Maraykanka weli ma yahay dal awood milateri ku leh Aasiya?

Qoraalka Muuqaalka, Shiinaha ayaa xariga ka jaray markabkii u horreeyay ee dalka gudahiisa lagu sameeyay kaas oo xambaara diyaaradaha
Published

Sarrayntii Maraykanka ee Pacific meesha way ka baxday.

Muddo dheer khuburadu waxay ka hadli jireen sida degdegga ah ee dalka Shiinuhu uu u casriyaynayo milatarigiisa waxayna ugu yeeri jireen "awood sare u soo kacaysa".

Balse waxaa laga yaabaa in falanqayntii noocaas ahayd wakhtigeedii laga soo gudbay. Shiinuhu si wayn uma soo xoogaysanayo ee wuuba xoogaystay; dhinacyo badan oo milatariga Maraykanku kaga horrayn jiray ayuuna kula loolami karaa.

Hadalkaas ayaa gunaanad u ah warxibin cusub oo ka soo baxday Xarunta Barashada Arrimaha Maraykanka ee Jaamacadda University of Sydney ee dalka Australia.

Waxay ka digaysaa in istaratiijiyadda difaaca Indo-Pacific ee dalka Maraykanka "ay soo wajahday dhibaato baaxad wayn oo aan horay loo sii saadaalin" lagana yaabo in Maraykanku uu la daalaa dhaco in uu xulafadiisa ka difaaco Shiinaha.

"Maraykanku kuma naaloonayo sarrayntii dhanka milatariga ee Indo-Pacific", ayaa warbixintaas lagu yiri, waxayna intaas ku sii dartay in ay sii kordhayso hubaanti la'aanta ku aadan in uu sii haysto gacansarrayntii dhanka milatariga".

Warbixintan ayaa tilmaantay gantaallada Shiinaha ee cajiibka ah kuwaas oo halis ku ah saldhigyada muhiimka ah ee Maraykanka iyo xulafadiisa.

Shiinuhu quwad wayn kama aha caalamka sida Maraykanka oo kale. Shaki ayaana la galin karaa in uu hiigsanayo in uu heerkaas oo kale gaaro (hase ahaatee arrintaas laftirkeeda ayaa laga yaabaa in uu isbadal ku yimaaddo maadaama oo dalal dibada ah uu ka samaysanayo dekado iyo saldhigyo milatari).

Shiinuhu wuxuu hadda adduunka ku gaaraa dhaqaale ahaan. Balse waxaa ka maqan dareenka ah in uu xoogga saaro meelaha dalkiisa ka baxsan, samaynta arrintaas ayaana qarnigii labaatanaad Maraykanka ka caawisay in uu saamayn muhiim ah ku yeesho caalamka.

Dadka wax falanqeeya ayaa ku kalsoon in Shiinuhu uu u babac dhigi karo jawaab kaste oo Maraykanku bixiyo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadka wax falanqeeya ayaa ku kalsoon in Shiinuhu uu u babac dhigi karo jawaab kaste oo Maraykanku bixiyo

Sidoo kalana Shiinuhu malaha waxyaabo kale oo aan awood u baahnayn oo ay ku faafin karaan qiyam kooda kuwaas oo u dhigma kuwa Maraykanka ee ay ka midka yihiin jiiniska buluugga ah, shirkadda aflaanta samaysa ee Hollywood ama rootiga dhexda ku wata suugadii ama hilibkii lagu cuni lahaa.

Sida ay shaxo badan muujinayaann Washington ayaa dhinacyo badan oo hubka ah kaga horraysa Beijing. Tusaale ahaan nukliyeerka Maraykanka ayaa aad uga badan kan ay Beijing haysato.

Maraykanka ayaa wali ku horreeya qaybo dhanka tiknoolajiyadda ah sida arruurinta macluumaadka sirdoonka, difaaca gantaallada ballistic loo yaqaanno iyo diyaaradihii u dambeeyay ee dagaalka. Maraykanka ayaa sidoo kale leh xulafooyin ku kala sugan Aasiya iyo Nato oo yurub ah.

Shiinuhu ma laha xulafo sidaas oo kale ah. Balse wuxuu si degdeg ah u haraynayaa teknoolajiyadda Maraykanka.

Shiinahana waxaa muhiim u ah Aasiya iyo wax uu u arko dayrkiisa gadaashiisa. Labada arrimood ee u muhiimsanna waa diirad saaridda iyo dhawaanshaha Aasiya - arrintaas ayaana ka dhigan in Shiinuhu uu haddaba ku gacan sarreeyo Aasiya marka loo fiiriyo Maraykanka oo ay is hayaan.