You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Magaalada yar ee marinka u ah ciidamada Ruushka iyo dhabbaha Kyiv loo maro

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Military-ga Ingiriiska oo kacabsi qaba in ciidankoodu ku biiro dagaalka Ukraine

    Saraakiisha sar sare ee Ingiriiska, ayaa si dhab ah uga walaacsan in qaar kamid ah ciidamada Ingiriiska – ee kuwa joogtada ah iyo kuwa kaydka ahba – ay isku dayayaan iney ku biiraan dagaalka ka socda dalka Ukraine.

    Toddobaadkii hore, madaxa difaaca ee Ingiriiska, Gen James Swift, ayaa farriin u direy taliska, isagoo ku nuux nuux sadey in ciidanka Ingiriiska aan “loo oggoleyn” iney ku biiraan dagaalka ka socda dalka Ukraine.

    Haddii uu jiro wax shaki ah oo ku saabsan in ciidamadu ay isku dayayaan iney u safraan Ukraine, ayuu yiri, waa in si deg deg ah looggu wargeliyaa qeybta adeegga booliiska.

    Farriinta ayaa ka digtay in haddii qof ciidanka Ingiriiska kamid ah uu ku biiro dagaalka ka socda Ukraine, uusan naftiisa qura halis galin doonin, laakiin halkaasi uu ka abuurmi doonno fikir qaldan oo ah in Ruushku aamino in Ingiriisku usoo direy Ukraine ciidan halkaasi ka dagaalama.

    Madaxa difaaca ee Admiral Tony Radakin, ayaa haatan farriintani carabka ku adkeeyey, isagoo u sheegay BBC-da iney noqon doonto “mid sharci darro ah oo aan waxtar laheyn”.

    Waqtigan xaadirka ah wasaaradda difaaca ma rumeysna iney jiraan wax muujinaya in askar Ingiriis ah ay si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka ka socda Ukraine.

    Laakiin way addag in lala socdo dhaq dhaqaaqyada ciidamada kaydka ah, ee xirfadaha kale ku shaqeysta.

  2. Putin iyo Macron oo Khadka taleefanka ku wada hadley

    Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Khadka taleefanka ku wada hadley ku dhowaad labo saacadood.

    Waxaa jira faah faahino kasoo baxeysa wada hadalkooda. Xarunta Madaxtooyada Faransiiska ee Elysee, ayaa wararka kasoo baxaya waxey bidhaaminayaan in Macron ku booriyey Putin inuu soo afjaro duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

    Sidoo kale, Macron ayaa ku booriyey Ruushka inuu ilaaliyo goobaha uu yaallo niyukliyeerka, ka gadaal markii uu ku habsadey gantaal, kaasoo dhaliyey in xarunta niyukliyeerka ee Zaporizhzhia dab ka kaco.

    Putin ayaa u sheegay Macron, in Ruushku inaanu weerarin xarunta uu yaallo Niyukliyeerka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dhanka Faransiiska.

    Sidoo kale, Putin wuxuu u sheegay Macron in hadafka uu tiigsanayo Ruushku uu ku gaarayo laba midkood, dagaal ama wada xaajood, sidaasi waxaa sheegay xafiiska madaxweynaha Faransiiska.

  3. Dibad baxyo waa weyn oo ka dhacaya Ruushka

    Ku dhowaad afar kun oo qof, ayaa lagu xirey mudaaharaadyo loogga soo horjeedo dagaalka socda, oo ka dhacey guud ahaan Ruushka Axaddii, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda bani’aadamka iyo mas’uuliyiinta Ruushka.

    Illaa iyo 1,700 oo qof, ayaa lagu xirey magaalada Moscow oo kaliya, sida ay ku warantey wakaaladda wararka ee RIA, iyadoo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha gudaha.

    Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha OVD-Info, ayaa sheegtay in xir xiritaanka ay ka dhacdey 53 magaalo.

    Inkasta oo ay mudaaharaadyadu noqdeen kuwa si isa soo taraysa loo xadidayo sanadihii u dambeeyey, haddana isu soo baxyo badan, ayaa ka dhacey guud ahaan Ruushka, tan iyo markii uu bilawdey duullaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

    11-kii maalmood ee lasoo dhaafey, in ka badan 10,000 oo qof, ayaa lagu xirey iyagoo dhigaya mudaaharaadyo, sida ay sheegtay hey’adda OVD-Info.

  4. Ukraine oo ku eedeysay Ruushka beegsiga iskuullo iyo isbitaallo

    Ruushka ayaa duqeeyey bartilmaameedyada rayidka ah ee Ukraine, oo ay ku jiraan isbitaallo, goobaha carruurta lagu xanaaneeyo iyo iskuullo, sidaasi waxaa tiri ra’iisul wasaare kuxigeenka Ukraine.

    Olha Stefanishyna, ayaa BBC-da u sheegtay in kadib iska caabin xooggan oo kaga timid ciidamada Ukraine, uu dhacey “hawlgal aad u weyn” oo Ruushku ku bartilmaameed sanayey dadka rayidka ah.

    Waxey ku eedeysay Ruushka “iney dajiyeen qorshe argagaxisnimo”, oo ay weeraro kasoo qaadeen dhanka hawada iyo sidoo kale dhulka.

    Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha caafimaadka la weerarayo.

    “Hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxey xaqiijisay dhowr weerar oo lagu qaadey goobaha daryeelka caafimaadka Ukraine, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac badan,” ayuu yiri Axaddii aggaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus.

    Dowladda Ingiriiska, ayaa ku eedeysay Ruushka inuu bartilmaameed sadey goobaha ay dadku ku badan yihiin, oo meelo kala duwan ah.

  5. Yurub oo la ciir ciireysa qaxooti xad dhaaf ah

    Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR), ayaa sheegtay in in ka badan hal milyan iyo bar dadka reer Ukraine ay ka carareen dagaalka ka holacaya dalkooda, tan iyo markii uu bilawday.

    Madaxa sare ee hey’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa ku tilmaamey qaxan dhibaato qaxooti tii ugu xumeyd Yurub, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    Poland ayaa sheegtay in tiradii uggu badneyd ee dadka reer Ukraine, ay kasoo talaabeen xadka. Dalkani, ayaa waxaa soo gaarey dad gaaraya 900,000 oo qof.

    Tiro dad ah oo ay u badan yihiin haween iyo caruur, ayaa sidoo kale galaya dalalka Slovakia, Hungary, Romania iyo Moldova.

    Madaxweynaha Moldova, Maia Sandu, ayaa codsatey in laga caawiyo wax ka qabashada qulqulka qaxootiga.

    Dalkeedu waa mid kamid ah dalalka ugu saboolsan Yurub, waxeyna la tacaalaysaa qeybta kaga soo beegantey qaxootiga dagaalka ka baxsanaya.

  6. Mareykanka oo u baadi goobaya Ukraine diyaarado dagaal

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in Mareykanka uu ka baaraan dagayo heshiis suurta gal ah inuu la galo dalka Poland, ee la xiriira in Ukraine la siiyo dayuuradaha dagaalka ee Ruushku sameeyo.

    Tallaabadani ayaa daba socota dalab ka yimid Sabtidii, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, kaasoo uu ku sheegay in duuliyeyaashiisa loo tababarey wadista diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

    Mr Blinken waxa uu sheegay in Mareykanka uu eegayo sidii uu u siin lahaa diyaarado u beddela kuwa ay heystaan Poland, haddii ay oggolaato. Military-ga dhawr wadan oo Yurubta Bari ah, ayaa wali isticmaala diyaaridihii xiligii Soviet-ka.

    Colaadda hadda ka aloosan Ukraine, Ruushka waxa uu leeyahay awood dhinaca hawada ah oo aad u sarreysa.

    Mr Blinken waxa uu ka hadlayey safar shaqo oo uu ku tagey dalka Moldova, taasoo qeyb ka ah socdaal ballaaran oo uu ku marayo bariga Yurub, si uu hoosta ugga xariiqo tagaeerada Mareykanka.

    Wuxuu sheegay xoghayaha in wadamada Reer Galbeedka ay mar waliba ay hor istaagi doonaan gardarada Ruushka.

    Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Moldovan, Maia Sandu, iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayuu xoghayuhu wuxuu ku sheegay in Mareykanku uu ka fiirsanayo inuu diyaarado u keeno Poland, haddii ay go’aan sadaan iney Mic-yadooda siiyaan Ukraine.

  7. Magaalada yar ee marinka u ah ciidamada Ruushka iyo dhabbaha Kyiv loo maro

    Magaalada yar ee lagu magacaabo Irpin waxa ay 12 mile oo keliya u jirtaa caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, halkaas oo ay ku wajahanyihiin ciidamada Ruushka ee ku duulay dalkaas.

    Magaalada ayaa furin u noqotay labada ciidan ee hardamaya, iyada oo halkaas ay waxyeelo weyn kasoo gaartay dadkii shacabkii ahaa ee degenaa.

    Madaxa hore ee kolonyada aadka u badan ee baabuurta gaashaaman iyo ciidanka Ruushka ee duulaanka ah ayaa ku sugan magaaladan.

    Dhismayaasha iyo waddooyinka magaaladan ayaa si weyn u burburay, iyada oo ay ku dhacayaan madaafiicda goobta ee la isku adeegsanayo.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Ukraine ay burburiyeen buundooyin, iyaga oo ka hor tagaya in ciidamada Ruushka ay si sahlan uga gudbaan halkaas.

    Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya shacab ka gudbaya buundooyin, iyada oo ay ku hoobanayaan madaafiic.

    Tareenka ayaa ah gaadiidka ugu habboon ee ay dadka kaga baxsanayaan magaalooyinka.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa iyo hadda ay qaxeen wax ka badan 1.5 milyan oo qof.

  8. Shariif Xasan: “Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa iga hor istaagay in aan u duulo Baydhabo”

    Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga hor istaagay in uu ka duulo magaalada Muqdisho xilli uu ku wajahnaa Baydhabo.

    Shariif Xasan wuxuu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa doorashada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.

    Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu BBC u sheegay in duuliyihii diyaaraddii uu raaci lahaa uu u sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kasoo fulay amarka loogu diiday in uu u duulo Baydhabo.

    “Aniga waxaan rabay in aan Baydhabo aado maadama kursiga reerkeyga ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay uu yahay 261, tolkeygana wey ii yeereen in aan Baydhabo aado..maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yiri, masoo qaadi kartid baa lagu yiri ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda laakiin waxaan rabay in aan ka qeybgalo waana la diiday in aan meesha tago” ayuu yiri shariif Xasan.

  9. Maamulka Garbahaarey ee gobolka Gedo oo dalbaday in la fuliyo heshiisyadii laga gaaray khilaafkii ka taagnaa deegaan doorashada labaad ee Jubbaland

    Maamulka degmada Garbahaarey gobolka Gedo ayaa dalbaday in sidii ay ahaayeen loo fuliyo heshiisyadii siyaasadeed ee la xiriiray xallinta khilaafaadka arrimaha doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Garbahaarey.

    Bayaan ka soo baxay maamulka Garbahaarey ayaa lagu sheegay in waxa kaliya ee ka dhiman fulinta heshiisyadaasi ay tahay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu magacyada afarta xubnood ee loo gudbiyay ka soo xusho guddoomiye iyo ku xigeenkiisa isla markaana la soo diro guddiga doorashooyinka ee heer maamul-goboleed ee Jubbaland iyo kan federaalka, si ay Garbaaharey doorasho uga dhacdo.

    Bayaankaasi iyo waxa uu xambaarsan yahay ayaan ka wareysannay guddoomiyaha degmada Garbahaareey, Xasan Sheekh Cilmi.

  10. Ukraine oo war kasoo saartay 'khasaaraha gaaray' ciidamada Ruushka

    Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine ayaa shaacisay warbixinteeda maalinlaha ee ku saabsan dagaalka Ukraine, waxaana ugu muhiimsan qodobada soo socda:

    • Waxaan burburinay 88 kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka tan iyo markii uu bilowday dagaalka.
    • Waxaana gacanta ku dhignay tiro kamid ah duuliyeyaasha Ruushka.
    • Militeriga Ukraine waxay difaacayaan magaalada dekedda leh ee Mariupol.
    • Waxaan Ruushka ka qabsanay qalab badan.
    • Ciidamada Ruushka waxaa niyad jab ku riday sida awood leh ay isaga caabinayaan ciidamada Ukraine.

    BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkan kasoo baxay Ukraine.

  11. UK: “Ruushka wuxuu duqeynta uga golleeyahay in uu niyad jebiyo Ukraine”

    Duqeynta uu Ruushka la beegsanayo deegaannada ay dadka ku badan yihiin wuxuu ogolleeyahay in uu niyad jab ku rido Ukraine, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga ee UK.

    Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in awoodda iyo xawaaraha uu ku socdo howlgallada iska caabinta ee Ukraine uu ka yaabiyay ciidamada Ruushka isla markaana taasna ay horseeday in uu gantaallo ku garaaco magaalooyinka Kharkiv, Chernihiv iyo Mariupol.

  12. Ilaa hadda maxaan ka ognahay dagaalka Ukraine?

    Guud ahaan dalka Ukraine, waxay militeriga Ruushka kasii wadaan duqeymaha magaalooyinka xilli ay isku dayayaan inay qabsadaan halkaas, waxaa weerar culus lagu qaaday magaalada Irpin oo dhacda waqooy galbeed caasimadda Kiev halkaas oo ay ciidamada Ruushka isku dayayaan inay jebiyaan dhufeysada ciidamada Ukraine.

    Dadka magaalada ayaa isaga qulqulayaa halkaas iyaga oo lugeynaya,, waxaa guuldareystay dadallaada shacabka looga saarayo magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha.

    Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay hakiyeen duqeynta wax ka yar nus saac. Dhanka bari, Moscow waxay sheegtay in ciidamada Ruushka ay toddobo kiiloomitir soo dhaafeen Donbass.

    Mareykanka wuxuu sheegay in uu kaalmo dheeraad ah siinayo dalka Ukraine.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay in kaalmo dheeraad uu siin doono Ukraine taas oo isugu jirto mid dhaqaale, mid amni iyo in uu gargaar siin doono dalkaas kadib markii uu teleefoon kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodomyr Zelensky.

    Dhanka kale, Britain ayaa soo jeedisay qorshe ka kooban lix qodob oo looga jawaabayo dagaalka Ukraine, waxaana ay ku boorineysaa dalalka kale inay ku soo biiraan qorshahan.

    Qorshaha waxaa ka mid ah abaabulka isbahaysi bini'aadantinimo, taageeridda in Ukraine ay is difaacdo, iyo kordhinta cadaadiska dhaqaale ee Ruushka.

  13. Magaalada Mariupol ee Ukraine maxaa ka dhigay xuddunta dagaalka?

    Ciidamada Ruushka ayaa ku hareereysan magaalada dakadda ee Mariupol oo la qorsheynayey kumannaan shacabka ah iney magaaladaasi ka baxaan kaddib xabbad joojin ay labada dhinac gaareen.

    Ciidamada Ruushka ayaa maalmihi la soo dhaafay duqeymo aan kala joogsi lahayn ku hayey magaaladasi oo ku taalla marin isku xidha Crimea iyo Ruushka.

    Haddaba haddii uu Ruushka magaalada Mariupol uu qabsado waxaa u sahlanaaneyso iney ciidamadiisu si fudud ugu gudbaan gobollada Luhansk iyo Donetsk oo ay kooxa gooni u goosad ah oo ay Moscow taageerto ay qabsadeen.

    Sida oo kale gacanka Crimea wuxuu Ruushka gacanta ku dhigay dagaalki 2014-kii uu la galay dalka Ruushka.

  14. Ruushka oo hanjabaad kulul u jeediyey Britain

    Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay Moscow iney illaawi doonin taageerada ay Britain u fidisay Ukraine.

    Warbaahinta Ruushka oo soo xigatay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka Maria Zakharova, ayaa shegtay Ruushka marnaba iney illaawi doonin iskaashiga London ay u muujisay Kyiv.

    "Cuqabateynta Moscow la saaray oo ay London hormuudka ka tahay ama ay doorka ugu weyn ku leedahay waxay naga nagu qasbeysaa inaan qaadno tallaabooyin aargoosi ah oo saami ahaan adag, oo danaha Britain ay Ruushka ka leedahay si weyn u wiiqi doonto" ayey tiri.

    Sheekada rasmiga ah ee Ruushka ayaa ah in halista dadka rayidka ah ee Ukraine aysan ka imanayn ciidamada Ruushka, laakiin ay ka timid "wadaniiinta Ukraine".

    Dowladda UK ayaa hub iyo kaalmo dhaqaale oo aad u xooggan siisay dalka Ukraine tani iyo marki uu dagaalka soo billaawday.

  15. Ukraine: Ruushka wuxuu jabiyey xabbad joojinti lagu heshiiyey

    Ra’isal wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa Ruushka ku eedeysay inuu dhowrin xabbad joojinti ku meel gaarka ahayd ee laga gaaray magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

    Iryna waxay sheegtay iney ciidamada Ruushka ay billaabeen madaafiic iney ku garaacaan magaalada Volnovakha.

    Ku xigeenka duqa magaalada Mariopoli Sergie Orlov oo BBC u warramay ayaa sheegay Ruushka inuu ku xadgudubay xabbad joojinta arrimaha bani aadanimada loo gaaray iyaga oo weli magaaladaasi ku hareereysan xilli ay maamulka magaaladaasi qorsheynayaan hirgelinta qorshaha ay shacabka magaaladaasi ka qaxaya si nabad ah uga saarayaan.

    Srgie wuxuu walaac ka muujiyey amniga waddada ay sii marayaan dadka magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

    Wasaaradda Gaashaan dhigga Ruushkana waxay sheegtay iney labada dhinac ay ku heshiiyeen in shacabka magaalooyinkaasi loo furo waddooyin ay ku qaxaan.

  16. Mareykanka: "Taako ka mid ah dhulka NATO haddii lagu soo xadgudbo waan difaaceynaa"

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa markale ka dhawaajiyey Taako kasta oo ka mid ah waddamada xubnaha ka ah NATO inuu Mareykanka difaacayo, Bilinken oo hadalkaasi ka sheegay xilli uu booqnayey Poland.

    Blinken wuxuu sheegay Poland iney jawaab wanaagsan ka bixisay dagaalka Ukraine, iyada oo Kyiv arrimaha sirdoonka gacan ka siiyey isla-markaana taageertay cunaqabateynta la saaray Ruushka.

    Wuxuuna Blinken intaa ku daray Mareykanka inuu gargaar bani-aadanimo uu u fidinayo Poland iyo waddamada kale ee ay qaxootiga ku soo jabeen.

    Blinken oo shir jaraa’id ku qabtay Rzes-zow ee dalka Poland wuxuu sheegay Mareykanka iyo Poland iney iisu garabsanayaan taageeridda Ukraine, Mareykankana uu diyaar u ah taako ka mid ah dhulka waddamada NATO haddii uu Ruushku ku soo xadgudbo inuu difaaco.

  17. Qaramada Midoobay: Qaxootigi ugu badnaa oo dagaalki 2-aad kaddib Yurub ka qaxay

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay dadka ka qaxay dagaalka ka socda Ukraine iney tiradooda kor u dhaaftay 1.5 malyan.

    "Qaxootiga tirada badan ee ka qaxaya dagaalka Ukraine waa qaxootigi ugu badnaa oo qarradda Yurub ka qaxa tani iyo marki uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Adduunka" ayuu madaxa UNHCR oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Tani iyo marka uu duullaanka Ukraine billaawday waxaa dalkaasi ka qaxay dad gaaraya 1.3 malyan.

    Dalka Poland ayaa martigeliyey kala bar qaxootigaasi halka ay dalalaka Hungary iyo Romania ay gaareen tiro aan yareen.

    Dagaalka uu Ruushka ku soo qaaday dalka Ukraine ayaa galay maalinti siddeedaad.

  18. Dibadbaxyo looga soo horjeedo dagaalka Ukraine oo ka dhacay caalamka

    Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay dhowr magaalo oo ku yaalla caalamka kuwaas oo kasoo horjeedo duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.

    Goobaha ay dibadbaxyada ka socdeen waxaa kamid ah Switzerland, Croatia, Thailand iyo London.

  19. 16 kursi oo saacado gudahood lagu doortay Boosaaso

  20. Daawo: Qaabka loo soo riday diyaarad uu Ruushku leeyahay

    Duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 10-aad, magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Ukraine waxaa ka socdaa duqeymo iyo gantaallo lagu garaacayo halkaas.

    Wararka waxay sheegayaan in meelaha qaar uu kasoo socdo dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

    Ruushka iyo Ukraine waxay ku heshiyeen xabad joojin kumeel gaar ah oo looga dhawaaqay magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha.

    Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Ukraine ayaa muujinayaa diyaarad uu leeyahay Ruushka uu ku dhacay dagaal gudaha Ukraine.