Dagaalka Ukraine: Ruushka oo gebi ahaanba burburiyay warshad sifaysa saliida

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Dagaalka Ukraine: "Bil ka dib habeenkii ugu horreeyay ayaan nabad ku seexanay"

    .

    Xigashada Sawirka, REUTERS/ARMED FORCES OF UKRAINE

    Ku xigeenka duqa magaalada Chernihiv ayaa sheegay in magaalada ku taal waqooyiga Ukraine ay aragtay habeenkii ugu horeysay oo xasilloon tan iyo markii uu dagaalka bilowday in ka badan shan toddobaad ka hor.

    Oleksandr Lomako ayaa BBC u sheegay in ciidamada Ruushka lagu qasbay inay ka cararaan inta badan aagga.

    "Waxaanu ku naalooneynaa habeenkii ugu horreysay ee xasilloon tan iyo 24-kii Febraayo. Waxaa mahaddaasi iska ciidankeena dadaalka weyn sameeyey, ciidamada Ruushku waxay ka carareen badi tuulooyinka Chirnihiv."

    Chernihiv ayaa ka go'doonsanayd Ukraine inteeda kale tan iyo markii ciidamada Ruushka ay burburiyeen buundada.

    Hase yeeshee guddoomiye Oleksandr Lomako ayaa sheegay in uu rajaynayo in sahayda bini'aadanimo dhawaan doon-yo lagu soo gaarsiiyo magaalada.

    Waxa uu yiri waxaan leenahay webi fursad inoo siin kara in laga soo gudbiyo gar-gaarka.

  2. Ciidamada Ruushka oo weerar ku qaaday magaalo ay ku taala warshad nugliyeer ah

    .

    Xigashada Sawirka, Babylon"13/

    Ciidamada Ruushka ayaa weerar ku ekeeyay bannaanbax ay dhigayeen dadka ku nool magaalo ku taal koonfurta Ukraine oo ay ku taal warshadda Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub.

    Dadka ku nool magaalada Ener-hoodar ee la haysto ayaa isugu soo baxay dibad-bax ay ku taageerayeen Ukraine.

    Balse afhayeen u hadlay warshada korontada ayaa sheegay in markii ay bilaabeen in ay baxaan ay ciidamada Ruushku yimaadeen ka dibna ay bilaabeen in ay dadka rayidka ah xirxiraan oo ay baabuur yar yar ku guraan.

    Dhawaqa qaraxyada ayaa laga maqli karayaa muuqaalo la soo galiyay internet-ka, kuwaas oo laga soo duubay wax u muuqda bambooyinka gacanta laga tuuro iyo gaaska dadka ka ilmaysiiya.

    Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhaawacmeen. Waxaana hawada ka maqan Internetka iyo khadadka telefoonka ee magaalada.

  3. Cabdiweli Gaas: Waxa is haysta guddiga doorashada ma’ahan ee cid kale ayaa ka dhex hadlaysa

    Magaalada Muqdisho waxa ka socota shaahada siinta xildhibaannada cusub ee dhawaan la shaaciyay liiskooda ee ka mid noqonaya Barlamaanka Soomaaliya.

    Maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay diidan yihiin habka guddigu u maray soo saarista liiska cusub oo ay ka reebeen xubno laga soo doortay labadaas maamul goboleed.

    Labada maamul goboleed ayaa sheegay in liisaska iyo waraaqaha xildhibaannada laga soo doortay deegannadooda ay ku wareejin doonaan xoghayayaasha labada aqal ee Barlamaanka, balse saaka waxa jiray xubno laga soo doortay Beledweyne oo shahaadada xildhibaanimo ka gudoomiyay gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal.

    Hadaba muxuu ka dhigan yahay khilaafka cusub ee ay lugaha la gashay doorashada Soomaaliya.?

    Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, isla markaana noqday madaxweynaha Puntland.

    Qoraalka Codka, .
  4. Itoobiyo oo wasiiro u dirtay Hargaysa

    Wefdi Wasiirro ah oo ka socda dawladda Federaalka Ethiopia ayaa soo gaadhay Hargeysa si Somaliland uga qaybsadan murugada dhibaatada Suuqa Waaheen ee gobtay. Wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka Federaalka Ethiopia ayaa ka mid ah Wafdiga. Ethiopia waa dawladdii ugu horraysay ee Somaliland u soo gurmata.

    Madaxda Deegaanka Soomaalida ayaa iyagu hore Somaliland ugu soo diray Gaadiid iyo Ciidamo si ay qayb uga noqdaan Daminta Dabka.

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .
  5. Muuqaalka baaxadda khasaaraha suuqa Waaheen ee magaallada Hargeysa iyo muuqaalkii suuqa ee dabka ka hor

  6. Siciid Deni oo wakiil u magacaabay Turkiga

    Sida uu faafiyay Afhayeenka dowlad goboleedka Puntland, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay wakiil cusub oo Puntland u fadhin doona dalka Turkiga.

    Afhayeenka Jaamac Daparani ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu wakiilka cusub u magacaabay Cabdirisaaq Xasan Cumar.

    Waa arrin dhif ah in dowlad goboleedyada ay wakiilo u dirsadaan dalalka, iyada oo ay jiraan safaarado metela Soomaaliya oo dhan.

    Wakiilka cusub ee Puntland

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Wakiilka cusub ee Puntland
  7. Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay ee dabkii xalay ka kacay suuqa waaheen

    Dabkii ka kacay suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen ayaa badankiisii in la bakhtiiyo lagu guulaystay duhurnimadii maanta, walow meelo kooban uu weli ka sii hulaaqayo.

    Khasaaraha ka dhashay waxaaba intaan qiimayn la gaadhin baaxaddiisa ka marag ah muuqaalka aragagaxa leh ee goobta.

    Suuqan oo bedka uu ku fadhiyyo lagu qiyaaso ilaa shan kiiloomitir oo laba jibbaaran. Xasan Gallaydh ayaa ka warramaya xaaladdihii ugu dambeeyay.

    Qoraalka Codka, .
  8. Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Muuse Biixi

    .

    Xigashada Sawirka, XAFIISKA AFHAYEENKA M JSL/VILLA SOMALI

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madax-banaaninda ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya.

    Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa la sheegay inay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

    "Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Walaalkiis Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi tiiraanyada iyo walaaceenna ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargaysa, isagoo soo bandhigay sida ay uga go'an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan." Ayaa lagu yir qoraalka.

    “Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.”

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go'an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa Hargaysa.

  9. Boris Johnson oo ka hadlay dabkii xalay baabi'iyay suuqa Hargeysa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu aad uga xunyahay dhibaatada ka dhalatay dabkii Hargeysa ka kacay ee burburka baaxadda leh gaystay.

    Waxa uu sheegay in suuqa uu dabku ka kacay uu ahaa halbowlaha dhaqaalaha magaalada, ayna saamaynta ugu badan dareemayaan dadka leh ganacsiyada yar yar.

    "Magaaladiina dib ayey u soo kacaysaa, Ingiriiskuna wuxuu ku dadaali doonaa sidii aanu u taageeri lahayn dedaalka dib-u-dhiska Somaliland." Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Koonfur Galbeed oo sheegtay inay kalsoonidii kala laabatay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal

    Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay kalsoonidii ay kala laabatay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

    Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay tallaabadaasi qaadday kaddib markii guddigaasi uu takoor kula dhaqmay maamulkooda.

    Arrintan ayaa waxa ay soo baxaysaa xilli maanta magaalada Muqdisho laga wado diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.

    Haddaba wasiirka warfaahinta ee Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur, ayaa BBC uga warramay go'aankooda.

    Qoraalka Codka, .
  11. Maayirka magaallada Hargeisa iyo qaarkamid ah ganacsatadii ay hantidoodu ku burburtay dabka qabsaday suuqa waaheen ee magaalada Hargeysa oo aanu waraysi la yeelanay.

  12. Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay dabkii ka kacay suuqa Hargeysa

    .Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

    Liz Truss ayaa sheegtay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaaray.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay dab baabi'iyay suuqa ugu wayn Hargeysa

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi cabdi ayaa dadkii lahaa hantidii xalay ku burburtay dab qabsaday suuqa ugu magaalada Hargeysa uga tacsiyeeyay Ilaahyna uga baryay inuu samir iyo imaan ka siiyo.

    Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi'iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

    Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayuu kacay dabka, hasayeeshee kooxaha dabdamiska ee la tacaalaya xakamaynta dabka ayaa howshoodii waxaa carqaladeeyay suuqa oo aanan lahayn wadooyin waafi ah oo loo maro.

    Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM ayaa tan iyo waqtigan waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi ka kacay, iyadoo maayirka magaalada Hargeysana uu isagoo qiiraysan tilmaamay in hantidii magaaladiisa ay baaba'day.

    Halkan ka daawo khudbadda madaxweynaha.

  14. Rooble oo fariin u diray guddoomiye Muuse Geelle iyo Guddiga Doorashada

    .

    Xigashada Sawirka, OPM

    Ra'iisal wasaraaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xusseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo guddoomiyehooda Muuse Geelle Yuusuf ugu hambalyeey howsha bixinta shahaaddooyinka xildhibaannada la soo doortay ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, sida lagu sheegay farrin lagu baahiyay bogga Facebook ee ra'iisal wasaaraha.

    Ra'iisal wasaaraha ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku bogaadiyay xildhibaannadii u horreeyay ee maanta qaatay shahaaddooyinka, isaga oo sheegay inuu rajeynayo in howsha shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaannadu ku soo idlaato ka hor xilligii loo asteeyay.

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.

    Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa xildhibaanada siiyay shahaadada xildhibaannimo ee ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

  15. Xildhibaanadii ugu horreeyay oo maanta qaatay shahaadada Golaha Shacabka

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta xildhibaannadii shalay natiijooyinkooda uu shaaciyay guddiga heer federaal.

    Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa xildhibaanada siiyay shahaadada xildhibaannimo ee ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Dhanka kale, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay kalsoonidii ay kala laabatay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

    Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay tallaabadaasi qaadday kaddib markii guddigaasi uu takoor kula dhaqmay maamulkooda.

    Sidoo kale Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka Federaal u gudbiyeen xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 8 Aqalka Sare ah.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga FEIT ee Muuse Geelle uu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.

    .

    Xigashada Sawirka, FEIT

  16. Ciidamada Ruushka oo ka baxay furin dagaal oo muhiim u ahayd

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen garoonka diyaaradaha ee Hostomel oo ku dhow caasimadda Ukraine, kaas oo tan iyo markii uu bilowday dagaalka uu ka socday dagaal, sida ay sheegeen sirdoonka militariga UK.

    "Ciidamada Ukraine waxay sii wadaan inay iska caabiyaan ciidamada Ruushka lagana saaro agagaarka Kyiv," Wasaaradda Difaaca UK ayaa sidaas ku sheegtay warbixin ay soo saartay subaxnimadii hore ee Sabtida.

    "Dhinaca bari, Ukraine waxay dib u qabsatay dhowr tuulo. Ciidamada Ukraine waxay xaqiijiyeen inay la wareegeen waddo muhiim ah oo ku taal bariga Kharkiv ka dib dagaal culus," ayay wasaaraddu ku dartay.

    Garoonka Hostomel waxa uu dagaal ba'an ku dhexmaray ciidamada labada dal tan iyo 24-kii Febraayo, markaasoo ciidamada cirka ee Ruushka ay ku yimaadeen diyaarad helikobter ah si ay ula wareegaan garoon diyaaradeed oo ah buundo.

  17. Asalaamu Caleykum, Ramadan Mubarak.

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.

    Ramadan Wanaagsan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ramadan Wanaagsan