You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Hay'adda Amnesty oo ka codsatay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhaqangeliyo 10 qodob

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Somaliland

    Labada xisbi ee mucaaradka ah ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 13-kii November aanay u aqoonsanayn madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kuwo sharci ku fadhiya xafiiska oo haysta kalsoonidii shacabka.

    “Maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu uma aqoonsanin kuwo sharci ku fadhiya, Muuse waxa aanu u aqoonsannahay Madaxweynihii xilku ka dhammaaday, Madaxweyne aan haysan kalsoonida shacbiga” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ah musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani.

    Go’aankan ay shaaciyeen labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo WADDANI ayaa ka dambeeyay markii xaley shir jaraa'id ku qabteen magaalada Hargaysa.

    Arintan ayaa waxa sal u ah khilaaf beryahan ba ka taagnaa qabsoomidda doorashada madaxtooyada oo sharcigu dhigayo in shantii sano ba mar la qabto, hase yeeshee ay sannadkan isku soo beegmeen dhammaadkii mudada tobanka sano ah ee ay xisbiyada siyaasaduna jirayaan.

    Waxaana sida xukuumaddu ku doodayso xeerku dhigayaa in lixda bilood ee u dambeeya mudada xisbiyada la furo tartanka ururada siyaasidda oo doorashadooda ay ka soo baxaan saddex xisbi oo jiri doona tobanka sano ee soo socda.

    Arintaan oo ay mucaaradku kaga aragti duwan yihiin oo ay qabaan in ay tahay in marka hore la qabto doorashada madaxweynaha.

    Dhanka kale, wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo go'aankaa mucaaradka ka falceliyey ayaa dhaliilay xisbiyada kuna tilmaamay in ujeedadoodu tahay in “aanay dalka dawladi ka jirin”.

  2. Asalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka.