Guusha Biden iyo sida looga jawaab celiyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. 'Ashqaraar!': Ruushka oo indhaha ku haya doorashada Mareykanka

    Doorashada Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbaahinta Ruushka – iyo siyaasiyiinta Ruushka – ayaa si dhow ula socda waxa ka dhacaya Mareykanka.

    “In la arko quwad sii quuseysa waa ashqaraar!”

    Waa falcelinta xildhibaan Ruush ah uu ka bixiyay doorashada Mareykanka.

    Waxaa jira dad xil ka haya Ruushka oo aaminsan in xukuumadda Moscow ay faa`iido ku qabto jahwareerka, kiisaska maxkamadda, iyo qas ka dhasha doorashada.

    Waxay aaminsan yihiin in haddii uu cadowgaaga daciif yahay, waxaad tahay qof adag. Waxay rumeysan yihiin in Mareykanka oo "kala qeybsan" uusan ku mashquuli doonin in cunaqabateyn kale uu ku soo rogo Ruushka.

    Qof walba ma aqabo aragtidaas. Waxaa jira siyaasiyiin Ruush ah oo aaminsan in dalkooda ay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba u wanaagsan tahay Mareykanka oo xasiloon, isla markaana keliya madaxweyne Mareykanka ah oo awood leh uu isku dayi doono hagaajinta xiriirka Ruushka iyo Mareykanka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  2. Doorashada Mareykanka: Shanta gobol ee muhiimka ah ee go`aamin doona qofka guuleysta

    Doorashada Mareykanka

    Tartanka loogu jiro doorashada madaxtinnimada ee Mareykanka ayaa haatan gabagabo maraya, iyadoo shan gobol ay harsan yihiin in lagu dhawaaqo natiijadooda– Pennsylvania, Nevada, Georgia, North Carolina iyo Alaska.

    Biden, oo haatan heysta 243 codad ah, ayaa u dhow guusha, halka Trump, oo haysta 214, uu u baahnaan doono inuu helo dhammaan codadka harsan si uu u guuleysto.

    Waxaa musharraxa laga doonayaa inuu helo 270 cod si uu ugu guuleysto Aqalka Cad.

    Tirada horudhaca ah waxay muujineysaa in dadkii ugu badnaa ay codeeyeen tan iyo sanadkii 1900, iyadoo 66.9% codbixiyeyaal ah ay dhiibanayaan codadkooda marka loo barbar dhigo 60.1% oo codeysay sanadkii 2016.

  3. Maxay Maxkamadda Sare ee Mareykanka u qaban kartaa Trump?

    Doorashada Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump ayaa shalay sheegtay inuu "ka guuleystay" Joe Biden

    Inkastoo Madaxweyne Donald Trump uu doonayo in Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay soo farageliso tartanka madaxtinnimada ee xilli dhow lagu dhawaaqi doono, haddana waxaa laga yaabaa inaysan iyadu go`aanka ugu dambeeya ka gaari karin doorashada, sida ay qabaan khubarrada sharciga.

    Waxay sheegeen inaysan aad macquul u ahayn in maxkamaduhu ay tixgelin doonaan dalabka Trump ee ah in la joojiyo tirinta codadka lagu riday sanduuqyada kahor amaba maalinta doorashada, amaba muran walba oo ay maxkamaddu xalliso uu wax ka beddeli karo natiijada gobollada lagu hardamayo ee Michigan iyo Pennsylvania.

    Iyadoo ay weli ay socoto tirinta codadka, ayuu shalay subixii Trump khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad wuxuu sheegtay inuu ka guuleystay Joe Biden.

    Trump, intii uu socday ololaha doorashada wuxuu diidmo ka muujiyay in boostada lagu codeeyo, isagoo aan bixin wax caddeymo ah oo ku saabsan inay horseedi karto ku shubasho.

    Isagoo taas soo qaadanaya ayuu Trump yiri: “Tani ku shubasho weyn ayay u tahay dalkeenna. Waxaan dooneynaa in sharciga loo adeegsado si habboon. Waxaan aadeynaa Maxkamadda Sare. Waxaan dooneynaa in la joojiyo dhammaan codbixina.”

    Ned Foley, oo khabiir sharciga doorashada ah waxna ka dhiga Jaamacadda Ohio State, ayaa sheegay in doorashada haatan aysan u muuqan mid abuuri karta xaalad la mid ah tii doorashadii madaxtinnimo ee 2000, markaas oo ay Maxkamadda Sare soo afjartay dib u tirinta codadka iyadoo ku waafaqday George W. Bush, oo uu markaas la tartamayay Al Gore oo Dimuqraaddiga ka tirsanaa.

    Kiiska ugu dhow ee laga yaabo inay Maxkamadda Sare xukmiso waa muranka ka taagan Pennsylvania ee ku saabsan tirinta codadka lagu dhiibtay boostada.

    Sida ay qabaan khubarrada sharciga, xitaa haddii ay maxkamaddu kiiskaas qaaddo, una xukmiso Jamhuuriga, weli taas ma go`aamin doonto natiijada Pennsylvania, maaddaama kiisku uu quseeyo codadka boostada lagu dhiibtay ee la qabtay 3-dii bishan.

  4. Maxay muhiim u yihiin codadka dadka Ameerikaanka ah ee qaaradda Aasiya ka soo jeeda?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Sida lagu xusay ra`yi ururin la sameeyay kahor codbixinta, qiyaastii 64% codbixiyeyaasha Mareykanka ee asalkooda ka soo jeeda qaaradda Aasiya waxay taageersan yihiin Biden, halka 30% kalena ay taageersan yihiin Trump.

    Tiradaasi waxay la mid yihiin kuwii 2016, balse waxay ka hooseeyaan tiradii taageersaneyd Obama sanadkii 2012.

    Dadka Mareykanka ee ka soo jeeda Aasiya waa qomiwyad si xowli ah u kobceysa. Inkastoo saamigooda codadka uu ka hooseeyo 5%, haddana waxay kooxdani saameyn xooggan ku yeelan karaan gobollada lagu hardamayo.

    Sida lagu xusay qiimeyn lagu sameeyay codbixinta Ameerikaanka ka soo jeeda Aasiya, Xisbiga Jamhuuriga ayaa sanadihii la soo dhaafay taageero ka helayay kooxdan, balse ku dhowaad shantii codbixiyeyaasha Ameerikaanka kasoo jeeda Aasiya, labo qof ayaan weli iska diwaan gelin labada xisbi midkood, taas micnaheedu waa inay noqon karaan codbixieyaasha aan go`aanka lahayn ee u baahan in lagu qanciyo inay is diwaan geliyaan.

    Codbixiyeyaashan Aasiya ka soo jeeda waa kuwo ku kala duwan dalalka ay ka soo jeedaan, dhaqanka, diinta iyo da`da ama jiilka. Sida qiimeynta lagu xusay, Hindida Ameerikaanka ah ayaa aad u taageeray Biden, halka kuwa ka soo jeeda Vietnam ay taageersanaayeen Trump.

    Inkastoo madaxweynaha aad loogu cambaareeyay in xanuunka safmarka ah ee Covid-19 uu ku sheegay “fayraska Shiinaha”, haddana wuxuu taageero badan ka helay dadka Shiineeska ah ee dhalashada Mareykanka heysta.

    Chenren Shao, oo 35 jir ah Ameerikaan-Shiinees ah kuna nool Maryland, ayaa sheegay inuusan wax dhib ah u arkin hadalkaas, maaddaama fayrasku uu “ka bilowday Shiinaha".

    Sidoo kale, dad badan oo Shiinaha ka soo jeeda isla markaana cambaareya xukuumadda Beijing ayaa taageersan Trump.

    Marka taariikhda la eego, labada xisbi si ku filan uma aysan beegsan Ameerikaanka Aasiya ka soo jeeda, taas oo sababtay inaysan codeyn dad badan. Balse, kooxdan waxay dhowaan noqon doonaan kuwo muhiim ah oo aysan iska indho tiri karin axsaabta Mareykanka.

  5. Doorashada Mareykanka: Dibadbaxyo ka socda Minneapolis iyo magaalooyin kale

    Doorashada Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa sugaya ammaanka

    Dibadbaxyo ayaa ka socda magaalooyinka Mareykanka qaarkood, iyadoo xiisadda tirinta codadka gobollada lagu hardamayo ay sii kululaaneyso.

    Booliiska magaalada Minneapolis ayaa xiray dad dibadbaxayay kaddib markii ilaa 200 oo qof oo mudaaharaad sameynayay ay xireen waddooyin waaweyn. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in kooxdaasi ay ka cabanayeen Donald Trump.

    Magaalooyinka Portland iyo Oregon, ciidamada ammaanka ayaa la geeyay kaddib markii dibadbaxyada ka dhanka ah Trump ee lagu dalbanayo in la tiriyo cod walba ay isku beddeleen kuwo rabshado wata. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dadka qaar ay jebinayeen daaqadaha dukaamada.

    Dibadbaxyo kuwaas la mid ah ayaa ka socda New York, Philadelphia iyo Chicago.

    Dhanka kale magaalada Detroit, taageerayaasha Trump ayaa isugu soo baxay bannaanka bannaanka xarunta lagu tiriyo codadka, ayaga oo garaacaya daaqadaha kuna qeylinaya: “Jooji tirinta.” Sidoo kale dibadbaxyo yar oo tirinta looga soo horjeedo ayaa laga soo sheegay Phoenix, oo Arizona ka tirsan.

  6. Barasaabka Pennsylvania oo dhegaha ka fureystay baaqa Trump ee ah in la joojiyo tirinta codadka

    Doorashada Mareykanka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dadka ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin tiri cod walba

    Barasaabka gobolka Pennsylvania, Tom Wolf, ayaa sheegay in tirinta codadka gobolkaas ay sii socon doonto, inkastoo ay jiraan dadaal ay kooxda ololaha Trump ku hor istaagayaan tirinta.

    Waxay sheegeen in Dimuqraaddiyiintu ay isku dayayaan inay afduubtaan codadka Pennsylvania. Ku xigeenka madaxa ololaha Trump Justin Clark ayaa sheegay in Dimuqraaddiyiintu ay isku dayayaan inay musuqmaasuqaan codadka Jamhuuriga. Si kastaba, ma jiraan warar sheegaya inay dhacday ku shubasho.

    "Isku dayadan lagu wiiqayo hannaanka dimuqraaddiyadeed waa mid ceeb ah," ayuu yiri Mr Wolf, oo Dimuqraaddiga ka tirsan. "Dagaal adag ayaan u geli doonaa sidii loo ilaalin lahaa codadka dadka Pennsylvania. Wax walba oo awooddeyda ah ayaan sameyn doonaa si aan u hubiyo in cod walba la tiriyo."

  7. Maxaa ugu dambeeyay wararka doorashada Mareykanka?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dadka ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin tiri cod walba

    Soo dhowow haddii aad haatan ku soo biirtay tebinteenna tooska ah ee doorashada Mareykanka. Weli lama oga cedda ku guuleysatay madaxtinnimada.

    Inkastoo aysan xalay wax weyn dhicin, tirinta codadka ayaa ka socota lix gobol oo saameyn ku yeelan kara natiijada. Waxaa haatan ku horreeya codadka Joe Biden, balse gadaal ayay wax iska beddeli karaan.

    Biden haatan wuxuu haystaa 243 cod, halka Trump uu heysto 214. Si uu musharraxu ugu guuleysto Aqalka Cad wuxuu u baahan yahay inuu helo 270 cod.

    Joe Biden waxaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysto gobolka Michigan – oo ka mid ah gobollada ay Dimuqraaddiyinntu ku xooggan yihiin balse ay Hillary Clinton weysay sanadkii 2016

    Georgia, waxay saraakiishu sheegeen inay sii wadi doonaan tirinta codadka ilaa habeenkii oo dhan, balse weli waxaan weli la tirin ilaa 90,000 oo codad ah. Trump ayaa ilaa iyo haatan gobolkaas ka haysta 28,000

    Nevada, hardanka ayaa weli socda. Biden wuxuu ku hoggaaminayaa 7,647. Natiijada kale ee gobolkaas ayay saraakiishu sheegeen in la soo daabici doono maanta (09:00 xilliga Mareykanka)

    Arizona weli tirinta ayaa socota lamase oga cedda loo saadaalinayo inay ku guuleysato

    Wisconsin - Biden ayaa ku horreeya oo haysta 20,510 codad

    Rajadii Trump ee ahayd inuu ku guuleysto Pennsylvania ayaa sii daciifeysa. Iyadoo 90% codadka gobolkaas la tiriyay, Trump wuxuu heystay 164,414 codad ah.

    Gobolka North Carolina, oo 96% codadka la tiriyay, Trump ayaa ku horreeya 76,737

    Kooxda ololaha Trump ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada gobolka Georgia, waa gobolkii afaraad ee ay kooxdu ka cabatay natiijada ka soo baxday.

  8. Gobollada sida adag loogu loolamayo ee weli natiijadooda la sugayo

    Illaa iyo hadda, waxaa la shaaciyay natiijada illaa 41 gobol, balse sagaalka dhiman waa kuwa loolanka ugu adag uu ka dhacayo.

    Hoos ka eeg gobolladaas:

    Gobollada lagu loolamayo
  9. Sida ay u eg tahay khariidadda natiijada illaa iyo hadda la og yahay ee doorashada Mareykanka

    Map
  10. Twitter oo ka digtay Ra’iisul Wasaaraha Slovenia oo u “ hambalyeeyay” Trump

    Twitter-ka waxa astnaan digniin ah saartay farriin uu soo dhigay ra’iisul wasaaraha Slovenia, Janez Jansa, kaas oo u hambalyeeyay Donald Trump, wuxuuna “warbaahinta ku eedeeyay” in ay “xaqiiqada qarinayaan”.

    Shirkadda Twitter-ka waxay farriintaas ku hoos qortay: "Saraakiisha rasmiga ah waxaa suuragal ah in aysan weli ka hadlin tartanka, markii farriintan la soo dhigayay Twitter-ka”.

    Jansa wuxuu si joogto ah uga hadlayay taageerada uu u hayo Trump iyo shuruucdiisa siyaasadeed, tan iyo markii uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Slovenia, bishii march ee sannadkan.

    Sidaan horey u sheegnay, codad badan oo laga dhiibtay gobollada muhiimka ah ayaa weli la tirinin, sidoo kalena Trump iyo Biden, midkoodna ma sheegan gal guul xilligan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  11. Caddeyn ma loo hayaa in la lagu shubtay codadka boostada?

    Nigel Farage iyo Donald Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nigel Farage iyo Donald Trump

    Siyaasiga u dhashay Britain, Nigel Farage – oo taageera madaxweyne Trump – oo si joogto ah uga hadlayay doorashada Mareykanka wuxuu BBC u sheega: “Caddeynta isdabamarinta codadka boostada waa mid inoo muuqata inagoo dhan, waan ognahay dhankeena”.

    Hadaba maxay tahay caddeynta?

    Dhanka Mareykanka, sida lagu ogaaday turxaan bixinta xaqiiqada iyo cilmi baarisyo, waxaa horey u jiray kiisas yar, waana dhif iyo nadir.

    Madaxa Guddiga doorashooyiinka Federaalka ee Mareykanka, Ellen Weintraub, waxay sheegtay: “Sida fudud, sal malahan fikaradda sheegeysa in codeynta boostada ay sababeyso is dabamarin”.

    Farage – markii su’aalaha lagu adkeeyay – wuxuu qirtay in aysan xilligan jirin caddeyn muujineysa in lagu shubtay codadka” doorashada Mareykanka.

  12. Warbaahinta Ruushka oo “waali” ku tilmamay doorashada Mareykanka

    Telefishinnada Ruushka, ma eegayaan su’aasha ah, musharrexee wanaagsan? Ha ahaato Ruushka ama Mareykanka.

    Warbaahinta maamulka Kremlin, arrinta ugu weyn ee shacabka Ruushka ay u gudbinayaan waa in “Mareykanka uu qalalaase ku dhex jiro” iyo in dimuquraadiyadooda ay guuldareysatay.

    Arrinta ugu sareysa ee ay baahinayaan na waa in Mareykanka “uusan markan taagneyn meel uu dalalka kale uga sheego waxa qaladka ah iyo waxa saxa ah”.

    Saaka, warbaahinta dowladda Ruushka, gaar ahaan telefishinka Rossiya 24, wuxuu baahinayay muuqaallo dhaadheer oo uusan weriye ka dul hadlayn oo ay ka muuqdeen dad jidadka taagan oo qeylinayay.

    Doorashada Mareykanka waa “waali”, ayuu yiri TV-ga. Sidoo kale, NTV, oo ka mid ah telefishinnada loogu daawashada badan yahay dalkaas, wuxuu baahiyay “warar ku saabsan in qalalaase la filayo”.

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Rossiya 24

    Laakiin, Telefishinka taageera maamulka Ruushka, wuxuu caddeeyay ujeedadiisa: Wuxuu Donald trump u sameeyay baahin aan dhaliil lahayn, wuxuuna ka dhigay sida Nabi Da’ud oo la dagaallamaya Jaaluut oo ah xaalad cabsi leh iyo warbaahint dhinac u janjeerta.

    Eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa iyo kufsiga ee wiilka Joe Biden, ayay baahinayeen iyagoo aan su’aal gelinin xaqiiqada, waxayna sheegeen in arrintaas oo dhan uu lug ku leeyahay aabihii.

    Jawaabta Dimuquraadiga? Sida laga soo xigtay telefishinka dowladda ee Channel One, Wuxuu sheegay inuu yahay filimka cusub ee Borat, kaas oo lagu suntay qareenkii Donald Trump ee Rudy Giuliani.

  13. 'Halis iyo keli talisnimo': Maxay Ilhaan iyo dimuquraadiga ka dheheen sheegashadii Trump?

    Ilhan

    Xigashada Sawirka, Rueters

    Ilhan Cumar oo ka jawaabeysa sheegashadii Trump ee ahayd in uu “ku guuleystay” doorashada ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay “ma hor istaagi kartid in codadka la tiriyo”.

    “Tani ma aha keligii telisnimo,” ayay tiri.

    “Waxa la yaabka leh waa in dad ay Mareykanka u badalayaan sida Soomaaliya, iyagoo ogolaanaya in Trump uu sameeyo wax la mid ah arrimihii ay sameyn jireen keligood talisyadii Soomaaliya.”

    "Hurdada ka kaca, wuxuu sameynayaa wax kastaa oo uu ku kala geyn lahaa. Waxaa kor-joogto doorasho u dirna dalalka kale, uma baahnin in teenna la kor-meero”, ayey sheegtay Ilhan.

    Ka bood X boggan, 1
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 1

    Sidoo kale xubno sare oo Xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsan ayaa ka carooday hadalka Trump.

    Amy Klobuchar, oo sanatar ka ah gobolka Minnesota, ayaa tiri: “Dhammaan codadka waa in la tiriyaa. Waxaan ku nool nahay dimuqraaddiyad.

    Haweeneyda loo saadaalinayo inay mar kale ku guuleysato New York, Alexandria Ocasio-Cortez, ayaa cambaareysay sheegashada Trump iyadoo ku tilmaantay “mid aan sax ahayn, halis ah, oo keligii talisnimo ah”.

    “Tiri Codadka. Xushmee natiijada,” ayay ku soo qortay barta Twitter-ka.

    Ka bood X boggan, 2
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan, 2

  14. Xaqiijin: Maya, run ma ahan sheegashada guusha ee Trump

    dad daawanaya tirinta codadka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in uu guuleystay in kastoo aan weli la tirin codadka gobollada sida wayn loogu loolamayo ee isbedelka keeni kara.

    “Waxaan u diyaargaroobeynay in aan doorashadan ku guuleysano. Dhab ahaantii, waan ku guuleysanay doorashadan,” ayuu yiri xilli uu jeedinayay khudbad toos looga baahiyay telefishinnada oo uu ka hadlayay Aqalka Cad.

    Codeyntii gobollada sida wayn loogu loolamayo, sida Georgia, Wisconsin, Pennsylvania, iyo Michigan, ayaan weli si buuxda loo shaacinin.

    Codad aad u badan oo ay dhiibteen inta badan dadka magaalooyiinka waaweyn ku nool ee taageersan Dimuquraadiga, ayaan sidoo kale weli la tirinin.

    Si gaar ah, Pennsylvania waa gobol si aan caadi ahayn loogu tartamayo. Dad aad u badan ayaa halkaas ka codeeyay, waxayna warqadaha ku direen boostada, waxaa la filayaa in tirinta ay qaadato maalmo.

    “Midda ugu muhiimsan waa in aan ku guuleysaneyno Pennsylvania oo aan ka heleyno codad aad u badan,” ayuu yiri Trump. Wuxuu intaa ku daray: "Waxaan ku wanaagsanaaneynaa aagga Pennsylvania oo ah meelaha laga jeclaanayo madaxweynahiina.”

    Trump ayaa halkaas ku hoggaaminaya boqolkiiba 55.7% halka Joe Biden uu ka haysto 43% - Waxaana illaa iyo hadda la tiriyay boqolkiiba 74% codadkii la dhiibtay.

    Si kastaba, Philadelphia, oo ah magaalada ugu wayn ee gobolka, waxaa laga soo weriyay boqolkiiba 48% oo keli ah – waxayna u janjeertaa dhanka Joe Biden.

    Muuqaal midkaas la mid ah ayaa laga haystaa Gobollada Michigan iyo Wisconsin, oo mindi-caaradeed saran.

    “Waan ku guuleysaneynaa Michigan,” ayuu yiri Trump. “Waxaana la soo xareeyay boqolkiiba 65% codadkii la dhiibtay. Waana ku guuleysaneynaa Wisconsin.”

    Detroit, oo ah magaalada ugu weyn ee Michigan, waxaa weli u harsan codad badan oo aan la tirinin.

    Sidoo kale Wisconsin magaalada ku taalla ee Dimuquraadiga uu ku xooggan yahay ee Milwaukee, weli waxaa laga tiriyay in ka yar kala bar codadkii la dhiibtay.

    Kawarran gobolka Koonfurta ku yaalla ee Georgia – weli loolan miyaa ka taagan?

    Trumo wuxuu yiri: “Way cadahay in aan ku guuleysanay Georgia”. In kastoo boqolkiiba 90% codadka la tiriyay, haddana weli lama kala cadeyn guusha.

    Weli waxaa dhiman in la shaaciyo tirada codadkii laga tiriyay magaalada ugu weyn gobolka ee Atlanta.

    Tirinta codadka way socotaa weli

    Xigashada Sawirka, EPA

  15. Hadaba, maxaa la filayaa, sheegashada Trump ka dib?

    Doorashada Mareykanka 2020

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Weli lama hayo jawaabaha ku saabsan qofka noqon doono madaxweynaha soo socda ee Mareykanka. Arrimaha suuragalka ah waxaa ka mid ah:

    Lama ogaan karo maalmaha ay qaadan doonto: Waa arrin dhici karta in maalmo ay qaadato, maadaama dagaalka uu u wareegi doono codadkii boostada lagu soo diray ee aan weli la tirin ee sida gobollada Michigan, Wisconsin iyo Pennsylvania.

    Qareenno ayaa kaalin ku yeelan kara: Donald Trump wuxuuba horey ugu hanjabay in uu dacwad geyn doono Maxakamadda Sare. Taas waxay dhallin kartaa in natiijada ay qaadato isbuucyo.

    Hubaal la’aanta ma keeni kartaa qalalaase?: Waxay u badan tahay in xaalad hubaal la’aan ah ay dhacdo, balse, inkastoo dadka Mareykanka ay ka hadleen walaaca ay qabaan, haddana xilligan lagama sii hadli karo in ay jiraan arrimo sababi kara qalalaase.

  16. Muxuu Xisbiga Jmahuurigu ka yiri khudbadii Trump?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa sheegtay guul aan lagu raacsaneyn, kaadib khudbad uu goor dhow ka jeediyay Aqalka Cad – iyadoo weli ay harsan yihiin malaayiin codad ah oo aan la tirin.

    Xubno sare oo Xisbiga Jamhuuriga ka tirsan iyo dadka wax falanqeeya ayaa walaac ka muujiyay hadallada aan la xaqiijin ee Trump.

    Barasaabkii hore ee gobolka New Jersey isla markaana la taliye u ahaan jiray Trump, Chris Christie oo la hadlayay telefishinka ABC ayaa khudbadda madaxweynaha ku tilmaamay mid khaldan, istaraatiiji ahaan iyo madaxweyna ahaanba.

    "Waa go`aan istaraatiijiyadeed oo xun," ayuu yiri. "Waa go`aan siyaasadeed oo xun."

    Rick Santorum, oo ah sanatar hore oo gobolka Pennsylvania, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadallada Trump. "Adeegsiga erayga ku shubasho... waxaan u maleynayaa waa khalad," ayuu u sheegay telefishinka CNN.

    Ben Shapiro, oo arrimaha Mareykanka falanqeeya isla markaana cambaareeya Trump, ayaa barta Twitter-ka ku soo qoray in hadallada Trump ay yihiin kuwo "mas`uuliyad darro qota dheer ah".

  17. Dibadbaxyo looga cabanayo Trump oo ka socda Washington

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Iyadoo ay xilligan habeen u tahay Mareykanka, goobaha codbixintuna ay soo xirmayaan, codadkana la tirinayo, dibadbaxyo ka dhan ah Madaxweyne Trump ayaa ka socda waddooyinka maagalada Washington DC.

    Boqolaal qof oo waddooyinka isugu soo baxay, ayaa qaarkood xiraya waddooyinka ay gawaaridu maraan isla markaana taayarro gubaya. Waxay qaarkood ku dhawaaqayeen: “Haddii aynaan helin caddaalad, nabad ma helayaan!”

    Dibadbaxyadu waxay ahaayeen kuwo aan rabshado wadan, balse waxaa jira warar sheegaya dad isaga hor yimid bannaanka Aqalka Cad. Saddex qof ayaa la xiray, sida uu tebiyay NBC Washington.

    Qeybaha kale ee dalkaas, waxaa jira warar sheegaya in la kala cayriyay dad dibadbaxyo ka dhigayay Los Angeles, California; Raleigh, North Carolina; Portland, Oregon iyo New York City.

    Dhanka kale, ganacsatada ayaa qaarkood xiray goobahooda ganacsiga iyaga oo ka baqaya in natiijada ay rabshad sababto.

  18. Trump: 'Waxaan aadeynaa Maxkamadda Sare'

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iyadoo malaayiin codad ah aan weli la tirin, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inay guushu isagu raacday.

    "Waan ku guuleysannay doorashadan," ayuu yiri, isagoo si adag u hadlaya. Isadoo aan caddeyn bixin ayuu sheegay in "ku shubasho" ay dhacday.

    "Tani waxay ceeb ku tahay dalkeenna," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inuu qorsheynayo inuu aado Maxkamadda Sare si uu uga dacwoodo natiijada doorashada.

    Malaayiin codad ah ayaan weli la tirin, madaxweynuhuna uma bannaana haatan inuu sheegto inuu ku guuleystay doorashada.

  19. Trump oo ku dhawaaqay natiijo “cajiib u ah”

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa ka soo muuqday qolka yare e ku yaalla dhanka Bari ee Aqalka Cad.

    Wuxuu billaabay in uu u mahadceliyo qoyskiisa iyo taageerayaashiisa xalay isu soo baxay.

    "Waxaan isu diyaarineynay dabaaldegga wayn,” ayuu yiri. “Waxaan ku guuleysaneynay wax kasta.”

    Isagoo u hadlayay sida qof guul weyn gaaray, wuxuu Trump u dabaaldegay guushii xalay uu ka gaaray Florida.

    "Guul keli ah ma ahan, waa mid aan ku uruursanay dhammaan,” ayuu yiri.

    Wuxuu sidoo kale sheegtay in uu hoggaaminayo Pennsylvania, waa sida uu xalay fiidkii sameeyay Joe Biden.

    Way adag tahay in xilligan la sii saadaaliyo qofka ku guuleysanaya gobolkaas.

  20. Biden oo la saadaalinayo inuu ku guuleysto Minnesota

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Gobolka Minnesota ayaa la sadaalinayaa inuu ku guuleysto Joe Biden.

    Gobolkan oo ku yaalla bartamaha galbeedka Mareykanka ayna ku nool yihiin Soomaali badan ayaa taariikhiyan ah mid ay awood weyn ku leeyihiin Dimuqraaddiyiinta.

    Xisbiga Dimquraaddiga ayaa ku guuleysan jiray doorasho walba oo madaxtinnimo 60-kii sano ee la soo dhaafay, marka laga reebo sanadkii 1972, markaas oo dadka Minnesota ay taageereen Madaxweyne Richard Nixon.