You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Daraasad: Daacsi la'aantu waxay keeni kartaa dhibaato caafimaad

  2. Netanyahu oo ka jawaabay hadalkii adkaa ee Erdogan maanta sheegay

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa hadalka Erdogan kaga jawaabay “Madaxweynaha Turkiguu waa qofka ugu dambeeyay ee casharro akhlaaqeed u sheegi kara Israa’iil.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Netanyahu ku yiri: “Erdogan oo xasuuq u geystay Kurdiyiinta, isla markaana heysta rikoorka adduunka ee xarigga suxufiyiinta ka soo horjeeda xukunkiisa, waa qofka ugu dambeeya ee na siin kara casharro akhlaaqeed”.

  3. Erdogan oo Netanyahu la barbardhigay Hitler

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa xasuusiyay in 80 maalmood ay ka soo wareegatay markii ay bilowdeen weerarada Israa’iil ee Qasa, wuxuuna yiri "Dhammaan qiyamka bini'aadminimada waxaa lagu toogtay indhahayaga hortooda muddo 80 maalmood ah."

    Edogan oo ka hadlayey sannad-guurada 100-aad ee TÜBİTAK iyo TÜBA ee Abaalmarinta seyniska, ayaa yidhi, “Waxaan daawannay dhacdadii garoomada Naasiga Israa’iil ee xeryaha, sax? Waa shaqo caynkee ah tani? Waad ogtahay, inay si yaab leh uga hadli jireen Hitler. "Sidu kaga duwan yahay Hitler?" ayuu weydiiyey, isaga oo sii watay sidatan.

    "Waa maxay farqiga u dhexeeya adiga iyo Hitler? Kuwani waxay noo for seedayaan inaan dib u eegno Hitler. Ma jiraan wax ka haray ficillada Netanyahu marka la barbar dhigo kuwii Hitler? Maya. Hitler ma ahayn nin taajir ah. Ninkani waa ka hanti badan yahay Hitler. Waxay taageero ka helaan reer galbeedka, dhammaan taageerada nooc kasta ah waxay ka timaadaa Maraykanka, dhammaan taageeradaas, waxaa lagu dilay in ka badan 20 kun oo reer Qasa ah. "Codka u taagan kuwa dulman waa codkii Turkida Muslimiinta ah."

  4. Mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee maraakiibta caalamka ayaa ku dhawaaqday in ay ka weecan doonto Badda Cas

    Mid ka mid ah shirkadaha maraakiibta ugu waaweyn adduunka, Hapag-Lloyd, ayaa sheegtay in ay weli aad khatar u tahay in dib loo bilaabo socdaallada badda cas.

    Shirkadda maraakiibta shixnadaha ee Jarmalka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto u weecinta maraakiibteeda koonfurta Afrika taas oo ah wareeg dhowr kun oo kiilo mitir ah.

    Hapag-Lloyd iyo kuwa kale ayaa hakiyay isu-socodka badeecadaha badda cas, sababo la xiriira weerrarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geysanayaan fallaagada XuutiyiintaYemen.

    Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inay ku taageersan yihiin Xamaas dagaalka ay kula jirto Israa'iil. Isbahaysi badeed oo uu Maraykanku hogaaminayo ayaa la geeyay badda cas si ay u ilaaliyaan ganacsiga caalamiga ah.

  5. ‘Cabsi ugama qabno cudurka kudka xoolaha Soomaalida’: Dhakhaatiirta xoolaha Soomaaliya oo beeniyay cabsi laga qabo cudurkaas

  6. Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay duqeyn ku dileen dad rayid ah

    Mucaaradka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka ee dowladdu in ay dileen ugu yaraan 8 qof oo rayid ah kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay duqeyn ka geysatay gobolka Oromada.

    Jabhadda Oromada ee OLF ayaa sheegtay in weerarku uu Isniintii ka dhacay degmada durugsan ee Gudurur. Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in diyaaraddu ay duqeysay xubno ka tirsan kaniisad, kuwaas oo guranayay dalagyo.

    Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda. Ciidamada Faderalka ayaa dagaal adag kula jira ciidamada xoreynta Oromada (OLA) oo ah jabhad ka go’day jabhadda OLF sannadihii u dambeeyay.

  7. Soomaaligii magaaladiisa u diiday Trump oo ka mid noqday liiska Afrikaanka ugu saameynta badan

  8. Wiil walaashiis u dilay hadiyad awgeed

    Labo wiil oo walaalo ah ayaa la xiray ka dib markii walaashood uu toogtay mid ka mid ah sidaasna ay ugu geeriyootay muran ka dhashay hadiyado Christmas-ka.

    Gabadha 23-jirka ah ayaa waxaa laabta xabbad kaga dhuftay walaalkeed oo da'yar xilli ay wiilkeeda oo 10-bilood jir ah ku haysay gaariga caruurta, sida uu sheegay xafiiska booliska ee Florida.

    Wiilka ayaa markaas waxaa toogtay walaalkiis ka weyn oo la baxay bastooladdiisa, Xafiiska booliska Pinellas ayaa sidaas sheegay.

    Waxa uu intaa ku daray in toogashadu ay daba socotay muran ku saabsan cidda hadiyadaha u badan helaysa.

    Sarkaal ka tirsan booliska, Bob Gualtieri ayaa wariyeyaasha u sheegay, midka roon wiilasha oo 15 jir ah inuu Meesha ka cararay kadib markii uu xaseeyay bastooladdi.

    Kan yar oo 14 jir ayaa isbitaalka loo qaaday xilli ay xaaladiisu degan tahay waana la xiri doona marka uu soo boxo sida uu boolisku sheegay.

    Gabadha ayaa iyadu isbitaalka ku dhimatay, waxna ma soo gaarin ilmaheeda yar.

  9. Dowlad raadineysa boqol qof oo u dagaallamayay calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo la'yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen

    Qiyaastii boqol qof oo u dhashay dalka Nepal ayaa la la’yahay ama ku dhaawacmay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

    Dowladda Nepal ayaa sheegtay in ay soo gaareen cabashooyin ku saabsan xaaladda 100 qof oo ka mid ah muwaadiniinteeda oo eheladoodu ay raadinayaan.

    Dadkan ayaa u dagaallamayay kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine laguna magacaabo Wagner.

    Wasiirka arrimaha dibedda ee Nepal Narayan Prakash Saud ayaa sheegay in dowladiisu ay la wadaagtay xukuumadda Moscow walaaca ku aaddan dadka la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

  10. Maxey tahay sababta ugu weyn ee Xuutiyiinta Yemen ay gantaallada ula dhacaan Maraakiibta shisheeye?

    Fallaagada Xuutiyiinta dalka Yemen oo gacanta ku haya qaybo badan oo ka mid ah dalkaas, ayaa ka digay inay bartilmaamedsan doonaan dhammaan maraakiibta ka gudbaya Badda Cas ee xiriirka la leh Israa'iil, xilli Qasa uu ka socdo dagaal muddo qaatay oo u dhaxeeya Xamaas iyo ciidamada Israa’iil balse waxyeellada ugu badan ay ka soo gaarto rayidka reer Falastiin.

    Bishii Nufeembar, ciidamada Houthi waxay afduubeen markab xamuul ahaa oo marayay Badda Cas oo la sheegay in Isr’aail laga leeyahay .

    Labadii bilood ee la soo dhaafay, Xuutiyiintuwaxey weerareen dhowr maraakiib kale oo ganacsi oo qaarkood ay ku dhufteen gantaallo kuna weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    ​Xuutiyiinta ayaa sheegay in tillaabadan ay garab ku siinayaan Falastiiniyiinta Qasa ee dhibaatada ba’an ku wajaha Qasa, iyagoo wacad ku maray in ay beegsan doonaan Maraakiibta dalalka Israa'iil taageera oo dhan.

  11. DAAWO: Muuqaalka aas-wadareed loo sameeyay ku dhawaad boqol qof oo Falastiiniyiin ah oo la aqoonsan kari waayay

    Muuqaalkan ayaa muujinaya xabaalo-wadareedyo lagu aasayyo Falastiinyiin ku dhintay weerarada iyo duqeymaha Israa'iil ay ka gaysanayso Qasa.

    Qiyaastii 80 qof oo mayd ah oo aan la aqoonsan karin oo reer Falastiin ah ayaa lagu aasay xabaalahaan oo ku yaalla Marinka Rafax.

  12. Khasaare ka dhashay hoobiyaal ku dhacay saaka xaafado ka tirsan Muqdisho

    Qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka waaberigii hore waxaa ku dhacay hoobiyaal sida ay baahiyeen qaar ka tirsan warbaahinta gudaha.

    Degmada Boondheere ayaa ka mid ah meelaha la soo wariyay in hoobiye ku dhacay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho.

    Ilaa iyo hadda inta la ogyahay hal qof oo dumar ah ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay guri uu ka dhacay mid ka mid ah hoobiyaasha.

    Ma jirto cid bixisay ilaa iyo hadda faahfaahin intaa dheer oo ku saabsan waxyeellada dhabta ee falkaan ka dhashay iyo cidda ka dambeysaba.

  13. Maxaa keenay in Koonfur Galbeed ay qaadato go'aanka ah in asyan ka qayb gali doonin tartanka ciyaaraha?

    Xiriirka kubada cagta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ka qayb gali doonin tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga furmaya Jimcaha soo aaddan magaalada Muqdisho.

    Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Koonfur Galbeed Axmed Cali Xasan (Axmed Doolar) ayaa BBC-da u sheegay in ay tabanayaan caddaalad darro iyo in dood laga keenay goolhayaha xulkooda.

  14. Maxkamd xukun ku ridday nin mucaarad Jabtuutiyaan ah oo nin kale oo mucaarad ah il ka riday

    Maxkamad ku taalla dalka Biljamka ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay nin ka mid ah mucaaradka Jabuuti, kaddib markii lagu helay inuu jirdil u geystay nin loolan siyaasadeed uu kala dhaxeeyo kaas oo la garaacay indhahana laga saaray.

    Sida ay ku warrantay wakaaladda warark ee AFP oo aragtay xukunka lagu riday Talaadadii, Idriss Cawaale, oo 40 jir ah, ayaa lagu saleeyay"jir-dil uu ku lug lahaa oo keenay in ninka dhibanaha ah uu waayo xubno jirkiisa ka mid ah " kadib markii bishii November 2016-ka uu dagaal dhex maray Cawaale iyo Liibaan Mustafa Xasan oo isna 40 jir ah.

    Eedeysanaha ayaa isla markiiba xabsiga la dhigay ka dib markii 15-kii December ay xukuntay maxkamadda racfaanka ee Brussels.

    ​ Sida lagu sheegay go’aankan, Maxkamadda ayaa sheegtay in labada nin ay yihiin mucaarad ka soo horjeeda dowladda Jabuuti, balse uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay.

    Bishii Nufeember ee sanadkii 2016-kii ayaa nin taksiile ah waxaa uu meel ka mid ah caasimadda Biljamka ee Brussels, gaarahaan wadada dhinaceeda ku arkay Mustafa Xasan oo dhaawac isha kaga yaal isla markaana aad u dhiig baxaya, isagoo booliska u wacay kadibana isbitaalka ayaa loo qaaday.

    Wuxuu u sheegay booliiska in weerarka lagu soo qaaday uu salka ku hayay arrimo siyaasadeed. Saacado kadib Cawaale qudhiisa ayaa isana isbitaal tagay isaga oo u muuqday in ilkaha iyo wajiga wax ka soo gaareen.

  15. Tiro badan oo reer Falastiin ah oo Qasa lagu laayay saacado guahood

    Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la dilay dad gaaraya 241 oo qof kuwaas oo sababsaday weerarada iyo howlgallada ciidamada Israa'iil ay ka wadaan Marinka Qasa.

    Dhanka kale madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa ku tilmaamay xaaladda Qasa ka jirta "dambi dagaal" oo culus oo laga galayo dadka reer Falastiin.

    Israa'iil ayaa weli ku adkeysanaysa in ay sii wadayso dagaalka ilaa inta ay ka xaqiijineyso hadafka ay ka leedahay.

    Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaaraysa dagaalka iyadoo ay nolosha Qasa-na sii noqoneyso mid sii adkaanayso oo xitaa dadkii waxaa gabaabsi ka ah cunto, biyo nadiif ah iyo dawo.

  16. Iiraan oo sare u qaadday soo saarkeeda macdanta nukliyeerka laga sameeyo

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa sheegtay in Iran ay kordhisay wax soo saarka Yuraaniyaamta aadka loo tayeeyay, iyadoo dib u dhac ku yimid muddo lix bilood ah.

    Warbixin ay soo saartay IAEA, oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay in Tehran ay hadda kobcinayso Yuraaniyaamta ilaa lixdan boqolkiiba, taas oo ku dhow heerka hubka laga sameeyo.

    Waxa ay sheegtay in kormeerayaasha IAEA ay ka arkeen isbeddel ku yimid wax soo saarka bil ka hor, markii ugu horreysay warshadda shidaal dhalinta ee Fordow ee Iran, ka dibna xarunta Natanz.

    Qadarka bacraminta labada warshadood ayey hadda xaqiijisey wakaaladda Nukliyeerka. Iran ayaa beenisay inay qorshaynayso samaynta hubka nukliyeerka.

  17. Daawo marka gantaalku haleelay markabka dagaalka ee Ruushka

    Ruushka ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka lagu qarxiyey weerar ay Ukraine ku qaadday dekedda Badda Madow ee gobolka Crimea.

    Muuqaalka dhacdadan ayaa muujinaya qarax ka dib markii markabka lala haleelay. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in weerarku uu ka yimid diyaarad laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday gantaallo la hago.

    Madaxa ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay goor sii horeysay in diyaaradahooda dagaalku ay burburiyeen markabka.

  18. Dowladda Turkiga oo war kale kasoo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya

  19. Garsoorihii u horeeyay oo Madow ah ayaa muddo 15 sano ah kadib qabanaya ciyaar Premier league ah

    Lix iyo labaatanka Diseembar, Sam Allison ayaa noqon doona garsoorihii ugu horreeyay ee madow ah ee qabta kulan Premier League ah muddo 15 sano ah iyadoo Sheffield United ay wajihi doonto Luton Town.

    Garsoore Ashley Hickson-Lovence, ayaa sheegay in magacaabistani tahay "waxooga murugo leh" maadaama uu dareemayo inay tahay wax "loo baahan yahay inay si joogto ah u dhacaan".

    "Waxaan u maleynayaa inay tahay guul weyn, laakiin weli fari kama qodna," Hickson-Lovence ayaa u sheegay BBC Sport.

    Dab-demis hore, Allison, oo 42 jir ah, ayaa waxaa u magacaabay ciyaartan (PGMOL), oo samaystay bartilmaameedyo lagu kordhinayo kala duwanaanshaha masuuliyiinta ciyaarta ee saddex xagalka kubbadda cagta.

    Maamulka ayaa doonaya in la kordhiyo 1,000 haween ah oo garsooreyaal ah iyo 1,000 garsoorayaal madow ama Aasiyan ah oo ka kala shaqeeya dhammaan heerarka kubada cagta muddo seddex sano ah.

    Magacaabista Allison waa talaabadii ugu horeysay ee hadafkooda.

  20. Qarax ka dhacay meel u dhow safaaradda Israa'iil ee Hindiya

    Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa xaqiijisay in qarax uu ka dhacay meel u dhow safaaradda ay ku leedahay caasimadda Hindiya ee New Delhi.

    Waxa ay intaasi ku dartay in maamulka Hindiya ay baarayaan qaabka uu qaraxaasi u dhacay iyaga oo kaashanaya laamaha ammaanka ee Israa’iil.

    Kanaalka Channel 12 ee Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel 50 mitir u jirta safaarada Israa’iil ee New Delhi. Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaasi.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah in maamulka Israa’iil ay la kaashanayaan dhiggooda Hindiya si loo baaro waxa sababay qaraxa.