You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ebola: Hay'adda WHO oo ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo deg-deg ah dalka Congo
Hay'adda caafimaadka aduunka ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola ee ka dilaacay dalka Jamhuuriyaddda Dimuqraadiga ee Congo uu yahay xaaladda caalami ah oo cafimaad oo degdeg ah.
Ku dhawaaqidda arrintani ayaa timid ka dib kulan ka dhacay magaalada Geneva ee xarunta ururka markaasi oo ay khubarada ay qiimayn ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka oo meeelo cusub ku sii fiday .
Goobaha cusub ee cudurka lagu arkay waxaa ka mid ah magaalada Goma, oo ay ku nool yihiin dad ka badan 1 milyan oo qof islamarkana ku taalla xuduudda Ruwanda.
Hay'adda caafimaadka aduunka ayaa waxaa haystay cadaadi loogu baaqayay inay ku dhawaaqdo xaalad caafimaad oo caalami ah oo degdeg ah.
Kiis cudurka ka mid ah oo laga helay magaalada Goma iyo haweenay u gudubtay dhanka xadka Uganda oo cudurka laga helay ayaa soo dadajisay in xaaladan lagu dhawaaqo
Ku dhawaaqida xaaladan caafimaad ee degdega ah ayaa waxay micnaheedu tahay in sare loo qaadi doono baaritaanada xudduudaha iyo garoomada ,balse WHO waxay sheegtay in xuduudaha aan la xiri doonin.
Ku dhawaaqida xaalad degdeg ah oo caafimaad ayaa waxa ay albaabada u furaysaa in lacago badan oo cudurka lagula dagaalamo la helo.
Ilaa iyo hada dalalka deeq bixiyayaasha ayaa si gaabis ah u bixinayay deeqaha ay siiyaan Congo marka loo barbar dhigo deeqihii ay siiyeen dalalka galbeedka Afrika markii uu cudurka ka dilaacay 5 sano ka hor.
Balse qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa ka walaacsan in lacago la helo iyo xaalad degdeg ah midna aysan gacan ka gacan ka gaysan Karin la dagaalanka cudurka.
Cudurka Ebola ayaa ku sii fidayay qaybo ka mid ah Congo oo ay colaado ka taagan yihiin,waxaana la weeraray lana dilay shaqaalaha caafimaadka islamarkana dadka deegaanka waxaay shaki ka qabaan hay'adaha gargaarka ee ajnabiga ah.
Tan iyo inti uu cudurka Ebola ka dilaacay Congo waxaa ku dhintay dad badan.