Haweenay uur leh oo loo jirdilay warar la isla dhexmaray oo sheegaya in ay canug afduubatay

Published

Dad ayaa jir dilay haweenay uur leh oo ay uga shakiyeen in ay af duubanayso canug, arrintaasina waxay ka dhacday magaalada Delhi ee caasimadda u ah dalka Hindiya.

Booliiska ayaa BBC-da u sheegay in ay dagan tahay xaaladda haweenayda oo 25 jir ah, isla markaasna la xiray saddex ruux.

Waaa dhacdadii u dambaysay ee la xiriirta weerarro badan oo ay hurinayaan warar la isla dhexmaray oo sheegaya in carruurta laga afduubto caasimadda iyo gobollada ka ag dhaw.

Sannadkii horana arrimo sidan oo kale ah ayaa dhacay oo dad kala duwan ayaa la garaacay ama la dilay ka dib markii la isla dhex maray warar aan sal lahayn oo sheegaya in carruur la afduubtay.

Muuqaal laga duubay dhacdada ayaa muujinaysa haweenay ay ku hareeraysan yihiin koox dad ah, kuwaas oo la maqli karo iyaga oo ku eedaynaya in ay carruur afduubanayso ka dibna garaacaya.

Dacwadaha ugu badan ee arrintan la xiriira waxaa laga diiwaan galiyay gobolka Uttar Pradesh oo xad la leh magaalada Delhi.

"Ugu yaraan 46 dhacdo ayaa la diiwaan galiyay tan iyo 29 Agoosto, dhammaantoodna looma helin caddaymo muujinaysa in carruur la afduubanayay," sidaas waxaa Twitterka ku soo qoray OP Singh oo ah agaasimaha guud ee booliiska.

"Waxaan dadka ugu baaqaynaa in aysan rumaysan wararka aan waxba ka jirin ee la isla dhexmaro sida kan oo kale. Haddaad shakido wac booliiska adigoo ka heli kara taleefanka lambarkiisu yahay 100 ama baraha bulshada kala xiriir," ayuu intaas ku sii daray.

Degmada Ghaziabad oo ku taalla duleedka magaalada caasimada ah ee Delhi lix dhacdo oo arrimahan la xiriira ayaa laga diiwaan galiyay bishii Agoosto.

"Mid ka mid ah dhacdooyinka, waxaa la weeraray ayeeyo wadata canug ay ayeey u tahay, sababta ay dhibaatadaas ku mutaysatay waa in ay kala duwanaayeen midabkeeda iyo midka canuga ay ayayda u tahay," ayuu yiri Neeraj Jadaun oo ah taliye sare oo ka tirsan booliiska, wuxuuna intaas ku daray in la xirxiray dhammaan dadkii looga shakiyay dhacdadaas.

Inkastoo arrimo noocan oo kale ah laga soo sheegay Hindiya oo dhan, haddana ma cadda in afduubka carruurtu uu soo badanayo.

Wararka la isla dhex maro ee sheegaya carruurta la afduubtay waxaa inta badan lagu faafiyaa, fariimaha gaagaaban ama WhatsApp, sida ay wararku sheegayaan.

Masuuliyiinta ayaa dadka ugu baaqaya in aysan rumaysan fariimaha noocaas ah ee sheegaya in carruur la afduubtay, waxayna intaas ku dareen in aysan wali arkin muuqaal ama fariimaha la isla wadaagayo oo si dhab ah ula xiriira canug la afduubtay.