Maxay ka wada hadleen Mareykanka iyo Somaliland?
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
Afar arrimood oo sabab u ah sare u kaca qiimaha Rootiga ee Jigjiga
Laba qoddob oo Rooble ku soo hadal qaaday shirkiisa jaraa'id iyo sida ay u aragto dowladda Soomaaliya
Saynisyahanno ogaaday noocyo geri jaadgooni ah mid kamidana Soomaaliya laga helo
Article Information - Author, Abdishukri Haybe
- Role, Saxafi BBC, Somali

Xigashada Sawirka, Michael Brown
Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya afar geri oo kaamiradda toos u eegaya Qiimayn cusub oo taariikhi ah ayaa si rasmi ah u aqoonsatay afar nooc oo geri ah, taas oo meesha ka saartay kala saarista naasleyda dhulka ugu dheer adduunka oo loo haystay markii hore in ay tahay ah hal nooc. Dib-u-eegistii kala saarista ay fulisay Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa la qiimeeyay xogta hidda-socodka taasoo muujisay fariga weyn ee DNA-da ee u dhexeeya dhowr nooc oo geri ah. Khubaradu waxay sheegeen in natiijooyinkan - oo daba socda daraasado hore oo la mid ah - ay caawin doonaan dadaallada ilaalinta geriga ee gobollada Afrika ee ay ku nool yihiin.
Gerigu waa mid ka mid ah abuurenayaasha Eebbe ee dunida ugu jaadgoonisan aduunka aadna loo jecel yahay, had iyo jeerna loo maleeyo inuu yahay hal nooc. Laakiin hadda saynisyahano ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Deegaanka ayaa sheegaya in aan soo dhaweyn karno saddex nooc oo kale oo naasley ah oo adduunka ugu dheer.
Ma ahan markii ugu horeysay ee cilmi-baarayaashu ay soo jeediyaan in ay jiraan afar nooc oo ka mid ah kuwan caanka ah ee ku dul wareegaya meeraheena, laakiin qiimeyntii ugu dambeysay ayaa ku dhejisay shaambad rasmi ah.
Sidee saynisyahannadu u soo saareen? Maxayse uga dhigan tahay mustaqbalka xayawaanka?
Saynis yahanadu waxay isbarbardhigeen xajmiga madaxa iyo qaabka madaxa geriyada kala duwan waxayna ku soo gabagabeeyeen in ay jirto kala duwanaansho hiddeside oo ugu filan afar kooxood in loo tixgeliyo noocyo kala duwan.
Cilmi-baadhayaashu waxay eegeen sifooyinka dabiiciga ah ee Afrika oo dhan sida saxaraha, webiyada iyo dooxooyinka kuwaas oo kala saari kara xayawaanka waagii hore, taas oo macnaheedu yahay inay si gooni ah u kala duwan yihiin midba midka kale.

Xigashada Sawirka, Michael Brown
Qoraalka sawirka, Geriga Koonfureed Gerigani wuxuu ku nool yahay Koonfur Afrika, Angola, koonfurta Botswana, Namibia, koonfurta Zimbabwe, Zambia, iyo koonfur-galbeed ee Mozambique. 
Xigashada Sawirka, Michael Brown
Qoraalka sawirka, Geriga Caarcaaran Gerigani waxa uu ku nool yahay saraha bannaan iyo dhul-daaqsimeedka kaynta ah ee Kenya, Soomaaliya, iyo Itoobiya. 
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Geriga Waqooyi Xayawaankan ayaa ku nool galbeedka Itoobiya, bartamaha iyo galbeedka Kenya, bariga Koonfurta Suudaan iyo Uganda. 
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Nooca afraad iyo kan ugu dambeeya waa geriga quruxda badan ee Masai, oo leh maqaar caleeneed oo gaar ah. Waxaa laga helaa Kenya, Tanzania iyo Uganda 'Garsoorihiii ugu fiicnaa dunida' iyo xiriirkii kala dhaxeeyay Soomaalida
Maxay Arsenal u daftay cayaaryahankan Tottenham ay doonaysay inay degdeg ula soo wareegto
Imisa dagaal ayuu Madaxweyne Trump si dhab ah u soo afjaray?
Puntland oo ka jawaabtay eedeyn la xiriirta ganacsi sharci darro ah oo wali ka socda deegaanadaas
Halkee bay ku taallaa maqaaxida cuntada looga iibsado qashinka halkii aad lacag bixin lahayd
Haweenka maamulka Waqooyi-Bari iyo saluuga ay ka qabaan saamiga uga soo aaday barlamaanka
Muxuu yahay muranka qoolleyda ka dhashay ee Hindiya ka taagan?
Maxaa ka jira in cunista cambaha ay u wanaagsantahay dadka qaba cudurka macaanka?
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland: Waxaan ka walaacsanahay maamul dowladda federaalku ka dhisayso Garbahaarey
Sababta ay Arsenal ugu diyaar tahay hanashada horyaalka iyadoo cadaadiska saaran Arteta uu kordhayo?
Shacabka Ukraine oo ka hadlaya kulanka Trump iyo Putin: 'Waxa ay ka hadlayaan Nolosheena, Laakiin cod kuma lihin'
Falcelinta Soomaaliya iyo Somaliland ee hadalkii Senator Ted Cruz ee Aqoonsiga Somaliland
Horyaalka Premier League: Liverpool ma ilaashan doontaa koobka. Arsenal, Manchester City iyo Chelsea maxaa laga fili karaa? Xog dhamaystiran
Maxaad ka taqaanaa taariikhda garoonka Horseed ee Muqdisho?
Saamaynta xayiraadda Maraykanka ee shirkadaha macdanta ee Koongo ku yeelanayso Soomaalida
Maxaa ka jira in "haweeney 60 jir ah ay ilmo ku dhashay Muqdisho"

