Dhaqtarka taranka ee ilmaha ka dhalay bukaankiisa

Dr Norman Barwin

Xigashada Sawirka, CBC

Qoraalka sawirka, Dr Norman Barwin
Published

Dhaqtar dhanka bacriminta taranka ah ayaa lagala noqday ruqsadii kadib markii uu Shahwadiisa u isticmaalay qof bukaan ah oo uu ka caawinayay sidii ay u uureysan lahayd.

Kulliyadda Dhakhaatiirta iyo Qaliinka Ontario ayaa sheegtay in talaabooyinka uu ku kacay Norman Barwin ay yihiin kuwa ka baxsan bini'aadanimada.

Dacwadan ayaa soo baxaday kadib baaritaan lagu sameeyey dacwado ka dhanka ah Norman Barwin sannadkii 2016.

Dhagaysi uu sameeyay guddiga anshaxmarinta kadib, ayuu Dr Steven Bodley oo u hadlay guddiga sheegay in waxa dhacay ay yihiin nasiib darro, waxa kaliya ee ay samayn kareen ay tahay in ay kala noqodaan Ruqsada shaqada shaqada iyo in lagu xukumo ganaax lacageed.

"Waxaad khiyaamaysay (ku kalsoonaanta bukaankaaga), ficilkana si aad ah ayay u saameeyeen shakhsiyaadka iyo qoysaskooda waxayna sababeen waxyeelo aan loo baahnayn oo soo jiidan kara," ayuu yiri Dr Steven.

80 jirkan dacwada loo haysto ayaan kasoo muuqan goobta lagu qaadayay kiiska loo haysto,waxa matalayay qareenkiisa.

Dacawada loo haysto Dr Barwin

Sida ku xusan warbixin laga soo saaray baaritaanka la sameeyay, waxaa jira ilaa 14 dhacdo oo uu Dr Barwin uu u isticmaalay Shahwadiisa ama Shahwad aan la aqoon si uu ugu abuuro bukaankiisa oo ilmo raadis ahaa.

Qareenkiisa ayaase sheegay in dacwadan tahay mid aan lahayn cadeymo laysku halayn karo

Halka Caroly Silver oo ah dacwad ooge matalaya kuleejka caafimaadka ee uu dhaqtarka ka tirsanaa ay sheegtay in aan loo hayn wax marmarsiimo ah dambiga uu galay Dr Barwin.

Dhaqtarkan dhanka bacriminta ayaa lagu helay kiisas looga shakiyay sannadkii 2013,in saddex kamid ah Bukaankiisa lagu helay in lagu shubay Shahwad qaldan.

Xeer-ilaaliye ayaa sheegay in uu bilaabay baadhitaan kadib markii ay soo gaartay dacwada la xariirta 50-100 ciyaal ah oo hoyooyinkood ay sheegeen in si qaldan u shahwad ugu abuuray Dr Barwin,walina lama gayn maxkamad mid kamid ah kiisaskan.

Garyaqaanka College of Physicians and Surgeons of Ontario, Carolyn Silver

Xigashada Sawirka, BBC News

Qoraalka sawirka, Garyaqaanka College of Physicians and Surgeons of Ontario, Carolyn Silver

Rabecca Dixon taas oo qoyskeeda uu dacwad ku furey dhaqtarka ayaa sheegtay in ay ogaatay in Dr Barwin uu yahay aabaheed iyada oo 25 jir ah.

Ms Dixon ayaa sheegtay in ay ogaatay in ay jiraan illaa 15 ilmo kale oo ay isku aabbo yihiin tan iyo intii ay ogaatay in aabaheed uu yahay Dr Barwin

Bukaan kale ayaa sheegay in arrinkan uu yahay meel ka dhac loo gaystay xaquuqdooda, '' Maxaa ka xanun badan ilmahaagii oo kugu ag waynaanaya oo aan kuuba ekeyn''.

Dixon iyo qoyskeeda isu eka

Xigashada Sawirka, Courtesy of Rebecca Dixon

Qoraalka sawirka, Dixon iyo qoyskeeda isu eka