Ma-nooleyaal badeli doona 20 milyan oo shaqaale bini'aadam ah

Robot ka howlgalaya warshad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Robot ka howlgalaya warshad
Published

Dad gaarayo 20 malyan oo qof oo ka shaqeeya shirkadaha adduunka ayaa waxay waayi doonaan shaqooyinkooda marka la gaaro sannadka 2030-ka maadama aaladda Robotka ay qaban doonto shaqadaas, sida ay sheegtay shirkadda dhaqaalaha ee Oxford.

Qaar kamid dadka shaqo la'aanta ay dhigi doonto aaladda Robotka waxay heli doonaan shaqooyinka Robotka, si kastaba, soo ifbixidda makiinadda waxay dabooli doontaa baahida shaqo la'aanta dunida iyo kobcinta dhaqaalaha.

Kororka Robotka

Robotka waxaa uu shaqo la'aan dhigi doonaa 1.6 malyan oo qof oo ka shaqeeya shirkadah wax soo saarka dunida, waxay saameyn doontaa arrintaasi gobollo badan oo dunida ku yaalla.

Gobollada ay ku nool yihiin dadka aanan laheyn xirfadaha waxtarka leh ayaa qarka u saarnaan doonaa shaqo laa'aantan , waxay halis ugu jiri karaan in shaqooyinka ay qaban jireen uu qaban doono Robotka, sida ay sheegeyso shirkadda dhaqaalaha ee Oxford.

Shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha qaabilsan arrimaha gaadiidka,dayactirka iyo shaqooyinka maamulka waxay waayi karaan shaqooyinkoda maadama uu Robotka qaban karo.

line

Weriyaha BBC ee arrimaha teknooloojiyadda, Robotka waxaa uu muuqdaa in dadka uu shaqo la'aan dhigi doontaa dad badan oo ka shaqeeyo warshadaha iyo xafiisyada.

Meelaha sida ay saameynta ugu yeelan doonto Robotka waxaa kamid ah dalka Shiinaha halkaaso ay dad badan ay dhigi doonto shaqo la'aan.

Caqabadaha heysta dowladaha waxaa kamid ah, dhiirogelinta curinta fikradaha wax ku oolka ah ee teeknooloojiyadda sida Robotka, dhinaca kale si loo eego shaqo la'aanta saameyn karta bulshada.

line

Shaqooyinka hal abuurka iyo arrimaha sirddoonka ayaa u muqdaa kuwo ay banii'aadanka sii qaban doonaan tobonnaan sanno oo socda.

Ku dhawaad 1.7 milyan oo qof ayaa horraan shaqadoodii waayay tan iyo markii uu dunida kusoo kordhay Robotka, Yurub waxay garaayan dadka shaqo la'aanta dhigay Robota 400,000, halka Mareykanka iyo Shiinaha ay kala yihiin dadkaas shaqada waayay 260,000 iyo 550,000.

Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay in meelaha ugu badan uu Robotka qaban shaqooyinka waxaa kamid ah dalka Shiinaha, ilaa 1.4 Malyan shaqo ayuu Robotka ka qaban doona Shiinaha meesha lagu gaaro sannadka 2030-ka.

Dalka Ingiriiska, boqolaal kun oo qof ayaa waxay halis ugu jiri doonaan shaqooyinkooda maadama Robotka uu baddali karo.

Guud ahaan boqolkiiba 30 dunida waxaa sare u kacay soo saarista Robotka, waxaa uu kobaca dhaqaalaha dunida ku biirinayaa adduun gaarayo 5 Trilyan.