Wasiir hore oo xadgudub Jinsi geystay oo ay maxkamad xukun ku ridday

Mr Svein Ludvigsen waxaa sawirkan laga qaaday 2008

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Svein Ludvigsen
Published

Wasiir horay uga tirsanaa golaha wasiirrada Norway ayaa xabsi shan sana ah lagu xukumay kaddib marki lagu helay inuu xadgudub dhinaca jinsiga ah uu u geystay dumar magangalya doon ahaa.

Svein Ludvigsen, oo 72 jir ah ayaa dambigaasi lagula helay kaddib marki lagu helay inuu xilka uu ka hayey dalka Norway isaga oo ka faa'ideysanaya inuu xadgudubkaasi geystay.

Sababaha uu xadgudubkaasi uu u geysanayey Mr Ludvigsen ayaa lagu sheegay in dadka magangalya doonka weydiisto ay iisu dhiibaan haddii kale uu dalka ka masaafurinayo, dadka shuruuddiisa buuxiyana uu dagganaasho degdeg ah uu siinayey.

Hase yeeshee, Mr Ludvigsen marka uu xukunka ku dhacay kaddib wuxuu sheegay inuu dambigaasi bari ka yahay, xukunkana racfaan uu ka qaadanayo.

Xukunka maxkamadda oo dhacay maalinti Arbacada waxaa si rasmi ah ay maxkamaddu u shaacisay maalinta xigtay ee Khamiista.

Falka lagu soo eedeeyey wasiirka hore ee Norway ayaa la sheegay inuu dhacay 2011-2017-ka.

Seddex rag ah oo ay da'dooda kala tahay 25, 26 iyo 34 oo maxkamadda ka markhaati furay waxay sheegeen iney Mr Ludvigsen ay marki ugu horreysay la kulmeen xilli uu gobarnatoora ka ahaa gobolka Troms.

"Waxaan mas'uulka xilligaasi ka dalbannay guriya iyo shaqo wuxuuna codsigannaga nagu xiray shuruud ah inuu xirrii jinsi nala sameeyo, wuxuu xadgudubyada uu nooga geystay gurigiisa, xafiiskiisainaan iyo huteello intaba" ayey yirahdeen.

Mid ka mid ah dadki maxkamadda ka markhaati furay ayaa sheegay inuu xilligaasi 17 jir ahaa dhibaatada uu Mr Ludvigsen uu u geystayna "ay dhibaato maskaxeed u geystay."

Inta ay maxkamadda socotayna wuxuu siyaasigan hore ee reer Norway uu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu mid ka mid ah raggaasi ay wax dhex mareen balse ay raalli isaga ahaayeen oo uu qasbin. Wuxuuna sida oo kale sheegay iney booliska ay xaaladdiisa ka been sheegeen.

Balse wuxuu diiday inuu labada kale uu xiriir la yeeshay.

Ann-Magrit Austena, oo ah xoghayaha hay'adda dadka magangalya doonka ee Norway ayaa waxay si weyn u soo dhaweysay xukunka ay maxkamaddu gaadhay.

"Xukunnada noocaasi aad ayey muhiim u yihiin, arrintan waa xadgudub loo geystay kalsoonida, waxa dhacayna waxay muujineysaa iney tahay ku tagrifalid awoodeed" ayey tiri mar ay BBC u warrameysay.