Dawladda Peru waxay baadhaysaa dhimashada 10,000 oo raha

Raha Titicaca ee dalka Peru
Qoraalka sawirka, Raha Titicaca ee dalka Peru
Published

Wakaalada deegaanka ee dalka Peru waxay baadhaysaa dhimashada 10,000 oo rah oo laga helay wabi ku yaala koonfurta dalkaasi .

Kooxaha u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in wasakhaynta webiga Coata ay sabab u tahay dhimashada baahsan ee ku dhacday raha.

Waxaa loo yaqaan rahani Titicaca waxaanu ku nool yahay biyaha macaan ee harada u dhexayasa Bolivia iyo Peru. Rahan ayaa ku jira noolaha looga baqayo inuu dabar go'o.

Kooxaha deegaanka ilaaliya ayaa boqol ka mid ah meydkii rahan u qaaday xarunta gobolka koonfurta Peru ee Penu.

Waxay dawlada Peru ku eedeeyeen inay maqli weyday baaqoodii ahaa inaan bulaacadaha lagu qubin biyaha uu ku nool yahay rahu.