You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Guusha Biden iyo sida looga jawaab celiyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Doorashada Mareykanka: Codadka boostada la soo dhigayo ma daahin karaan natiijada?

    Shaki kuma jiro inaad in badan maqashay sanadkan codbixinta laga sameynayo boostada.

    In la codeeyo iyadoo boostada la adeegsanayo ma aha wax cusub – sanadkii 2016, saddex meel hal meel ayay ka ahaayeen dhammaan codadkii la tiriyay. Balse haatan way ka sii badan yihiin intaas, iyadoo dad badan oo Ameerikaan ah ay doonayaan inay ka fogaadaan inuu ku dhaco xanuunka Covid-19.

    Gobollada qaar ayaa bilaabay tiriinta codadka isla markii ay boostada ku soo dhaceen, kuwo kalena kahor doorashada ayaa la tiriyay, halka kuwa ugu dambeeyana isla maalinta doorashada lala sugayay.

    Gobollada ay tartanka weyn ugu jiraan Biden iyo Trump – Pennsylvania iyo Wisconsin – waxaa tirinta codadkooda la bilaabay maalinta doorashada, taas oo waqti dheer qaadan karta.

    Maamulka gobolka Michigan ayaa ka digay in tirinta codadka boostada ay qaadan karto ilaa Jimcaha.

  2. Trump: Waxaa la doonayaa in doorashada lagu shubto

    Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray qoraal uu ku sheegayo in dadku ay isku dayayaan "inay XADAAN doorashada". Ma uusan bixin caddeyn, balse wuxuu yiri "codadka lama tirin karo kaddib marka ay codbixintu dhammaato".

    Balse sanadkan waxaa jira shuruuc cusub oo la dejiyay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah - tirintuna, guud ahaa, waxayq aadan doontaa waqti dheer sababtoo ah dad badan ayaa codadkooda boostada ku soo diray.

    Daraasad gudaha dalkaas laga sameeyayna waxay sheegeysaa inay dhif iyo nadir tahay in doorashada lagu shubto.