Todobaadka iyo Afrika oo sawirro lagu soo gudbinayo: 28 Siteembar - 4 Oktoobar 2018

Published

Sawirro xul ah oo laga qaaday Afrika iyo Afrikaanka todobaadkan

Dabaaldegga Ireecha. Orommada oo u dabaaldegaya xaflad diimeedka Irreecha Axaddii. Ayagoo ku labisan dharka hiddaha ayey dadku cawas markaas la soo jaray u qaadaan laagta Harsadi, ayagoo ilaah uga mahadcelinaya billowga guga.
Waa laba is calamaday oo guurkooda ku soo beegay xafladda Irreecha. Caruuska wuxuu ku faraxsan yahay inuu jamaahiir hortooda ku mehersado marwadiisa.
Nin kor u haya warqad ay ku qoran tahay "baaq ku aaddan in keligii taliyaha la eryo", wuxuuna hor taagan yahay dad badan oo ah taageerayaasha mucaaradka Kaameruun ee MRC, intii uu socday isu soo baxa ololaha doorashada ee 30 Siteembar 2018.
Tageerayaasha madaxweyne Paul Biya oo socod ku maraya waddo ku taalla magaalada waqooyiga ku taalla ee Maroua, ayagoo muujinaya taageeradooda dabayaaqada bishii hore.
Taageerayaal dabaaldegaya in yar ka hor isu soo bax ay ka hadlayaan murashaxiinta mucaaradka ee u tartamaya madaxweynenimada 29 Siteembar 2018, ka hor doorashooyinka ka dhici doona jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo.
Gabdhaha dharka xayeysiiya oo la diyaarinayo ka hor inta aysan soo hormarin dadka daawanaya, xarunta Hub of Africa, oo lagu qabtay todobaadka bandhigga dharka ee Afrika 03 Oktoobar.
Sawirkan waxaa la qaaday Kjhamiistii, waa shaqaale diyaarinaya basbaas la doonayo in la warshadeeyo dalka Tuuniisiya. Basbaaska Harissa ayaa caan ka ah dalkaas.
gabdhahan waxay madaxa ku sidaan cabitaan, waxayna isha la raacayaan gaadiidka galbinaya marwada madaxweynaha Maraykanka, Melania Trump magaalada Accra ee Dalka Ghana, 2 Oktoobar.
Khamiistii Mrs Trump waxay u duushay Malawi, waxaa soo dhoweeyey dad sitay calamada labada dal.
28 Siteembar Tiyaatarka qaranka ee Kenya waxaa lagu soo bandhigay sheeko xariiro la yiraahdo Tinga Tinga oo caruurta loogu tala galay.
Gabdho qoob-ka-cayaarka soo bandhiga oo isu diyaarinaya inay masraxa ka soo muuqdaan oo ay soo bandhigaan cayaarta faraha fooddoodda lagu istaago ee Pyotr Tchaikovsky, magaalada Johannesburg ee South Africa, 4 Siteembar.
Taageerayaal isu diyaarinaya daawashada cayaar Abidjan ku dhex martay 29 Siteembar Togo iyo Ivory Coast. Waxay ku tartamayeen cayaarta kama dambaysta ah ee Maracana, koobka koobabka Afrika.
Axaddii waxaa Kinshasa lagu gubay fool maroodi sharci darro ah, waxaana joogay halkii lagu gubayey madaxweynaha jamhuuriyadda dimoqaraadiga ee Koongo Joseph Kabila.

Sawirrada waxaa leh AFP, EPA, Reuters iyo Getty Images