You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Hay'adda Amnesty oo ka codsatay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhaqangeliyo 10 qodob

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Qorshe la doonayo in dugsiyada qaar ee Koofur Afrika looga sameeyo musqulo ay wada gali karaan wiilasha iyo Gabdhaha

    Koox koofur Afrika ah ayaa bilowday codsiay kaga hortagayaan qorshe ay wadato waaxda aqoonta asaaasiga ah si looga sameeyo dugsiyada musqulo ay wada isticmaalaan ragga iyo dumarka oo aan midna u gaar aheyn.

    Codsigaas ayaa waxaa saxiixay in ka badan 60,000 qof.

    “Muqqulaha waa kuwo gaar ah soo jeedinta ah in wiilasha iyo gabdhaha ay wadaagaan waxay keeni doontaa dhibaatooyin bulsho oo fara badan”.

    Qorshahaa waxaa si hoose loogu soo gudbiyey warar laga helay waaxda aqoonta asaasiga ah kuwaas oo ka kooban soo jeedin la xiriirta in la burburiyo magac u yaalada gaarka ah ee dhinaca jinsiga .

    Mid ka mid ah xisbiyada Mucaaradka The National Freedom Party (NFP),ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso waxyaabaha qaladka ah balse taas ay ka hobboon tahay in ay diiradda saarto hagaajinta hannaanka waxbarasho ee Koofur Afrika .

    Democratic Alliance, xisbiga mucaradka ee ugu dalkaa ayaa sheegay in haddii la hirgaliyo qorshahaas uu wax ka tarayo kala duwanaanshaha dhinaca jinsiga , sida uu sheegay afhayeenkooda gobolka Western Cape Lorraine Botha.

    Ururka ay leeyihiin macalimiinta Xirfadleyaasha ee Koofur Afrika , The National Professional Teachers Organisation of South Africa (Naptosa) ayaa u soo jeediyey macalimiinta iyo waalidkain ay la tashiyo sameeyaan inta aan la hirgalin qorshahan.

  2. Gobolka Tigray oo gargaar la gaarsiiyay.

    Hay'adda caalamiga ah ee laanqeyrta cas ayaa sheegtay in qeybtii ugu horeysay ee gargaar dawo ah la gaarsiiyay Gobolka Waqooyiga Itoobiya, tan iyo afar maalmood kaddib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah.

    ICRC ayaa sheegtay in laba kolonyo ay magaallada Maqalle gaarsiiyeen dawo iyo qalabka gargaarka degdegga ah.

    Xayiraadda gargaarka ee socotay labada sanno, ayaa dad badan u hor seedday gaajo iyo inay u baahdaan daryeel caafimaad.

    Ra;iisal wasaare Abiy Axmed ayaa khubbad uu ka jeediyay baarlamaanka kaddib heshiiska, ayaa sheegay inuu si daacadnimo ah u fulin doono heshiiskaas.

  3. Tirada dadka dunida oo dhan ku nool oo maanta gaartay 8 Bilyan oo qof.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tirada guud ee dadka ku nool dunida ay manta gaari doonto 8 Bilyan oo qof, balse tirada bulshada caalamka ayaa ah mid si lama filaan ah u kordhaysa.

    Kala bar tirada ugu badan ayaa la filayaa inay ka timaado sideed dal oo shan kamid ah ay tahay Africa

    Hindiiya ayaa lagu wadaa in sanadkan soo socda ay Shiinaha kala wareegto, dalka ugu dadka badan addunka.

    Si guud, waxaa dunida oo o dhan hoos ugu dhacday tirada carruurta.

    Dalal ay kamid yihiin Ruushka iyo Japan ayaa durbaba dareemaya hoos u dhac ku yimid tirada dadka ku nool dalkaas.

  4. Maxaa Jeylaani oo qaba baahiya gaarka ah ku dhaliyay inuu subax walba oo Jimce ah u kallaho badda Liido?

  5. Ukraine oo ku eedeysay Ruushka in Afrikaanka uu ku cadaadinayo inay ka qeybgalaan dagaalka

    Wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka in Afrikaanka ku xiran dalkiisa uu ku cadaadinayo inay ka qeybgalaan dagaalka Ukraine.

    Bayaan kasoo baxay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine Oleh Nikolenko ayaa sheegay ,“Putin wuxuu muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku xiran Ruushka u diraya dagaalka Ukriane“.

    "Waxaan ka codsaneynaa Midowga Afrika iyo dhammaan dowladaha Afrika inay ka dalbadaan Ruushka inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo muwaadiniintooda”.

    Hadalkan ayaa imaanaya xilli dagaalka Ukraine uu ku dhintay wiil ardey ahaa uu kasoo jeeday dalka Zambia.

    Lemekhani Nyirenda, oo 23 jir ahaa wuxuu wax ka dhiganayay jaamacadda Moscow, wuxuu muddo 9 sano ah ku jiray xabsi isagoo loo heystay dambiyo la xiriira daroogada.

    Wuxuu ku dhintay dagaalka Ukraine bishii September balse haatan Ruushka ayaa ku wargeliyay dowladda Zambia geeridiisa.

  6. Xasan Sheekh: "Waa in aan dhinaca uga soo wada jeesanaa halka cadawga ay Soomaaliya leedahay"

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waddada kaliya ee u furan dowladdiisu ay tahay in ay ka adkaato ururka Al-Shabaab oo ay haatan dagaal kula jirto.

    Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta khudbad ka jeedinayay kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay.

  7. Xildhibaan isagoo khamreysan gaari kaxeeyay oo markii uu miyirsaday is casilay

    Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Rwanda ayaa iska casilay xilkii xildhibaanimo kadib markii uu raaligelin ka bixiyay markii isaga khamreysanaa uu gaari kaxeeyay.

    Baarlamaanka ayaa ka aqbalay iscasiladdiisa Gamariel Mbonimanaoo ay ku tilmaameen ‘sabab u gaar ah’.

    Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa dhaleeceeyay xildhibaan uusan magaciisu sheegin oo uu sheegay in uu gaari kaxeeyay xilli uu cabsanaa.

    Xildhibaanka ayaa shacbaka iyo madaxweynaha ka raaligeliyay falka u uku dhaqaaqay, wuxuu sheegay, “Waxaan go’aansaday in mar dambe aan cabi doonin khamriga”.

    Rwanda waxaa ka mamnuuc ah in qofka isagoo khamreysan in uu baabuur kaxeeyo, qofkii lagu helana waxaa lagu ganaxayaa $140 doolar.

    Madaxweyne Kagame ayaa dhaleeceeyay booliska oo uu sheegay in xildhibaanka ay u xiri waayeen ‘xaasanadda uu heysto darteed’.

    Gamariel Mbonimana wuxuu ahaa xildhibaan tan iyo sanadkii 2018-kii, wuxuu ka tirsanaa xisbigii gacan saar la leh midka madaxweyne Kagame.

  8. Hay'adda Amnesty International oo ka codsatay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhaqangeliyo 10 qodob

    Hay'adda caalamiga ah ee Amnesty International ayaa ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu xoojiyo tallaabooyinka lagu ilaalinayo xuquuqul insaanka ee Soomaaliya.

    Warbixin ay soo saartay hay'adda ayaa lagu sheegay in dowladda aysan qaadin wax tallaabo ah oo looga hortaggayo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka isla markaana looga baahan yahay dowladda inay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah.

    Amnesty waxay dowladda ugu baaqday inay dhaqangeliso tallaabooyinkan tobanka ah:

    1. Waa inay difaacdo shacabka ku nool deegaannada ay ka taagan yihiin dagaallada.

    2. In isbaddal ay ku sameyso nidaamka garsoorka.

    3. Waa in la xaqiijiyo caddaallada iyo magdhawga ku aadan tacadiyada ay geystaan ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

    4. Waa la qaddariya xoritaul qowlka.

    5. Waa in la xaqiiiyo sidii qof kasta uu ku heli lahaa adeegyada caafimaad.

    6. Waa in la difaaca barakacayaasha.

    7. Waa in la ilaaliyaa xuquuqda carruurta.

    8. Waa la dhowro xuquuqda gabadha iyo haweenka iyo in laga hortaggo kufsiga.

    9. Waa in wax laga qabto saameynta isbaddalada cimilada iyo dhibaatooyinka kale.

    10. Waa in dowladda ay aasaastaa isla makaana ay howlgelisaa guddiga qaran ee xuquuul insaanka.

  9. Wadaad loo soo xiray ‘in uu faafiyo fikradaha xagjirka ah’

    Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa soo xiray wadaad lagu magacaabo Mustafa Cali Caanood oo dowladda ku eedeysay in uu faafinayay fidinta fikradaha ‘Khawaarijita’.

    Waxaa wadaadka laga soo qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha xilli uu isku dayay in uu baxsado, sida laga soo xigtay dowladda.

    Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wadaadaka uu marin habaabinayay dhalinyarada isla markaana Mustafa Cali Caanood la horgeyn doono maxkamad.

    Dowladda Soomaaliya oo dagaal xooggan kula jirta Al-Shabaab ayaa u muuqataa inay sii xoojineyso ololaha ballaaran ee ka dhan ah kooxdaas xilli ciidamada ay gobollada dalka ka fulinayaan howlgallo ka dhan Al-Shabaab.

    Markii hore waxay warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ka mamnuucay inay faafiyaan wararka la xiriira Al-Shabaab.

    Taas waxaa xigtay in dowladda Soomaaliya ay xirtay baraha iyo bogagga internet-ka ee taabacsan Shabaab.

  10. Maamulka Mandheera ee Kenya oo sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha shaqada

    Maamulka Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa u digay shaqaalaha u diiwaan gashan maamulkaas ee aanan u xaadirin shaqooyinka kala duwan ee maamulkaas iyo sidoo kale shaqaalaha been abuurka ah.

    Barasab ku xigeenka Mandheera ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaanno la xirriira arrimahaas, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shaqaalaha gaar ahaan kuwa aan soo xaadirin shaqada.

    Faahfaahinta warkaasi waxaan weydiinnay Dr Cali Maxamuud oo ah ku xiigeenka barasabka Mandheera.

  11. Biden: “Lama gali doono Shiinaha dagaal hor leh oo qabow”

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday inuusan jiri doonin dagaal qabow oo cusub oo dalkiisu la galo Shiinaha, kaddib kulan wada xaajood ah oo ay yeesheen dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan aaminsaneyn in Shiinuhu uu xoog ku qabsan doono Taiwan.

    “Marar badan ayaan la kulmay Xi Jinping, wada hadallo furan ayaa ina dhexmaray, ma filayo in uu jiro isku day cad uu Shiinaha ku weerarayo Taiwan” ayuu yiri Biden.

    Wuxuu ahaa shirkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee ay yeeshaan labadan hoggaamiye ee awoodda badan tan iyo markii uu Biden xilka qabtay.

    Labadan hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda Kuuriyada Waqooyi iyo duullaanka uu Ruuhska ku qaaday dalka Ukraine kadib markii ay ku shireen jasiiradda Bali ee dalka Indonesia.

    Shiinaha wuxuu bishii August dhoolatus militeri ka sameeyay deegaannada ku hareereysan jasiiradda Taiwan.

    Dhoolatuskan militeri ayaa ka dambeeyay markii Shiinaha uu ka carooday markii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tegtay halkaas.

    Shiinuha waxa uu Taiwan u arkaa gobol ka go'ay oo ugu dambeyntii hoos iman doona maamulka Beijing. Laakiin Taiwan waa jasiirad iskeed madaxbanaani ugu dhawaaqday oo isu aragta in ay ka duwan tahay dhul weynaha Shiinaha.

  12. Asalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka.

  13. Nin 18 sano nolohiisa ku qaatay garoonka diyaraadaha ee magaalada Paris

    Markii uu ku dhex dhacay kala qeybsanaan dibloomaasiyadeed ayaa Mahran Karimi Nasseri oo u dhashay dalka Iran wuxuu gurigiisa ka dhigtay goob aad u yar oo ku taalla garoonka diyaraadahaRoissy Charles de Gaulle ee magaalada Paris sanadkii 1988.

    Waayo ragnimadiisa waxay keentay in sanadkii 2004 laga sameeyo fillim la magac baxay The Terminal oo uu aktar ka yahay Tom Hanks.

    Mr Nasseri ugu dambeyntii waxaa la siiyey xaq in uu u leeyahay in uu ku noolaado dalka Faransiiskalaakiin hadana dib buu ugu soo laabtay garoonkii diyaaradaha toddobaadyo yar ka dibhalkaas oo si dabiici ah ugu dhIntay , sida sarkaal garoonka diyaraadaha ka tirsan uu sheeegay.

    Ninkan wuxuu dhashay 1945tii isagoo ku dhashay gobolka Khuzestan, markii ugu horreysay wuxuu u duulay Yurub isagoo raadinaya hooyadiis .

    Sanado ayuu ku qaatay isagoo ku nool dalka Beljam isagoo laga soo masaafuriyey dalal ay ku jiraan Ingiriiska , Netherlands iyo Jarmalkasababta looga soo eryeyna waxay aheyd in aanu wadan dukument sax ah oo uu ku safro.

    Ka dib waxaa uu soo aaday dalka Faransiiska , halkaas oo uu gurigiisa ka dhigtay terminaalka garoonka diyaraadaha ee Pari.

    Waxaa uu isku wareejiyey waxyaabo uu soo aruuriyey oo cashad ka sameystay , wuxuuna waqtiga isku dhaafinayey in uu wax ka qoro noloshiisa uuna akhriyo buugaagta iyo wargeysyada .

    Sheekadiisa waxay soo jiidatay dareenka warbaahinta oo agaasiamay caalamka waxayna ishiisa ku dhacday Steven Spielberg oo agaasimay filimka The Terminal waxaana jilay Tom Hanks iyo Catherine Zeta-Jones.

    Filimka markii la dhigay ka dib ayey warfidiyeenkii ku soo yaaceen iyagoo ka soo arkay filimka mararka qaarna waxaa dhacday in Nazzeri uu hal malin oo keliya bixiyo lix wareysi.

    Inkastoo uu helay aqoonsi qaxootinimo iyo xuuuqda in uu joogi karo dalka Faransiiska sanadkii 1999 wuxuu joogay oo uu ku noolaa garoonka diyaaradaha ilaa 2006 markaas oo loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo loogana daweeeyo xanuun hayey

    Ka dib waxaa uu awqti ku qaatay in uu ku noolaado goob hotel oo kale ah isagoo isticmaalaya lacagtii uuu ka helay filimka.

    Mr Nasseri wuxuu ku soo laabtay garoonkii diyaraadaha dhowr toddobaad ka hor halkaas oo uu ku noolaa ilaa uu ka dhintoWaxaa la helay la helay isagoo kumanaan Euro ay ku jirto boorsooyinkiisa

  14. Faransiiska iyo Ingiriiska oo kala saxeexday heshiis ku saabsan ka hortagga qulqulka muhaajiriinta

    Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sidii looga hortaggi lahaa muhaajiriinta sida sharci darrada ah uga tallaabeysa kanaalka Ingiriiska.

    Sida uu heshiiska dhigayo, Britain waxay sanad kasta bixineysaa £8m lacagta giniga ah si ay ugu maalgeliso howlgallada lagu fulinayo xeebaha Faransiiska isla markaana looga hortaggo qulqulka muhaajiriinta ee aggaas.

    Sidoo kale booliska UK ayaa ka qeybqaadan doonaa dadaalladan.

    Wasiirka arrimaha gudaha UK, Suella Braverman waxay ballan qaaday inay wax ka qaban doonto dhibaatadan.

    In ka badan 40,000 qof oo ayaa si sharci darro ah uga tallaaba kanaalka Ingiriiska sanad kasta.

  15. Baaq nabadeed oo loo diray beelo ku dagaallamay Shabeellaha Dhexe

    Waxa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo beelahii dhawaan ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

    Baaqyadaasi kuwii ugu dambeeyay waxay ka yimaadeen ururrada bulshada rayidka oo ka codsaday dawladda federaalka, maamul goboleedka Hirshabeele iyo odayaasha dhaqankaba in loo istaago daminta colaadda ka aloosan degmada Cadale.

    Ku dhawaad sodon qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday gobolka Shabeelada Dhexe todobaadkan.

    Wasiirka Arimaha Dibu heshiisiinta maamulka Hirshabeele Cabdillaahi Cadde oo waraysi siiyay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in hadda lagu baxay joojinta dagaalada ku soo laablaabtay nawaaxiga degmada Cadale.

  16. Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay tallaabada xigta ay qaadi doonaan

    Axsaabta mucaaradka ee Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa ku adkaysanaya in madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisaba aanay sharci ku fadhiyin xafiisyada, maadaama waqtigii dastuuriga ahaa uu ka ekaa maalintii shalay aheyd, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

    Hasayeeshee golaha guurtida ee Somaliland ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddaba ugu daray muddo laba sanadood ah, taas oo ay tahay inay doorasho ku qabtaan, arrintaas oo ay gaashaanka u daruureen labada xisbi ee mucaaradka ah, UCID iyo Waddani.

    Khilaafka la xiriira doorashada madaxtinimada ee Somaliland ayaa soo socday muddo bilooyin ah.

    Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee mucaaradka ah, Faysal Cali Waraabe ayaa BBC-da uga warramay nuxurka go'aanka ay soo saareen iyo waxa ay ku tallaabsan doonaan.

  17. Madaxweynaha Ukraine oo booqday magaalo muhiim ah oo ay la wareegeen

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqday magaalada Kherson oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Ukraine.

    Wuxuu la hadlay ciidamada ku sugan magaalada , wuxuu yiri “Ukraine hore ayay u socotaa, waxayna diyaar u tahay nabad”.

    Dib u qabsashada Kherson waxay dhabar jab weyn ku tahay ciidamada Ruushka oo markii hore gacanta ku hayay magaaladan.

  18. Booliska Turkiga oo xiray haweeney looga shakisan yahay qaraxii ka dhacay Istanbul

    Mas’uuliyiinta Turkiga waxay sheegeen inay xireen 46 qof oo lala xiriirayaan qaraxii dhimashada badan geystay ee Axaddii ka dhacay magaalada Istanbul.

    Waxaana dadkaas la xiray kamid haweeney looga shakisan yahay inay ka dambeysay qaraxaas.

    Booliska waxay magaca haweeneyda ku sheegeen -Axlaam Bashiir- oo la sheegay inay soo tababareen maleeshiyaadka Kurdida ee laga mamnuucay Turkiga ee PKK.

    Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxii Istanbul.

    Qaraxa ayaa ka dhacay mid kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee laga dukaameysto ee ku yaalla Istanbul, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof halka in ka badan 8 qofna ay ku dhaawacmeen.

  19. Iran oo gantaallo ku garaacday gobolka Kurdida ee Ciraaq

    Gantaallo ayaa lagu garaacay caasimadda gobolka Kurdida ee Ciraaq, duqa magaalada Koye oo u dhaw caasimadda Erbil ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay halka toban kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ee FARS oo soo xiganeyso saraakiil sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay inay duqeymaha iyo diraadaha Drones-ka lagu beegsaday waxa uu ku tilmaamay 'kooxaha argagixisada ah' ee ka howlgala gobolka.

    Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo kasoo baxaya dhismo burburay oo weerarka lagu qaaday.

  20. Cristiano Ronaldo: "Waxaan dareemay in kooxda Man United ay i khiyaantay"

    Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu dareemayo inay “khiyaantay” kooxda Manchester United isla markaana lagu khasbay in uu isu tago kooxdaas.

    Ronaldo oo la hadlayay barnaamijka TalkTV uu daadihiyo Piers Morgan ayaa sheegay, “Waxaan dareemay in la ii khiyaanay, waxaan dareemay in dadka qaar ee ka tirsan aysan ila dooneyn in aan halkan joogo”.

    Ronaldo lama safin ciyaartii ay kooxdiisa la dheesahy Chelsea bishii lasoo dhaafay kadib markii ciyaartii ka horreysay ee Tottenham uu diiday in uu baddal kusoo galo.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in wax ixitiraam ah uusan ka helin tababaraha kooxda Ten Hag.

    “Wax ixritaam uma hayo maadama uusan isagu ixtiraamin, Haddii aadan ixtiraam ii hayn, weligay kuuma ixtiraami doono."