Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay xil ka qaadista Cali Jayte

Tebinta tooska ah wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Antony Blinken oo wadahadallo ka bilaabay Beijing

    SHIINAHA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa magaalada Beijing kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Qin Gang, iyadoo ay bilowdeen wadahadallo laba maalmood ah oo uu layeelan doono mas'uuliyiinta Shiinaha.

    Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee diblumaasi Mareykan ah uu ku tago Shiinaha ku dhawaad ​​shan sano. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee wadahadalka uu yahay in la dejiyo xiriirka kala dhaxeeyo Shiinaha oo noqday mid aad u kacsan.

  2. Tirada dadka ku dhintay daadadka ka soo rogmaday biyo xireenka dumay ee Ukraine oo korortay

    Biyo Xireenka Burburay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Biyo Xireenka Burburay

    Tirada dadka ku dhintay daadadka ka soo rogmaday biyo xireenka dumay ee Kakhovka, ayaa gaartay 16 qof sida ay sheegeen saraakiisha Kiyeef.

    Saraakiisha Ruushka ayaa iyana sheegaya in daanta ay xukumaan ay daadadka ku dhinteen 29 qof.

    Biyo xireenka dumay ee Kakhovka lixdii bishii June ayaa fatahaad balaaran ku sameeyay Koonfurta Ukrayn iyo qaybaha Ruusku haysto ee Ukrayn, wuxuna baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, isagoo sidoo kale jaray marinada wax lagu gaar siin lahaa dadka raiydka ah.

  3. Shil ka dhacay waddada tareenka ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti oo ay dad ku dhinteen

    tareen

    Xigashada Sawirka, EDR

    Shil tareen oo ka dhacay deegaanka Gaad ee degmada Shiniile ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa illaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayey ugu yaraan 5 qof halka 24 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

    Baabuur siday dad rakaab ah ayaa waxaa jiiray tareen ka yimid xagga Jabuuti.

    Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay isku dhaca tareenka iyo gaadhiga oo ahaa nooca ay sameyso shirkadda Izuzu kaasi oo jaad iyo dadba siday una sii jeeday deegaanka Xaarey ee degmada Shiniile.

    Dadka dhaawaca ah oo hadda lagu baxnaaninayo Cusbitaalka darajada koowaad ee magaalada Shiniile ayaa u badan dhaawac halis ah iyadoo laga cabsi qabo in tani sii kordhiso tirada dhimashada shilku sababay.Waxaa maanta istaagay isku socodki khaadka tareenka ee Jabuuti iyo Itoobiya isku xirayay lamana oga waqtiga u dhib u bilaaban doono.

  4. Faa'iidada ay leedahay go'aan qaadhasha la'aantu

    Go’aan qaadasha la’aantu waxay u muuqan karta dabeecad aan cidna door bidin. Balse cilmi baaris ayaa muujinaysa in dhab ahaantii ay horseeddo in qofku qaado talaabada saxda ah.

    Intiinna daawatay musalsalka TV-ga ee ‘The Good Place’ qofka jilaya doorka Chidi Anagonye ayaa ku qeexan mid aan xitaa gaari karin go’aannada ugu yar – sida doorashada waxa uu cuni lahaa, iyo in uu jaceyl u bandhigto mataantiisa uu aadka u jecelyahay. Sameynta Go’aan ama dookhashada lafteeda ayaa ba calool xanuun ku ridda. Waxay kaga dhagtay ”falaynqeynta curyaamisay” oo aan dhamaad lahayn isagoo waqti badan ku bixinaya siduu dhinac walba uga eegi lahaa xaajada markaas hortaal.Sii akhri

  5. Abaar daba dheeraatay oo ka jirta dal Yurub ku yaalla

    Flamingos

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Abaarta daba dheeraatay ee ka jirta dhulka caanka ah ee Spain ee qoyan ayaa ku qasabtay shimbiraha nooca bolonboolada inay ku dhalaan meelo kale.

    Dhulka qoyan ee Fuente de Piedra ee gobolka Malaga ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay kayd dabiici ah 1984. Laakiin Sabtidii, kaliya dhawr iyo toban shimbirood ayaa lagu arkay biyaha cusbada leh ee aan alaaba looga barinin in shimabaraha lagu arko.

    Bartamihii bishii May, Spain waxa ay heshay 28% roob ka yar intii la filayay, sida ay saraakiishu sheegeen. Waxay aragtay gu'geedii ugu kululaa tan iyo 1961-kii, iyadoo heerkul sare laga yaabo inuu sii socdo xagaaga oo dhan.

  6. Waxyaabaha Muslimiinta ka reebban bisha Dul-Xaj

    Dul-Xaj waa bisha laba iyo tobnaad ee ugu dambeysa bilaha Islaamka. Waxayna u leedahay Muslimiinta caalamka ku nool muhiimad weyn, maaddaama bishan gudaheeda ay si wada jir ah u gutaan gudashada waajibaadka sanadlaha ah ee loo yaqaanno Xajka.

    Waxaa la saadaalinayaa inay bishan bilaabato maalinta Isniinta, 20 June 2023.

    Tobanka maalmood ee ugu horreeya ee Dul-Xaj ayay si gaar ah u xushmeeyaan Muslimiinta, maaddaama lagu tiriyo inay ka mid yihiin maalmaha sannadka ugu fadliga badan.Sii akhri

  7. Masuulkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo booqasho ku tagay Shiinaha kudhawaad muddo 5 sano ah

    Shiinaha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

    Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu diblumaasi Mareykan ah uu ku tago Shiinaha ku dhawaad ​​shan sano.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee wadahadalka uu yahay in la dajiyo xiriirka kala dhaxeeya Shinaha oo noqday mid aad u kacsan.

    Safarkan ayaa ku soo beegmaya ku dhawaad ​​shan bilood oo booqashadii hore ee Blinken dib loo dhigay, ka dib markii hawada Mareykanka lagu arkay buufinta basaaska ee loogu shakisanyahay inay lahaayeen Shiinaha

  8. Madaxweynaha Koonfur Afrika:'Waa khasab in uu joogsado dagaalka Ukraine ka socda'

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dagaalka Ukraine waa in la soo afjaraa, waa sida uu madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa u sheegay hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin.

    Hadalka Ramaphosa ayaa ku soo beegmaya xilli uu Sabtidii kula kulmay Putin magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka , kaasi oo qayb ka ah howlgalka nabadda ee lagu dhexdhexaadinayo Ukraine iyo Ruushka kaas oo qeyb kayihiin ilaa lix dal oo Afrikaan ah.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Jimcihii u sheegay wafdigan inuusan wax wadahadal ah la geli doonin Ruushka inta ay haystaan dhulka Ukraine.

  9. Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan oo xilkii laga qaaday

    Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan oo xilkii laga qaaday

    Xigashada Sawirka, social

    Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xil ka qaadista ayaa lagu shaaciyay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

    Cali Jeyte oo marar kala duwan horay u noqday guddoomiyaha gobalka Hiiraan, ayaa bilihii la soo dhaafay wuxuu hoggaaminaayay ciidamada maamulkaas iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jiro Al Shabaab.