You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciidamada Liibiya oo lagu eedeeyay dhimashada dad muhaajiriin ah
Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa lagu eedeeyay in ay rabshado kula keceen dadka muhaajiriin ah, kuwaasi oo shank a mid ah ay dhinteen xilli hawlgal samatabixin ah laga waday badda Mediterranean.
Hay'adda Sea Watch ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in mid ka mid ah maraakiibtooda ay u suurtagashay in uu badbaadiyo ku dhawaad 60 qof oo saarnaa doon sii quuseysay.
Balse waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada ilaalada xeebaha dalkaasi Liibiya ee halkaasi joogay ay garaaceen dadkii saarnaa doontaasi, arrintaa oo ay ka dhalatay argagax iyo muhaajiriinta qaar ay badda ku daataan.
Hay'addani ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi aysan dhiman lahayn, haddii ciidamadaasi ay xaaladda dejin lahaayeen oo aysan rabshaddaasi ku kici lahayn.