Nin malaayiin ka sameeyay dhagxaan uu dadka uga dhigay nooleyaal

Gary Dahl waxa uu iibiyay 5 milyan oo dhagxaan ah sannadkii 1975

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gary Dahl waxa uu iibiyay 5 milyan oo dhagxaan ah sannadkii 1975
Published

Ninka lagu magacaabo Gary Dahl ayaa malaayiin doollar ka sameeyay dhagxaan uu dadka uga dhigay nooleyaal ay rabaayadaysan karaan, kuwaas oo aanan wax dhibaato ah ku haynin.

"Cunto uma baahna, kama walwalaysid," ayuu ku qoray waraaqaha xayaysiinta dhagxaanta oo uu kasoo daabulay xeebaha dalka Mexico.

Halkii dhagax wuxuu dadka ka iibinayay $3.95 (oo maanta u dhiganta $15 ), waxaana laga iibsaday illaa 5 milyan oo dhagxaantaas ah.

Dhagxaanta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhagxaanta

Wuxuu ku ridey baakado, wuxuuna ku qorey "waxa ay aad ugu wanaagsanyihiin in la tabobaro, waxay iska dhigi karaan in ay dhinteen oo kale, waxay jecelyihiin in ay safraan iyaga oo ku jira jeebabkaaga".

Waraysi ninkan lala yeeshay sannadkii 1975-tii ayuu ku sheegay in dadka ay yihiin kuwa wada caajisay, daalay, lana tacaalaya dhibaatooyiin badan, sidaas darteedna ay aaminayaan waxkasta.

Dadka aad ayay uga dhaadhacday fikradda ah in dhagxaanta ay noqon karaan nooleyaal rabbaayad ah oo wax barta, wehelna noqon kara.

Sida uu qorey wargeyska New York Times, lacagta waxay ninkan u saamaxday in uu iibsado gaari Mercedes ah, islamarkaasna u dego guri aad u weyn.

Dad kale ayaa ka macaashay ganacsigan layaabka leh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad kale ayaa ka macaashay ganacsigan layaabka leh

Mr Dahl ayaa isku dayay in uu billaabo fikrado la yaab leh oo uu doonayay in uu lacag ka sameeyo, balse uma aysan shaqaynin intooda badan.

Waxaa ka mid ahayd fikrad la yaab leh oo ah, in uu dadka ku qanciyo in ciidda laga samayn karo taran, sida lab iyo dhedig.

Ciid

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciid

Ninkan wuxuu dhintay sannadkii 2015-kii isaga oo 78 jir ah, wuxuu shucuur kala duwan ka qabay waxyaabihii uu samayn jiray.

Wuxuu muujiyay oo sheegay in noloshiisa ay ka wanaagsanayn lahayd haddii uusan samayn lahayn ganacsigaasi la yaabka leh. Wuxuuna u muuqday nin waxaas ka qoomameynayay.