Rasaas xooggan oo laga maqlayo magaalo ku taalla Itoobiya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Koonfur Afrika oo dhaleeceyn kala kulantay dhoolatus ay cidamadeeda la sameeyeen kuwa Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xisbiga mucaaradka ugu weyn Koonfur Afrika ayaa dhaleeceeyay dowladda kadib markii ciidamada badda ee dalkaas ay dhoolatus si wadajir ah ula sameeyeen kuwa Ruushka,.

    Mucaaradka waxay ku tilmaameen tallaabo khaldan.

    Quwadaha caalamka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Ruushka kadib uu duullaankii ku qaaday Ukraine.

    Markii ugu horreysay Ruushka iyo Koonfur Afrika ayaa si wadajir ah u sameeyeen dhoolatus militeri waxay aheyd sanadkii 2019-kii.

    Dhoolatuskan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidamada badda ee Shiinaha.

  2. Daadad saameeyay dadkii kasoo barakacay abaaraha Soomaaliya

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dad markii hore ka soo barakacay dhibaatada abaarta ka jirta Soomaaliya ay haatan daadad ku qaadeen xeryihii ay ka galeen magaaladaasi.

    Roobka dayrta ee maalmihii la soo dhaafay ka da‘ayay qeybo ka mid ah gobollada Bay iyo Bakool ayaa la sheegayaa inuu biyo dhigay ilaa 300 oo xero oo ku yaal duleedka magaalada Baydhabo.

    Inta badan deegaannada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa muddaba waxaa ka jirtay abaar daba dheeraatay.

    Mustaf Maxamed Cabdiraxmaan, oo ah guddoomiyaha xeryaha dadka ku barakacay koofurta Baydhabo, ayaa BBC-da uga warramay xaaladda dadkan ay haatan wajahayaan iyo waxa loo qabtay.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

    Qoraalka Codka, Fatahaadaha saameeyay barakacayasha
  3. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka intiisa kalaba.