You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Magaalada yar ee marinka u ah ciidamada Ruushka iyo dhabbaha Kyiv loo maro

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Somaliland oo furtay xaruun lagu qaabilo cabashooyinka dumarka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hargeysa maanta ka furay xarun ay cabashadooda ku soo gudbin doonaan haweenka tacaddiyada iyo gaboodfallada la kulma.

    Xaruntan ayaa noqon doonta mid dumarka tacadiyada la kulma sida kufsiga ay la soo xiriiri karaan si wax looga qabto.

    Nafisa Yuusuf Maxamed, oo ah agaasimaha ururka Haweenka ee Nagaad ayaa BBC-da u sheegtay in xaruntan lagu tacaali doono kiisaska la xiriira kufsiga iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka.

    Madaxweynaha oo ka hadlayay furitaanka xarunta ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay waxka qabashada dhibaatada loo geysto dumarka.

    "Tacadiga Dumarka ee dhibaatooyinka leh ee Caafimaadka khuseeya ee maskaxiyan mooralka khuseeya ee aynaan hore u aqoon Soddonkan sanno ee u danbeeyey mooyee waynu ka midaysanahay inaynu ka dagaalano” ayuu yiri Muuse Biixi.

  2. Boosaaso oo lagu doortay dhammaan kuraastii golaha shacabka Soomaaliya ee halkaa taallay

    Bosaaso waxaa maanta lagu qabtay doorashada 16 kursi oo ah dhammaan kuraastii halkaasi taaley oo hal mar la wada qabtay.

    Dadka dooraashadaas ku soo baxay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddiga doorashooyinka ee heer Puntland, halka xildhibaanadaas Boosaaso lagu doortay ay ku jirtay hal gabar oo kaliya.

    Weriye Maxamed Xasan Dhalo ayaa faahfaahinaya.

  3. Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Qadar

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaweyd u kicitimay dalka Qadar halkaas lagu wado in uu joogo labo maalmood ee nagu soo aadan.

    Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulmo amiirka Qadar oo ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xiriirka labad dal iyo arrimaha horumarka.

  4. Kumanaan reer Ukraine ah oo kasoo laabtay dalalka dibadda si ay dalkooda u difaacaan

    Tan iyo markii uu Ruushka ku duulay Ukraine , arrinta si weyn loo falanqeynayay ayaa ah in aan laisku babac dhigi karin ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka maadama Ruushka uu heysto ciidamo aad u tiro badan marka loo barbardhigo kuwa Ukraine.

    Wasiirka gaashaandhigga Ukraine Oleskii Reznikov ayaa sheegay in ka badan 66,000 qof oo u dhashay Ukraine oo ku sugnaa dalalka dibadda inay dib ugu soo laabteen dalka si ay u difaacaan Ukraine.

    Waxaana dadkaas kamid ah Yuriy Vernydub oo ah macalinka kooxda Sheriff Tiraspol ee ka dhisan dalka Molodova, kooxdaas oo ka badisay kooxda Real Madrid ciyaarihii ugu dambeeyay ee horyaalka Yurub.

  5. Mareykanka: "Ukraine ayaa ka adkaan doontaa Ruushka"

    Xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken ayaa BBC u sheegay inuu rumeysan yahay in Ukraine ay dagaalka kaga adkaan doonto Ruushka.

    Ma uusan soo hadal qaadin xilligga lais dhihi karo wuu soo afjarmayaa dagaalka balse wuxuu sheegay in aanay soo dhaweynin jab soo gaara Ukraine.

    Blinken wuxuu ammaanay ‘adkeysiga aan caadi aheyn’ ay muujiyeen shacabka Ukraine.

    Wuxuu sidoo kale in Ruushku uu isku dayo in uu afgembiyo dowladda Ukraine ay shacabka dalkaas si weyn uga soo horjeesan doonaan.

    "Haddii ujeeddadu Ruushka ay tahay inuu isku dayo inuu afgembiyo dowladda si uu hirgeliyo dowladda uu isaga wato, 45 malyan oo shacabka Ukraine ah ayaa kasoo horjeesan doonaa” ayuu yiri Blinken.

  6. Ruushka oo xabad joojin uga dhawaaqay magaalooyin ku yaalla Ukraine

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruusha ayaa labo magaalo oo ku yaalla Ukraine uga dhawaaqday xabad joojin ku meel gaar ah iyo inay fureyso marinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka laga bilaabo 10:00 subaxnimo wakhtiga Moscow.

    Mariupol waa deked leh, maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku hareereysnaa ciidamada Ruushka, sidoo kale waxay dagaallo ka dhaceen magaalada Volnovakha.

    Mar sii horreysay duqa magaalada Mariupol wuxuu codsaday in shacabka loo ogolaado in halkaa ay isaga baxaan kadib waxa uu ku tilmaamay go’doominta ciidamada Ruushka ee magaalada.

    Dhinaca kale, qaraxyo dhowr ah ayaa laga maqlay magaalada Kharkiv.

  7. Muuqaal: Diyaaradaha Ruushka oo duqeeyay magaalo ku taalla Ukraine

    BBC-da waxay xaqiijisay muuqaal ku saabsan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo duqeynayay magaalada dekedda leh ee Mariupol halkaas maalmihii lasoo dhaafay ay ku hareereysanaayeen ciidamada Ruushka.

    Magaaladan ku taalla koonfurta Ukraine waxaa ku nool in ka badan 400,000, waxay ku taalla xadka Ruushka, waana marin muhiim ah oo la doonaya inay isaga tallaabaan kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallama gobollada Luhanska iyo Donetsk.

    Waxaana la jaray adeegyadii korontada iyo biyaha magaaladan xilli duqeymo joogto ay ka socdaan halkaas.

  8. Aqalka Cad ee Mareykanka oo ka hadlay sanatar ku baaqay in la dilo madaxweyne Putin

    Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa dhaleeceeyay senetar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Lindsey Graham kadib markii uu u muuqday in uu ku baaqay in la dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Sanatar oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka ayaa sheegay in sida kaliya ah ee lagu soo afjari karo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay ‘in qof ku sugan Ruushka ay tahay in Putin uu kasoo saaro halkaas’

    Dhanka kale, xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa ku gacan seyrtay hadalka kasoo baxay sanatarka isla markaana sheegtay in ‘hadalkaas ma ahan mowqifka dowladda Mareykanka mana aha hadal kasoo baxay maamulka’

    Hadalka kasoo baxay sanatar Graham ayaa si weyn caro uga dhaliyay gudaha Ruushka iyadoo safiirka dalkaas u fadhiya Mareykanka wuxuu ku eedeeyay sanatarka in uu wado ‘naceyb ka dhan ah Ruushka’

    Halkan ka akhriso wararka la xiriira dagaalka Ukraine:

  9. Asalaamu Caleykum.

    Kulanti wacan dhageystayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.