Nin iyo Xaaskiisa oo Ciid ay xadeen ku muteysanaya Xabsi

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .
Published

Lamaane u dhashay dalka Faransiiska ayaa lagu qabtay iyaga oo si xatooya ah ugu qaadanaya Gaari waateen Ciida Jaziirada Sardinian waxaana ay wajihi karaan xabsi lix sano ah

Waxaa ay sheegeen in ay rabeen in ay ciida u qaataan gurigooda qaab xasuus ahaan ah iyagoo sheegay in aysan fahamsaneyn in ay ay dambi tahay arrintaas.

Ciida Cad ee Sardinia ayaa ah ciid qaali ah waxaana mamnuuc ah in Jaziiradaasi laga qaado.

Muddo sanooyin ah ayaa dadka deegaanku waxay ka cabanayeen xatooyada loo gaysanayo waxyaabaha dabiiciga ah oo ay ciidu ka mid tahay .

Lamaanahan ayaa wajahaya xabsi u dhaxeeya hal sano ilaa lix sano oo la xiriira dambiga xatooyada oo ay galeen iyada oo lagu eedaynayo in ay xadeen hanti dadweyne.

Sida ku xusan sharci la meel mariyay sanadkii 2017 kii ka ganacsiga Ciida dhagaxyada iyo qolfaha waa sharci darro waxaana lagu ganaaxayaa cidii lagu helo lacag gaaraysa $3,330; oo doolar.

Booliska ayaa ogaaday Ciida oo laga soo buuxiyay 14 dhalo taas oo laga soo qaaday xeebta Chia, oo ku taala koofurta Sardinia,iyadoo ay ku soo qariyeen buudka gaariga ay wateen ninka iyo xaaskiisa.

Waxay doonayeen in ay raacaan doon ku sii jeeday dalka Faransiiska sida ay wararku sheegayaan.

Dalxiisayaasha halkaasi taga oo intooda badan ka yimaada wadamada Yurub oo Talyaanigu ka mid yahay ayaa carada ama ciida ku shubta dhalooyin kadibna waxaa ay ku iibiyaan hab Online ah .