isticmaalo caagga.
Mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Tropodo ayaa sheegay in magaaladooda la yidhaa '' magaalada qiiqa''.
"Dhaktar markaan u tagno umaba sheegno waxa na hayee waxaanu ku nidhaa uun Tropodo ayaanu ka nimid isla markaana waabu gartaa waxa na haya''.
Khubaradu waxay rumaysan yihiin in hadii qofku dhawr xabbo oo beedka sumaysan ahi aanay caafimaadka qofka wax weyn yeelayn laakiin hadii uu qofku muddo dheer beedkaa quuto uu halis u yahay dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.
"Natiijada ka soo baxday cilmibaadhistu waxay noqotay lama filaankii ugu weynaa ee abid soo baxay. Indonesia natiijo noocan oo kale ah hore ugamaanu arag" ayuu yidhi Yuyun Ismawati oo ah khabiir arimaha deegaanka oo baadhitaanka fuliyey.
Dr Agus Haryono oo ka tirsan mac-hadka sayniska Indonesia ayaa sheegay in ay tahay in xukuumadda dalku ay meel mariso '' hanaan haboon oo lagu baadho lagulana socdo POPs" si looga hortago "ganacsiga caagga ee aan la xakamayn ee xuduudaha ka tallaaba".
Cilmi baadheyaashu waxay xoogga saarayeen meelo ku hareeraysan warshad waraaqaha samaysa oo ku taal bariga Java, halkaas oo alaabta qaydhiin ee ay ka samayso badankeeda dibadda laga soo waarido. Laakiin waxaa alaabtaas soo gaadaa iyada oo uu ku jiro caag tayadiisu liidato.
Caagga ayaa marka dambe waxa laga iibiyaa dadka tuuladaa ku nool oo badankooda noloshoodu ku tiirsantahay.
Mid ka mid ah dadka lagu sheego "beer waleyaasha caagga" ee tuulada Bangun Supiyati ayaa BBC-da u sheegay in ay nolosheedu ku tiirsantahay caagga ay ka soo dhex gurato qashinka oo ay washadaha caagga dhalan rog aka iibiso.
"lacag baan u isticmaalay inaan dhulkan ku iibsado si aan caruurtayda iskuulka ugu diro" waxay tidhi iyada oo dhex fadhida buur caaga oo baabuur keenay oo ay dadka deegaanku wadeen oo ay qabsanayeen.
Qashinka caaga la soo dajiyaa wuxu 141% kor ugu kacay 283,000 tan oo ka yimid dalalka sida Australia, Canada, Ireland, Italy, New Zealand, UK iyo US sida ay sheegtay tirakoobka Indonesia wakaaladiisu.
Shiinaha ayaa ku soo rogay xayiraad qashinta in loo soo dejiyo dhulka wayn bilowgii 2017, taasoo hogaamisay qashin badan oo loo diro wadamada kale.
Borofesoor Peter Dobson oo ka socda Jaamacadda Oxford ayaa rumaysan in wadamada galbeedku ay dhoofinayaan caagooda qashinka in tahay in lagula xisaabtamo.
"mamnuuca wuxu dhiiri gelin doonaa horumarinta tiknloolajiyado dib loogu wareejiyo ama dib loog isticmaalo qashinka caaga ama la aan la dhiiri gelin isticmaalka balaadhan ee caaga" ayuu yidhi.
Khubaradu waxay yidhaahdeen qashinka reer galbeedku waa mid qayb ka ah dhibaatada marka ay timaado wax ka qabashada caaga Indoneisa.
Waxay sheegaan kaabeyaasha dhaqaalaha la'aantood iyo dhaqaale lagu ururiyo qashinka taas oo magacnahedu yahay in uu wabiyada dusha ka maro ama la gubo.
Miisaanka weyn badankiisa, meelaha banaan ee caaga lagu gubo ee meelahan imika waa la joojiyey ka dib dood "adag" oo dhex martay ganacsatada caaga.
Waxaana jira cadayn ku talo bixinaysa in dawlada siyaasadeedu ay saamayn yeelanayso.
Dadku weli way gubayaan qashinka laakiin socodka qashinka cusub ee la soo dejinayo Sidang Jaya aya bilaabaya inuu qalalo.
BBC-du waxay sidoo kale aragtay baabuur ay kontiinaro saaranyihiin oo taagan warshad caag horteeda oo ku taal Sindang Jawa oo ay qabteen cashuuraa Indonesia, oo ku talo bixinaya in ay suurto gal tahay in uu ku jiray qashin sumaysani.
Laakiin waxa dhici karta in uu jiro qashin yar oo gelaya Indonesia waxana jira walaac ku saabsan halka uu ku dhamaanayo.
Cilmi baadhis cusub oo uu sameeyey ururka Basel Action Network ayaa heshay kontiinaro badan oo la doonayey in dib loogu diro reer galbeedka wadamada kale oo koonfur bari Aasiya ah.