Waa kuma ninka ay dartiis u kulmi rabaan Biden iyo Maxamed Bin Salmaan oo isku dhacsan?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Erdogan: Xulufada Nato waa inay ixtiraamaan walaaca Turkiga

    Recep Tayyip Erdogan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in isbaheysiga Nato ay tahay inay fahmaan walaaca dhanka amniga ah ee uu Turkiga ka muujinayo codsiga Sweden iyo Finland ee ku biiridda Nato.

    Erdogan oo la hadlayay xildhibaanno kasoo jeeda xisbigiisa ayaa sheegay in aysan wax dan ah ka laheyn wafdiga Finland ee doonaya in laga la hadlo arrintani.

    Waxa uu sheegay in Sweden aysan ka sugin Turkiga in uu u ansixiyo codsiga ay ku dooneyso inay noqoto xubin ka tirsan Nato iyada oo aysan dib usoo celin waxa uu ku tilmaamay "argagixisada".

    Turkiga wuxuu ku eedeeyay Sweden iyo Finland inay gabbaad siinayaan xubno ka tirsan kooxda PKK , kooxdaas oo uu Turkiga u aqoonsaday inay argagixiso yihiin iyo wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo uu Turkiga ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka ka dhacay dalkaas.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Turkiga, Finland iyo Sweden waxay ku gacan seyreen codsiyo dhowr ah oo ku aadan inay Turkiga usoo gacan geliyaan xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Kurdida ah.

  2. Ra'iisal Wasaaraha UK oo ka hadlay codsiyada Sweden iyo Finland ee ku biiridda Nato

    Dalka UK wuxuu heshiis dhanka amniga ah la galay dalalka la isku yiraahdo Nordic

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dalka UK wuxuu heshiis dhanka amniga ah la galay dalalka la isku yiraahdo Nordic

    Raii’sal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen dalalka Finland iyo Sweden kuwaas oo si rasmi ah u codsaday in ay ku biiraan isbahaysiga milatariga ee Nato.

    Wuxuu ku tilmaamay go’aanka ay qaateen dalalkan mid taariikhi ah.

    Johnson ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray: "Tani waa maalin taariikhi ah oo u ah Nato iyo caalamkaba. Waa taallabo aan lasii saadaalin, laakiin (Vladimir) Putin hammigiisa naxdinta leh ayaa wax ka beddelay qaaraddeena”

    "Waxaan rajeynayaa inaan dhawaan ku soo dhaweeyo Finland iyo Sweden isbaheysiga Nato."

    Go’aankan ay qaateen labada dal ayaa ka dambeeyay markii Ruushka uu duulaan ku qaaday Ukraine, waxaana codsigooda ku biriidda Nato soo dhaweeyay 30-ka dal ee xubinta ka ah Nato laakiin Turkiga ayaa kasoo horsjeeda codsigooda.

    Baarlamaanka dalka Finland ayaa ansixiyay codsiga dalkaasi ay ugu biirayaan gaashaanbuurta Nato.

    Finland oo xudduud dheer la leh dalka Ruushka ayaa sheegtay in sababo ammaan darteed ay ugu biireyso gaashaanbuurta nato. Sweden oo iyaduna horey u sheegtay in ay doonayso in ay xubin ka noqoto Nato.

    Haddii aan la helin taageerada dhammaan xubnaha Nato, Sweden iyo Finland kama mid noqon karaan xulafada militariga ee Nato.

  3. Maxay ka dhigantahay in Maraykanka uu ciidamadiisa ku celiyo Soomaaliya?

  4. Bariga Afrika: 48-dii ilbiriqrsiba hal qof ayaa gaajo ugu dhintaa

    Hay'adaha gargaarka waxay sheegeen in dhibaatadan ay ka dhasheen colaadaha iyo isbaddalada cimilada kuwaasoo saameeyay gobolka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hay'adaha gargaarka waxay sheegeen in dhibaatadan ay ka dhasheen colaadaha iyo isbaddalada cimilada kuwaasoo saameeyay gobolka

    Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, uu 48-dii ilbiriqsiba laga yaabo in hal qof uu ugu dhinto gaajo ba'an oo ka dhalatay dagaallada, isbeddelka cimilada iyo qiimaha cunnada ee sii kordhaya.

    Hay'adaha Oxfam iyo Save the Children ayaa ku qiyaasaya in guud ahaan dunida 181 milyan oo qof ay sanadkan la soo dersi doonto gaajo daran.

    Waxay ku eedeeyeen beesha caalamka inay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatadan.

  5. Maxaa lagu sameynayaa haddii booliska ay soo qabtaan rag uu ku jiro Sheekh Shaakir?

    Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan

    Xigashada Sawirka, GOOBJOOG NEWS

    Qoraalka sawirka, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan

    Booliska Dawlad Gobolleedka Galmudug, ayaa sheegay in sababta ay u doonayaan in la soo xiro 36 qof oo ka tirsan saraakiisha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo uu kujiro hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay tahay, sidii loogu maxkamadeyn lahaa dambiyo ay sheegeen inay ka galeen dadka reer Galmudug.

    Ururka Ahlu-Sunna ayaa dagaal hubeysan kula jira maamulka Galmudug, iyagoo Jimcihii la soo dhaafay weeraray magaalada madaxda Dhuusamareeb halkaas oo dad badan ay ku dhinteen.

    Booliska ayaa rumeysan in xubnaha la raadinayo qaarkood ay u baxsadeen maamullada kale ee dariska la ah, halka kuwa kale ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel iyo Matabaan.

    "Hadda waxaa joogaa Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni" ayuu yiri taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo BBC-da la hadlayay.

    Taliyaha wuxuu sheegay in haddii ay gacanta kusoo dhiggaan raggan ay raadinayaan oo uu kamid yahay Sheekh Shaakir in caddaalladda ay horgeyn doonaan.

  6. Maxay tahay farriinta uu Muuse Biixi u diray Xasan Sheekh?

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabadda xuska 18-ka May ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wuxuu ka codsaday in uusan soo faragelin arrimaha Somaliland.

    “Madaxweynaha shaley doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isu dhiibay aad iyo aad baan usoo dhaweyneynaa..inaguna in aan kala nabadgalno oo aan isu duceyno baan idiin ka dooneynaa kii hore iyo kan dambaba” ayuu yiri Muuse Biixi.

    .
  7. Maxamed Bin Salmaan oo ka hadlay guusha Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha cusub oo la kulmay safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, sntv

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha cusub oo la kulmay safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya

    Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, wuxuu sidoo kale la kulmay madaxweynaha safiirka dalka Imaaraadka.

    Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

    "Maxamed Bin Salmaan wuxuu u rajeynayaa madaxweynaha cusub guul iyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasillooni" ayaa lagu yiri farriin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga oo lasoo dhigay Twitter-ka.

    Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, sntv

    Qoraalka sawirka, Xasan Sheekh oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya
    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Xuska 18 May ee Somaliland: Muxuu kaga duwan yahay kuwii hore?

    Waxaa maanta guud ahaan deegaanda Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland laga xusayaa 31-guuradii ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taagga.

    Iyadoo sanad kasta si weyn Somaliland looga xuso 18-ka May oayaa waxaa maalmihii u dambeeyay socday qabanqabada xuskaasi.

    Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

    Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go'aanka gooni isu taagga ah.

    Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Siddiiq Burmad ayaa faahfaahinaya xuskan sanadkan waxaa uu kaga duwan yahay kuwii hore ee lagu qabtay Somaliland?

    Qoraalka Codka, Xuska 18-ka May Somaliland
  9. Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.