Fatuuradda Faransiiska ee laga jecelyahay Madacascar

Published

Baabuurkan oo lagu magacaabo 2CV ayaa waxa uu caan ka yahay dhulka miyiga ah ee dalka Faransiiska, , balse muddo aad u dheer waxa uu ahaa mid aad looga jecelyahay dalka jasiiradda Madagascar oo mar Faransiiska gumeysan jiray, waxaana inta loo isticmaalaa gaadiidka tagsiga ah.

Ninka lagu magacaabo Feno Rafanomezantsoa aabihiis ayaa lahaan jiray baabuurkan 2CV kaas oo uu iibsaday sanadkii 1964. Markii uu kaas ka dhamaaday waxa uu Fano iibsaday mid kale oo uu isaga leeyahay sanadkii 1987-dii, illaa maantana waa uu haystaa.

Madagascar waxa ay Faransiiska xornimo ka qaadatay sanadkii 1960, balse baabuurta Faransiiska waa kuwa wali caan ka ah dalkan, si weyna looga isticmaalo.

Saameynta Faransiiska ayaa wali kasii muuqata afaafka hore ee qasriga madaxtooyada Madagascar.

Baabuurka 2CV waxa uu noqday astaanta lagu garto dalka Madagascar.

Ninka lagu magacaabo Eddy Rajaonarison La Roche, 26 jir ah, ayaa muddo kaartoonada caanaha ka samaynayay baabuurkan si farshaxan ah, wuxuuna ku iibiyaa dariiqyada.

Menjasoa Anjaraniaiana waxa uu horay ugu tagsiilayn jiray baabuurka Renault 4 oo Faransiiska sameeyo, balse waxa uu dhawaan u badashay 2CV , sababtana waxa uu ku sheegay in uu ka raqiisanyahay kuwa kale marka ay noqoto in la hagaajiyo.

Dadka inta badan waxa ay baabuurka 2CV ku xushaan in uusan durba ciladoobin, balse marka uu ciladoobo ay raqiis tahay in la hagaajiyo.

Dad badan oo noocyo kale oo gawaari ah heystay ayaa hadda u badashay kan ECV maadaamaa qalabkiisa uu raqiis yahay.

Hal arrin ayay dadka ka cawdaan marka ay timaado gaarigan 2CV , taasna waa in uu aad u gaabiyo, balse waddooyinka saxmadda ah ee magaalada caasimadda ah ee Antananarivo, wax dhib badan kuma hayso xawaaraha baabuurkan ee gaabiska ah.

For some the 2CV is a car for life.

Sawirrada waxaa qaaday Clare Spencer.