Wararkii ugu dambeeyay hoteelka weerarka lagu qaaday ee Kismaayo

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ninkii Trump ka caawiyay in uu madaxweyne noqdo oo xabsiga loo taxaabay

    Steve Bannon

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Steve Bannon

    Ninkii arrimaha istaraatiijiyadda u qaabilsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, Steve Bannon ayaa lagu riday xukun 4 bilood ah oo xabsi ah kadib markii uu diiday in uu hoggaansamo aqalka Koongareeska.

    Bannon oo 68 jir ah ayaaa bishii July lagu riday labo xukun ah oo kala ahaa in uu diiday in uu caddeymo ama dokumentiyo u gudbiyo guddigii baarayay rabshadihii ka dhacay xarunta Capitol ee Mareykanka 1-dii bishii January 2021-kii.

    Marka laga soot ego xukunka xabsiga ah, Bannon waa in uu bixiyaa ganaax gaarayo $6,500 oo doolar.

    Steve Bannon ayaa beeniyay in wax dambi ah uu galay.

    Garsoore Carl Nicholas ayaa sheegay in Bannon la sii deyn doono isla markaana la xallin doono racfaan kasta uu ka qaadanayo xukunka lagu riday.

    “Maanta xukun ayaa la iigu riday, racfaan adag ayaan ka qaadan doonaa” ayuu yiri Steve Bannon oo la hadlayay wariyeyaasha.

  2. Ninkii loo heystay dilkii wasiir Cabbaas oo xukun toogasho ah lagu fuliyay

    Axmed Cabdullahi Ceydiid

    Xigashada Sawirka, PUNTLAND POST

    Qoraalka sawirka, Axmed Cabdullahi Ceydiid

    Maxkamadda militeriga ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku fulisay nin loo heystay dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabbaas Siraaji.

    Maxkamadda ayaa sheegtay in Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid lagu riday xukunka toogashada isla markaana saaka lagu fuliyay.

    Cabbaas Siraaji ayaa 3-dii bishii May sanadkii 2017 lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday agagaarka madaxtooyada.

    Cabaas oo 32 sano jir ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka ugu d'ada yaraa wasiirada xukumaddii xilliggaas, Wuxuu ka mid ahaa qaxootigii ku soo barbaaray xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

    Wuxuu sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka.

    Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad ayaa xukunka dilka ah ku riday bishii June 2017-kii Dable Ciidanka Xooga Axmed Cabdullahi Ceydiid oo maanta lagu fuliyay dilka.

    Wararka kale:

  3. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.