Mareykanka oo caddeeyay maqaamka uu ku qaabilayo Muuse Biixi

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ukraine: Hooyo umul ah oo ku dhimatay duqeyn lala beegsaday isbitaal

    .

    Xigashada Sawirka, Associated Press

    Haweeney umul ah iyo canugeedii ayaa dhintay kadib markii Ruushka uu duqeeyay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Mariupol halkaas oo ay hooyadu u tegtay inay kusoo umusho, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

    Muuqaallo iyo sawirro la baahiyay kadib weerarka ayaa muujinayay, haweeneyda oo ku jiifta sariirta isbitaalka, waana mid kamid ah khasaarihii ugu weynaa ee ka dhacay Ukraine.

    Sida laga soo xigtay AP, hooyada ayaa qalliin ku dhashay canuga Sabtidii balse dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in hooyada iyo canugeeda ay dhinteen.

    Saraakiisha Ruushka ayaa ku andacooday in isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Mariupol ay la wareegeen kooxo xagjiriin ah oo saldhig ka dhigtay halkaas isla markaana isbitaalka uusan hadda u shaqeyneynin sida goob caafimaad.

    Saraakiisha Ukraine ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay hadalka Ruushka, waxay ku eedeeyeen Ruushka in uu galay dambi dagaal.

    .

    Xigashada Sawirka, Maxar

  2. Taliyaha ciidamada asluubta janaraal Mahad oo u tartamaya xildhibaan

    Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliya, Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa u tartamaya kursiga xildhibaanimo ee HOP#172 ee Koonfur Galbeed.

    Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa janaraalka guddoonsiiyay shahaadada musharraxnimada ee kursigaas.

    .

    Xigashada Sawirka, SEIT Southwest State

  3. Ukraine: "Waxaan u baahanay caawimaad si aan uga hortagno dagaalka saddexaad ee adduunka"

    Ukraine ayaa marar badan ka codsatay dalalka reer galbeedka inay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Ruushka – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Dmytro Kuleba ayaa mar kale diray codsigaasi.

    “Ukraine si wanaagsan ayay u dagaallameysaa, waxaan u baahanay in aad inaga caawisaan dagaalka ka dhan Ruushka, na siiya dhammaan hubka lagama maarmaanka ah”

    Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine ayaa yiri “Cunaqabateyn dheeraad ah kusoo roga Ruushka, si buuxdana u go’doomiya, Ukraine ka caawiya si ay fashilin laheyd Putin si looga hortaggo dagaal weyn”

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  4. Daawo: Ciidamada Ruushka oo gantaallo ku garaacay magaalo dhacdo Ukraine

    BBC-da ayaa xaqiijisay muuqaal muujinaya gantaallo ay ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada koonfurta dhacda ee Mariupol.

    Gantaalladan ayaa ku habsaday dhismooyin ku yaalla halkaas.

    Arrintani waxay dhacday Axaddii kadib duqeyn joogto ah ay militeriga Ruushka ku hayeen magaalada Mariupol.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Mas’uuliyiinta Ukraine waxay sheegeen in magaaladan ay xuddun u aheyd duqeynta Ruushka tan iyo 2-dii bishan March, waxaana ku dhintay duqeymaha dad lagu qiyaasay 2,187.

    Waxaana magaalada ku go’doonsan 400,000 qof oo aan heysan biyo, cunto iyo dawooyin.

    Waxaa lagu guuldareystay dadaallo dowladda Ukraine ay ku dooneysay inay ugu gurmato shacabka Mariupol kadib duqeymaha Ruushka.

  5. Mareykanka oo Shiinaha uga digay in uu kaalmo militeri siiyo Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu cawaaqib xumo waa haddii uu Ruushka ka caawiyo duulaanka uu ku qaaday Ukraine, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

    Saraakiil aan magacooda la sheegin ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka in Ruushka uu ka codsaday Shiinaha inuu siiyo kaalmo militari ka dib markii uu bilaabay duulaanka.

    Safaaradda Shiinaha ee Mareykanka waxay sheegtay in aanay ka war heyn arrintani.

    Digniintan ayaa ku soo beegantay ka hor shir maanta oo Isniin ah ka dhacaya magaalada Rome ee u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa Mareykanka iyo Shiinaha.

    Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay qeexaan nooca qalabka uu Ruushku ka dalbanayo Shiinaha.

    Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ay jiraan calaamado muujinaya in Shiinaha laga yaabo in uu isu diyaarinayo in uu ka caawiyo Ruushka dagaalak dalka Ukraine.

    Warbixin kale oo lagu daabacay wargeyska New York Times - oo mar kale soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah - ayaa sheegtay in Ruushka uu sidoo kale codsanayo kaalmo dhaqaale si loo yareeyo saameynta cunaqabateynta.

    Shiinaha ayaa ilaa hadda isku dayaya in uu isu muujiyo in uu dhex dhexaad ka yahay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, mana uusan cambaareyn duullaanka.

  6. Asaalamu Caleykum.

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.