SAWIRRO: Xayawaannada sameeyay ficilladii ugu qosolka badnaa 2019-ka

Xayawaankan wuxuu heystaa labada dhaban
Qoraalka sawirka, "Alla mayaa." waligaa ma aragtay xayawaan sidii bani'aadanka u yaabban?
Published

Kalluun cabsanaya, Oorso xishooneysa, guumeys wax foorjeynaya iyo Shimbir ku sugneyd meel khaldan waliba xilli khaldan.

Kuwani waa Sawirradii ugu cajiibsanaa ee isugu soo haray abaal marinta tartanka xayawananada ka qosliiyay bani'aadanka ee sanadkan 2019-ka.

Kani waa kalluun uu eryanayo libaax badeed
Qoraalka sawirka, Gadaasheyda ayuu kasoo socdaa, sooma aha? Kalluunkan wuxuu u muuqdaa inuu ka cabsanayo libaax badeedka daba ordaya
Labo dawaco oo ciyaaraya
Qoraalka sawirka, "Ciyaartii meel xun ayey gaartay?" Dawocooyinkan way ku guul darreysan lahaayeen haddii abaalmarin lagu siinayo ciyaartooda
Cayayaan saaran caleen geed
Qoraalka sawirka, "Waan idin salaamay, maalin wanaagsan dhammaantiin"
Libaax dhal ah oo taabanaya xubnaha taranka ee aabihiis
Qoraalka sawirka, "Halkaas ma aha meel la taabto..." Waxaan qiyaaseynaa in sawirkan kadib aysan dhicin wax lagu qoslo
Wiyil ku kaadineysa Shimbir gadaasheeda joogtay
Qoraalka sawirka, "Adiga ayaa sabab u ah wixii kugu dhacay." Ugu dambeyn, waxaa caddaalad helay qof walba oo ay shimbir dusha sare uga soo saxarootay ama kusoo kaadisay
Guumeys qosleysa
Qoraalka sawirka, "Baashaalka barafka" - Maxay noogu qosleysaa guumeystan?
Daanyeer nasanaya
Qoraalka sawirka, "Iska tiirso" - daanyeerkan wuxuu yaqaannaa sida loo nasto
Oorso isku qarineysa geed gadaashiis
Qoraalka sawirka, "Ciyaartii dhuumaaleysiga", "meel isku qari anigana waan kusoo raadinayaa, koow, labo saddex", laakiin marka ay sidaan tahay qofka kula ciyaaraya si fiican uma uusan dhuumanin
Xayawaanno wax macsalaameynaya
Qoraalka sawirka, "Haye!" nabadeey

13-ka bisha Nofembar ayaa lagu dhawaaqi doonaa xayawaannada ku guuleystay tartanka abaalmarinta lagu qaadanayo.

line