Mukesh Ambani: oo ah ninka Hindiya ugu taajirsan oo walaalkii ay cadaw isku ahaayeen badbaadiyey

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ninka ugu taajirsan Hindiya Mukesh Ambani ayaa lacag deyn ah oo loo heystay walaalkii ka bixiyey, isaga oo ficilkaasi walaalkii kaga badbaadiyey xabsi inuu galo.
Anil Ambani ayaa xabsi muteystay kaddib markii ay shirkaddiisa Reliance Communications (RCom) iyo shirkadda weyn ee dhinaca telefoonnada ee Ericsson heshiis ay galeen uu burburay.
Waxayna shirkadda Ericsson ay Mr Anil ku yeelatay 5.5bn oo rubi ($80 milyan oo doolar) muddadadi maxkamadda ay u qabatayna uu ku bixin waayey.
Dhacdadan ayaa waxay keentay iney xiriir cusub ka dhex abuuranto walaalo in mudda ah isku xumaa oo ay colaad aad u weyn u dhaxeysay.
Shirkadda Anil ee RCom waxay maxkamadda sare ee Hindiya ay u qabatay lacagta ay shirkadda Ericsson ku leedahay inay ku bixiso ilaa iyo 15-ka bisha December 2018-kii balse RCom wey ku guul darreysatay bixinta lacagtaasi.
Maxakamadda sarana wxay xukuntay inuu Mr Anil dacwadda lagu soo oogay lagu helay haddii uu muddo afar toddobaad ahna lacagtaasi uu ku bixin waayo xabsiga loo taxaabayo.
Haddaba Isniinti waxay shirkadda Anil ee RCom shaaca ka qaadday in lacagti deynta oo lagu lahaa ay bixisay.
"Mahad gaar ah waxaan u jeedinayaa walaalkeey iga weyn oo aan aadka u ixtiraamo Mukesh iyo Marwadiisa Nita, sida ay ii garab istaageen xilli aan ku jiray marxalad aad u adag iyaga oo aad u jecel inuu sii socda xiriirkeenna qoysnimo isla-markaana aaminsan muhiimadda ay leedahay taageerada xilliga aan u baahnaa ay ila soo gaareen" ayuu yiri Anil Ambani.
Arrinta ay warbaahintu aadka u hadal haysa ayaa waxay tahay labadan qof ee walaalaha ah in mudda ahna wax xiriir ah uusan ka dhaxeyn wixi ka dambeeyey xurguftii dhaxalka ku dhex martay marki dambana ay ku kala tageen iyaga oo aan dhaxalka ku heshiin sidaana ku kala maqnaa iney maanta xabsi iska furtaan.

Xigashada Sawirka, AFP
Waxaana labada walaalaha ah dagaal aad u xooggan oo ilaa maxkamada gaaray uu dhex maray 2005-tii dagaalkaasi oo muddo toddoba bilood ah socday.
Sida ay qortay Bloomberg hantida Mukesh Ambani waxay gaareysaa $54 bilyan oo doolar.
Waxuuna leeyahay Mr Mukesh warshado, soo raadidda saliidda, isgaarsiinta oo ah kuwa ugu waaweyn dalak Hindiya.
Halka walaakii ka yar ee Anil Ambani hantidiisa ay gaareyso $300 milyan oo doolar.










