Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in uu guuleystay in kastoo aan weli la
tirin codadka gobollada sida wayn loogu loolamayo ee isbedelka keeni kara.
“Waxaan u
diyaargaroobeynay in aan doorashadan ku guuleysano. Dhab ahaantii, waan ku
guuleysanay doorashadan,” ayuu yiri xilli uu jeedinayay khudbad toos looga
baahiyay telefishinnada oo uu ka hadlayay Aqalka Cad.
Codeyntii gobollada
sida wayn loogu loolamayo, sida Georgia, Wisconsin, Pennsylvania, iyo Michigan, ayaan weli si buuxda loo shaacinin.
Codad aad u badan oo
ay dhiibteen inta badan dadka magaalooyiinka waaweyn ku nool ee taageersan
Dimuquraadiga, ayaan sidoo kale weli la tirinin.
Si gaar ah, Pennsylvania
waa gobol si aan caadi ahayn loogu tartamayo. Dad aad u badan ayaa halkaas ka
codeeyay, waxayna warqadaha ku direen boostada, waxaa la filayaa in tirinta
ay qaadato maalmo.
“Midda ugu muhiimsan
waa in aan ku guuleysaneyno Pennsylvania oo aan ka heleyno codad aad u badan,”
ayuu yiri Trump. Wuxuu intaa ku daray: "Waxaan ku wanaagsanaaneynaa aagga
Pennsylvania oo ah meelaha laga jeclaanayo madaxweynahiina.”
Trump ayaa halkaas ku
hoggaaminaya boqolkiiba 55.7% halka Joe Biden uu ka haysto 43% - Waxaana illaa
iyo hadda la tiriyay boqolkiiba 74% codadkii la dhiibtay.
Si kastaba, Philadelphia,
oo ah magaalada ugu wayn ee gobolka, waxaa laga soo weriyay boqolkiiba 48% oo
keli ah – waxayna u janjeertaa dhanka Joe Biden.
Muuqaal midkaas la mid ah
ayaa laga haystaa Gobollada Michigan iyo Wisconsin, oo mindi-caaradeed saran.
“Waan ku guuleysaneynaa
Michigan,” ayuu yiri Trump. “Waxaana la soo xareeyay boqolkiiba 65% codadkii la
dhiibtay. Waana ku guuleysaneynaa Wisconsin.”
Detroit, oo ah
magaalada ugu weyn ee Michigan, waxaa weli u harsan codad badan oo aan la
tirinin.
Sidoo kale Wisconsin
magaalada ku taalla ee Dimuquraadiga uu ku xooggan yahay ee Milwaukee, weli
waxaa laga tiriyay in ka yar kala bar codadkii la dhiibtay.
Kawarran gobolka
Koonfurta ku yaalla ee Georgia – weli loolan miyaa ka taagan?
Trumo wuxuu yiri: “Way
cadahay in aan ku guuleysanay Georgia”. In kastoo boqolkiiba
90% codadka la tiriyay, haddana weli lama kala cadeyn guusha.
Weli waxaa dhiman in
la shaaciyo tirada codadkii laga tiriyay magaalada ugu weyn gobolka ee Atlanta.