You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qofkii looga shakisnaa qarixii Ruushka oo qirtay
Maxbuuskii looga shakisnaa qaraxii Ruushka ka dhacay Axaddii ayaa qirtay in uu ka dambeeyay weerarkii bamka loo adeegsaday ee ka dhacay boosteejada tareenada ee St Petersburg kaas oo ay ku nafwaayeen 14 ruux, sida ay ku warantay warbaahinta Ruushku.
Abror Azimov oo dhashay sanadkii 1990kii oo la sheegay in uu ka soo jeedo Kyrgyzstan ayaa "si dhamaystiran u qirtay" in uu soo abaabulay qaraxyada, sida uu qareenkiisu u sheegay warbaahinta Ruushka.
Wuxuu ka mid ahaa sagaal qof oo loo xiray weerarkii saddexdii Abriil dhacay, kaas oo uu gaystay Akbarzhon Jalilov oo 22 jir ah haysta dhalashada Ruushka balse ka soo jeeda Kyrgyzstan
Qaraxaas waxaa ku dhaawacmay 50 ruux.