Soomaaliya oo beenisay in Al-Shabaab ay sii daysay dhaqaatiir u afduubnaa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Soomaaliya oo beenisay in Al-Shabaab sii daysay dhaqaatiir u afduubnaa

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Al-Shabaab ay sii deysay dhakhaatiir u dhashay waddanka Cuba, oo muddo u afduubnaa.

    Axmed Ciise Cawad, oo la hadlay BBC-da ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalku ay waddo dadaallo dadka afduuban lagu sii deynayo, laakiin ilaa hadda aysan xukuumadda uu ka tirsan yahay waxba ka ogeyn sii deynta dhakhaatiirta reer Cuba.

    "Mas'uuliyiinta Soomaaliya ma sheegin warkaas, mana aha war dowladda Soomaaliya ka baxay. Nimankaas waxaa afduubay Al-Shabaab, haddii lasii daayayna Al-Shabaab baa og. Annagu dadaallo ayaan wadnay, oo aannu ku daneyno qofkii ajnabi ah oo ay Soomaaliya wax ku gaaraan, marka dadaalladaasi way socdaan, dowladda Cuba-na waan kala xiriirnaa, laakiin warkaas meelaha la marinayo ma aha war dowladda Soomaaliya ay sii deysay," ayuu yiri wasiirka.

    Cuba doctors

    Xigashada Sawirka, CITIZEN TV

    Qoraalka sawirka, Dhaqaatiirta la afduubtay Herera Correa (bidix) iyo Landy Rodriguez

    Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa shaaciyay warka ku saabsan Al-Shabaab ay sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ay sanadkii hore ka afduubteen magaalada Mandera, gobolka Waqooyi-bari Kenya.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, dhaqaatiirta ayaa la sii daayay dhammaadkii toddobaadkii hore, kaddib bilooyin wada xaajood lagula jiray kooxda.

    Dhaqaatiirtan oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Herera Correa ayaa afduub loo heystay muddo sanad iyo bar ah.

    AP ayaa sheegtay in sarkaal Soomaali ah uu codsi uu ka helay dowladda Cuba isagoo wada xaajood ka galay sii deynta dhaqaatiirta.

    Laakiin dowladda Soomaaliya oo beenisay warkan waxay ka gaabsatay inay faahfaahiso halka u marayaan dadaallada ay wadday.

    Weli ma cadda halka haatan lagu hayo dhaqaatiirta.

    Dhinaca kale, war kasoo baxay dowladda Cuba ayaa lagu beeniyay sii deynta dhakhaatiirta ee ay tabiyeen warbaahinta qaar.

  2. Nairobi: Eedeysanayaal lagu helay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii Westgate

    Westgate

    Xigashada Sawirka, AFP

    Labo ka mid ah saddex nin oo loo heystay inay gacan ka geysteen weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013 ayaa lagu helay caddeymo. Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay weerarkaas.

    Xaakim Francis Andayi ayaa sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay caddeymo.

    Saddexdan nin ayaa loo heystay inay kooxdii weerarka soo qaadday ay caawiyeen.

    Weerarkaas oo dhacay bishii September 2013 waxaa ku dhintay 62 qof oo rayid ah, shan ciidamada ammaanka ka tirsanaa iyo afartii qof ee weerarka soo qaadday.

    Ninka saddexaad ee la sii daayay ayaa la dhashay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday.

    Liibaan Cabdullaahi oo ah Soomaali qaxooti ku ah Kenya ayaa laga qaaday dhalashada Kenya oo uu heystay, isagoo lagu eedeeyay inuu sharci la`aan dalka ku joogay.

    Labada lagu helay caddeynta waxay kala yihiin Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafah oo Kenya u dhashay.

    kiiskan ayaa soo jiitamayay muddo toddoba sano ah.

    Xukunkan labadan nin ayaa dib loo dhigay 22-ka bishan.

  3. Atariisho caan ah oo loo heystay kiiska geeridii Sushant oo damaanad lagu sii daayay

    Sushant

    Xigashada Sawirka, Empics

    Atariishada Bollywood-ka ka tirsan Rhea Chakraborty ayaa damaanad lagu sii daayay ku dhowaad bil kaddib markii xabsiga la dhigay iyadoo lagu eedeeyay inay daroogo u iibisay saaxiibkeedii Sushant Singh Rajput.

    Rajput, oo 34 jir ahaa, ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa 14-kii June. Booliiska ayaa xilligaas sheegay inuu isagu is dilay.

    Balse kiiskan ayaa si kale isku beddelay markii ay qoyskiisa ku eedeeyeen Chakraborty inay ka qeyb qaadatay dilikiisa, taas oo sababtay in warbaahintu ay muddo bilooyin ah baahiyaan wararkaas.

    Chakraborty ayaa beenisay inay wax khalad ah sameysay.

    Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta laga sii daayo xabsiga.

    Walaalkeed, Showik, ayaa sidoo kale loo xiray isla kiiskaas, balse weli damaanad laguma sii deyn. Isaga ayaana sidoo kale beeniyay dacwaddaas.

    Chakraborty ayaa muddo bilooyin ah cambaareyn kala kulmeysay baraha bulshada iyadoo lagu eedeeyay inay daroogo bartay Rajput taas oo kalliftay inuu is dilo. Waxaa sidoo kale soo baxay shaki ah in la dilay jilaagaas.

    Balse qaar ka mid ah dhaqaatiirta ugu waaweyn Hindiya ayaa beeniyay in la dilay.

    Dr Sudhir Gupta, oo ka mid ah guddi dhaqaatiri ah oo kiiskaas baaray ayaa sheegay in Sushant uu is dilay.

    Xiriirka Chakraborty iyo Rajput ayaa bilowday sanadkii hore sida ay wararku sheegayaan, bishii December ayayna guri isla degeen.

    Waxaa soo baxay warar sheegaya in 8-dii June, toddobaad kahor geeridii Sushant, ay Chakraborty aadday guriga waalidkeed, isla markaana aysan jilaaga la joogin markii dhimanayay.

  4. Maxaa September ka dhigay bishii ugu kululeyd dunida?

    heerkulka cimilada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cimilada sii kululaaneysa ee dunida ayaa sababtay in dab uu ka kaco keymaha gobolka California, Mareykanka

    September waxay ahayd bishii ugu kululeyd dunida, sida laga soo xigtay ha`adaha saadaasha hawada.

    Waxay qiyaastii cabbir ahaan 0.05C ka kululeyd bishii September sanadkii hore.

    Saynis yahannada ayaa sheegaya in tani ay caddeyn u tahay in qiiqa hawada lagu sii daayo uu sii kululeeyo heerkulka dunida.

    Copernicus, oo ah hay`adda Midowga Yurub u qaabilsan saadaasha hawada ayaa sheegtay in heerkulka cirifka Siberia uu kor uga sii kacayo intii caadiga ahayd.

    Waxay sidoo kale sheegtay in badda barafka leh ee cirifkaasi ku taalla

    Sanadkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inuu noqonayo kii ugu kululaa ee soo mara Yurub, xitaa haddii uu heerkulku qaboobo wixii haatan ka bilowda.

    Cimilada dunida ee sii kululaaneysa ayaa sababtay in dab uu ka kaco keymaha California ee dalka Maryekanka iyo Australia.

    Waxay sidoo kale ka qeyb qaadatay in heerkulka Dooxada Dhimashada uu hal maalin gaaro 54.4C (130F) taas oo noqotay maalintii ugu kululeyd taariikhda.

    Waxay cimilada sii kululaaneysa sidoo kale sababtay daadadka ka dhacay koofurta Faransiiska, kaddib roobab xooggan oo maalin gudaheed ka da`ay dalkaas.

    Waaxda saadaasha hawada Faransiiska ayaa sheegtay in roobabkaas oo kale boqolkii sanaba mar la filan jiray, balse ay haatan toddobaad gudihiis labo jeer ka da`een dalkaas.

  5. Itoobiya: Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay xiriirka u jarto gobolka Tigray

    Tigray

    Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in Dowladda Federaalka ay xiriirka u jarto hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku yaalla, kaddib xurguf soo kala dhex gashay oo ku aaddan doorashada dib loo dhigay.

    Go`aankan micnihiisu maaha in xiriirka ka dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa iyo gobolka Tigray uu gebi ahaanba go`ayo. Dowladda Federaalka ayaa la sii shaqeyn doonta maamullada hoose ee gobolka sida maayarrada iyo xildhibaannada deegaanka, iyadoo siin doonta adeegyada aasaasiga ah ee gobolku u baahan yahay.

    Balse waxaa laga yaabaa inay joojiso lacagihii ay siin jirtay sida baarlamaanka Tigray.

    Dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan weli ka jawaabin arrintaas.

    Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaraar ka soo baxay Aqalka Sare ee dalkaas uu ku laalay doorashooyin-goboleedkii uu qabsaday gobolka Tigray 9-kii bishii September kuna tilmaamay inay ahayd mid sharci darro ah.

    Xisbiga (TPLF) eek a taliya gobolka ayaa muddo-xileedka loo dheereeyay xukuumadda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku ekeyd 5-tii bishan October – ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyagoo intaas ku daray in gobolku uusan ka amar qaadan doonin dowladda Federaalka.

    Xisbiga TPLF ayaa u yeeray xubnaha kaga jira dowladda. Afhayeenka Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ku hanjabay in ciidamo ka socda federaalka loo diri doono gobolka.

    Doorashada Itoobiya ayaa la qaban doonaa bisha September sanadka soo socda.

  6. Daadadka Suudaanta Koofureed ‘waa kuwii ugu ba`naa muddo 60 sano ah’

    South Sudan

    Xigashada Sawirka, ALBERT GONZALEZ FARRAN/AFP/Getty Images

    Tirada khasaaraha ka dhashay daadadka Suudaanta Koofureed ayaa gaartay 10 qof.Shantii bishan diyaarad sidday koox dowladda ka socota oo ku wajahneyd gobolka Jonglei ee bariga dalkaasi ku yaalla si ay u qiiyeemaan daadadka ayaa ku guul darreysatay inay caga dhigato garoonka Fangak, oo gebi ahaanba ay daadadku harqiyeen.

    Sida laga soo xigtay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee (WFP),ilaa 700,000 oo qof ayay daadadku saameeyeen.

    Xaafadaha waxaa fadhiya daadad, kuwaas oo saameeyay dadka iyo xoolaha. WFP ayaa sheegtay in daadadkan loo maleynayo inay yihiin kuwii ugu ba`naa abid ee ka dhaca Suudaanta Koofureed muddo 60 sano ah.

  7. Gabar yar oo ku jirtay xero qaxooti oo muddo dheer kaddib la midowday qoyskeeda

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Gabar agoon ah oo shan sano jir ah oo ku xayirneyd xero qaxooti oo Suuriya ku taalla ayaa dib ula midowayso qoyskeeda oo ku nool Canada kaddib olole bilooyin qaatay.

    Gabadhan yar oo lagu magacaabo Amiira ayaa waxaa la aaminsanyahay in waaliddiinteeda ay ka mid ahaayeen dad u janjeera dhanka kooxda isugu yeertay Dowladda Islaamka.

    Adeerkeed oo ku nool Canada ayaa ku booqday xero qaxooti isagoo u ololeynaya in la geeyo Canada. Hase ahaatee muddo afar bilood ah dowladda waxay u aragtay tallaabo adag si loo soo celiyo.

    Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Justin Trudeau ayaa sidoo kale aragtidiisa ka dhiibtay kiisakan . "Hadda xaaladda waa mid aad khatar u ah in saraakiisha Canada ay galaan Suuriya iyo xeryahaas qaxootiga," ayuu u sheegay CTV News bishii Diseembar, 2019.

    Bishii July, qareen u doodaya qoyskeeda ayaa codsi u gudbiyay maxkamadda federaalka isagoo ku eedeynaya in dowladda ay ku xadgudbeyso xuquuqdeeda muwaadinnimo.

    Maalintii Isniintii, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Canada Francois-Philippe Champagne ayaa sheegay in gabadha dib ay ula midoobayso qoyskeeda ku nool Canada, wuxuuna ka codsaday saxaafadda inay ixtiraamaan xogta gaarka ah ee qoyska.

    "Haatan waxaan diiradda saareynaa ilaalinta maclumaadka gaarka ah ee gabadhan yar iyo in ay hesho taageerada iyo daryeelka loo baahan yahay si ay nolol cusub uga bilodwdo halkan Canada."

    Bishii Juun, hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch, waxay ku dhaleeceysay Canada inay ku guul darreysatay inay dib u celiso Tiro muwaaddiniin ah - oo ay ku jiraan ugu yaraan 26 carruur ah - oo la sheegay inay xiriir gaar ah la leeyihiin kooxda isugu yeertay Dowladda Islaamka ah (IS).

    Amira waxaa lagu hayey xerada qaxootiga ee al-Hawl, halkaas oo ay ku jiraan kumannaan katirsan xubnaha IS.

  8. Kenya oo ku dhawaaqday xilliga la furayo iskuullada

    Iskuullada Kenya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Fasallada iskuullada qaar ayaa isku beddelay goobo digaagga lagu xannaaneeyo

    Kaddib bilooyin ay xirnaayeen iskuullada Kenya sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee Covid-19, ayaa waxaa haatan la shaaciyay in la furi doono 12-ka bishan October.

    Wasaaradda Waxbarashada Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday in ardayda Grade 4, fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe iyo kan afaraad ee dusgiga sare ay yihiin kuwa ugu horreeya ee ku laaban doona iskuullada.

    Wasiirka Waxbarshada George Magoha, ayaa warsaxaafadeed uu soos aaray ku sheegay in xilli-dugsiyeedka labaad ee ardaydaas uubilaaban doono 12-ka bisha uuna ku egyahay 11-ka December.

    Ardayda ayaa fasax geli doona 24-ka December ilaa 1-da January, iyadoo xilli-dugsiyeedka sadedxaadna uu bilaaban doono 4-ta January ilaa 13-ka March.

    Imtixaanaadka qaranka Kenya ayaa iyaguna la sheegay inay bilaaban doonaan March 2021, iyadoo imtixaanka dugsiga hoose ee KPCE uu bilaaban doono 22-ka March uuna dhammaan doono 24-ka March, halka imtixaanka sare ee KCSE uu bilaaban doono 25-ka March uuna ku egyahay 4-ta April.

  9. COVID-19 : Diyaaradda ugu weyn Afrika oo caymis caafimaad siineysa rakaabkeeda

    Itoobiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda Ethiopian airlines ayaa ku dhawaaqday in caymis caafimaad ay siineyso rakaabkeeda, duullimaadyada dibadda.

    Diyaaraddan oo ah tan ugu weyn Afrika ayaa shaacisay qorshana iyadoo dalal badan oo caalamka ah ay isku dadayaan inay dib u bilaabaan duullimaadyada. Weriyaha BBC-da Kalkidan Yibeltal ayaa sheegaya in shirkaddi ay ka mid tahay shirkadaha yar ee dunida ee ku guuleystay inay xakameeyeen khasaaraha ka dhashay coronavirus.

    Shirkadda ayaa rakaabka ka bixineysa caymis caafimaad oo dhan boqol kun oo yuuro, iyadoo sidoo kale rakaabka laga helo xanuunka iyagoo ku safraya diyaaradda laga helo ka bixineysa lacagta ku baxaysa karantiilka labada toddobaad.

    Diyaaradda ayaa khasaartay $900 milyan inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah, balse qeyb ka mid ah lacagtaas ayay soo celisay iyadoo diyaaradaheeda u beddeshay kuwo qaada xamuulka.

    Toddoba iyo labaatan ka mid ah diyaaradaheeda ayaa loo beddelay kuwa qaada xamuulka.

    Waxay haatan diyaaraddu isku dayeysaa inay dib u qaaddo rakaabka, kuna soo jiidato caymiska caafimaad.

    Adeegga caymiska caafimaad ayaa sii socon doonaa ilaa March 2021.

  10. Ciidamada Soomaaliya oo howlgallo ka wada deegaanno ka tirsan Shabeellooyinka

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Somali, Mogadishu
    Al-Shabaab

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa wali hawgal ka wada deegaanno u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

    Meelaha qaar saaka iska hor imaadyo ayaa la soo weriyay kuwaas oo dhexamaray ciidamada iyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

    Ciidamada milatariga ayaa Al-Shabaab shalay kala wareegay tuulada istiraatiijiga ah ee Basra ee u dhaxaysa magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, waxayna hadda isku fidiyeen waddada dheer ee labadaas degmo u dhaxaysa.

    Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallada goosgooska ah ee dhexmaraya ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab oo soo bilowday shalay barqadii.

  11. Itoobiya: Ayax fara ba`an ku haya Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Xafiiska beeraha ee Deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya ayaa cabsi aad u weyn ka muujiyay ayax markii labaad ku habsaday degmooyin ka mid ah deegaanka inuu waxyeello baaxad leh u geysto dalagga, maaddaamaa uu ayaxu ku habsaday degmooyinka wax soo saarka beeraha ku habboon. Madaxa xafiiska beeraha ee Deegaanka Soomaalida Dr Cabdulqaadir Iimaan Sheekh Maxamed ayaan ka wareysannay xaaladda ayaxa iyo sameynta uu geystay, wuxuuna u warramay Axmed Badar.

    Qoraalka Codka, Ayaxa ayaa ku habsaday degmooyinka beeraha ku habboon
  12. UNOCHA: Dadka ay sanadkan saameeyeen daadadka Bariga Afrika waxay lix-laab ka badan yihiin tirada sanadihii hore

    Daadad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tirada dadka ay saameeyeen daadad xilliyeedka Bariga Afrika ayaa lix-laab kordhay shanti sano ee la soo dhaafay, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo ay BBC-du heshay.

    Ku dhowaadlix milyan oo qof ayay sanadkan daadadku iyadoo 1.5 milyan oo qof ay ka qaxeen gurayhooda. Qeybo ka mid ah gobolka ayaa waxaa ka da`ay roobabkii ugu xoogganaa ee da`a muddo hal qarni haatan laga joogo.

    Xasiifka QM ee Isku-xirka Arrimaha Bani`aadannimada (UNOCHA) ayaa sheegtay in sanadkii 2016, ay in ka badan hal milyan oo qof saameeyeen daadadka iyadoo guryahooda iyo ganacsiyadooduba ay waxyeello gaartay.

    Sanadkii la soo dhaafayna, tiradaas ayaa kor ugu kacday afar milyan oo qof. Sanadkan waxay tiradu u dhowdahay lix milyan.

    Ku dhowaad dhammaan gobollada Sudan waxaa ka dhacay daadad bishii July. Waxaa sidoo kale la mid ah qeybo ka tirsan Itoobiya iyo Suudaanta Koofureed.

    Saynisyahannada ayaa aaminsan in kululaanshaha Badweynta Hindiya ay qeyb ka tahay roobabka xooggan.

  13. Singapore oo lacag ku bixineysa caruurta dhalata

    Singapore

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Singapore ayaa bixineysa lacag si ay dadka ugu dhiirrigeliso inay carruur dhalaan, inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah ee coronavirus.

    Waxaa laga walaacsan yahay in dadweynuhu ay iska daayaan carruur dhalidda, xilli ay la daalaa dhacayaan culeys dhaqaale iyo shaqo la`aan.

    Weli lama shaacin caddadka lacagta la siinayo qofka.

    Singapore waa mid ka mid ah dalalka ugu hooseeya dunida marka la eego ilmo dhalitaanka, waxayna in muddo ah la daalaa dhacaysay sidii ay sare ugu qaadi lahayd.

    Taas si ka duwan, dalalka ay deriska yihiin ee Filibiin, iyo Indonesia ayaa isku dayaya inay xakameeyaan haweenka uurka qaadaya inta lagu guda jiro xayiraadaha ay dalalkooda ku soo rogeen sababo la xiriira cudurka coronavirus.

    Singapore ayaa haatanba waaliddiinta marka ay carruur dhalaan siisa lacag dhan S$10,000 ($7,330, £5,644).

    Dalal badan oo qaaradda Aasiya ku yaalla ayaa waxaa sidoo kale la soo dersay hoos u dhac dhanka carruur dhalidda ah, inta lagu guda jiro xanuunkan safmarka ah.

    Horraantii sanadkan, xaddiga ilmo dhalidda dalka Shiinaha ayaa meeshii ugu hooseysay gaartay, muddo 70 sano ah. Iyadoo hoos u dhacan la shaaciyay xilli uu dalkaasi khafiifisay siyaasadda la cambaareeyay ee halka cunug.

  14. Muqdisho: Warbaahinta dowladda oo loo beddelayo mid dadweyne

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Somali, Mogadishu
    Warbaahinta dowladda

    Xigashada Sawirka, Radio Mogadishu

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhaqan galaya in warbaahinta dawladdu leedahay loo beddelo warbaahinta dadweynaha ama bulshada si ay si isku mid ah ugu tebiso wararka dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaybaha kale ee bulshada.

    Sida uu dhigayo xeerka saxaafadda ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Soomaaliya qodobkiisa 32-aad waxaa adeegga warbaahinta bulshada ama dadweynuhu ka madax bannaan yahay danaha mas`uuliyiinta dowladda, farogelin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa warbaahinta.

    Sidoo kale xeerku wuxuu dhigayaa in warbaahinta dadweynahu ay noqoto mid dhexdhexaad ah, xorna ka ah u xaglin siyaasadeed isla markaana aan buunbuunin u samayn urur siyaasadeed, hay’adaha dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed.

    Warbaahinta hadda jirta ee ay dawladdu leedahay sida Telifishanka Qaranka, raadiyaha, Wargeyska Dalka iyo boggaga Internet-ka dhammaantood waxay tabiyaaan wararka iyo sheekooyinka magaca iyo sumcadda madaxda dawladda kor u qaadaya iyagoo iska diida dhaliilaha ka imaanaya bulshada iyo ururrada mucaaradka ah ee ku aaddan siyaasadda dowladda iyo madaxdeeda.

  15. Madaxweynaha Itoobiya oo ballan qaadday doorasho si xor iyo caddaalad ah ku dhacda

    Itoobiya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Sahle-Work Zewde waa haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyna ka noqota Itoobiya

    Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa ballan qaadday in doorashada soo socota ee dalkaasi ka dhici doonta ay noqon doonto mid xor ah oo si caddaalad ah loo qabto.

    Itoobiya ayaa qaban doonta doorashooyinka kahor bisha September ee sanadka soo socda.

    Madaxweynaha ayaa sheegtay in isbeddello lagu sameeyay guddiga doorashooyinka si loo hubiyo madax bannaanidooda.

    Madaxweyne Sahle ayaa kalfadhiga baarlamaanka dalkaas ka sheegtay in dowladdu ay hubin doonto nabadda, xasiloonida iyo ammaanka dalkaas.

    Muddo-xileedka dowladda haatan jirta ayaa la kordhiyay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

    Gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray ayaa qabsaday doorasho-goboleedka, isagoo diiday amarka dowladda federaalka.

    Ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.

  16. Waa kuwee labada haween ee loo saadaalinayo madaxtinnimada Ururka Ganacsiga Adduunka?

    WTO
    Qoraalka sawirka, Aamina Maxamed, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya

    Ururka Ganacsiga Adduunka ayaa lagu wadaa inuu shaaca ka qaado labada qof ee isugu soo haray wareegga ugu dambeeya ee tartanka madaxtinnimada ururka.

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya, safiir Aamina Maxamed ayaa ka mid ah shan musharrax oo isugu soo haray wareegga labaad.

    Wasiirkii hore ee ganacsiga Nigeria Ngozi Okonjo-Iweala ayaa loo badinayaa in wareegga ugu dambeeya ay Aamina Maxamed kula tartanto kurisga madaxtinnimada WTO.

    Musharraxiinta kale ee u tartamaya waxaa ka mid ah Yoo Myung-hee oo Kuuriyada Koofured ka soo jeedda, Mohammad Maziad Al-Tuwaijri oo Sacuudiga u dhashay, iyo Liam Fox oo UK ka socda.

    Waxay doonayaan inay beddelaan madaxa ururka ee haatan Roberto de Azevedo, oo Brazil ka soo jeeda kaas oo xilka hayay tan iyo sanadkii 2013.

  17. Ciidammada dowladda oo Shabaab kala wareegay tuulo istiraatiiji ah

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu
    Reuters

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa dagaal muddo kooban socday kadib qabsaday tuulada Basra oo qiyaastii 14 km galbeed uga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab.

    Hawgalka lagu qabsaday Basra oo bilowday barqadii maanta ayaa inta aanay caadamada dawladdu galin waxay dagaal ku galeen deegaanka la yiraahdo Daniga oo aan ka fogeyn Basra markaas oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay qaraxyo iyo weerarro toos ahba la beegsatay ciidanka sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka. Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka Basra lagu qabsaday mana jiro waxa warra oo ka soo baxay labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray.

    Basra ayaa ah tuulo istiraatiiji ah oo isku xirta degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, waxana intii muddo ahba gacanta ku haysay Al-Shabaab oo u adeegsan jirtay goob ay dadka ugu yeerto gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho iyo Balcad si ay awaamiirteeda u fuliyaan.

  18. Gobolka Tigray ee Itoobiya oo ku hanjbay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka

    Tigray
    Qoraalka sawirka, Dowladda gobolka Tigray ayaa wacad ku martay inay difaaci doonto dhulka ay maamusho

    Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, laga bilaabo maanta oo ay ku ekeyd xilliga dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada.

    Hanjabaaddaas ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas.

    Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto.

    Madaxweynaha Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta khudbad u jeediso baarlamaanka.

    Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.

  19. Covid-19: Trump ma wuxuu fayraska fahmay markuu ku dhacay kaddib?

    coronavirus

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu "wax badan ka bartay Covid" maalmihii la soo dhaafay.

    "Waxaan bartay markaan galay iskuulka. Kani waa iskuulka runta ah," ayuu ku yiri farriin uu soo diray wax yar kahor inta uusan dibadda uga bixin isbitaalka Walter Reed Medical Center, ee haatan lagu dabiibayo

    "Wuu igu dhacay, waana garwaaqsaday. Waana wax aad u xiiso badan, waan idinla soo socdsiin doonaa dhammaan waxa ku saabsan.

    Covid-19 ayaa halis gaar ah u lahaan kara madaxweynaha oo 74 sano jir ah aadna u cayilan. Waxaa ilaa iyo hadda lagu daweeyay dawo tijaabo ah oo loogu talagalay fayraska korona balse aan wali la ansixinin.

  20. Coronavirus: Wasiir raalligelin ka bixisay amar ay bulshada siisay oo uu ninkeeda jebiyay

    coronavirus

    Xigashada Sawirka, Athit Perawongmetha/Reuters

    Qoraalka sawirka, Kang Kyung-wha, wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Koofureed

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koofureed Kang Kyung-wha ayaa raalligelin bixisay kaddib markii ninkeeda uu u safray Mareykanka si uu u soo iibsado Markab nooca raaxada ah – isagoo jebiyay talooyinkeeda ku aaddan safarka.

    Lee Yill-byung, oo wax ka dhiga Jaamacadda Yonsei, ayaa Sabtidii lagu arkay Garoonka Caalamiga ah ee Incheon, isagoo ku sii jeeday Mareykanka.

    Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu u socdo dalxiis.

    “Coronavirus kuma dhammaan doono maalin ama labo maalin gudahood. Guriga iskama fadhin kartid maalin walba, marka sidaan qabo, si caadi ah ayaad isaga noolaan kartaa adiga oo taxadaraya,” ayuu yiri Lee.

    Sida ay wararku sheegayaan wuxuu Mareykanka u aaday inuu ka soo iibsado Markab nooca raaxada ah.

    Si kastaba, tan iyo bishii March, wasaaradda arrinmaha dibadda dalkaas ayaa shacabka ku boorrisay inay ka baaqsadaab safarrada dibadda ee aanan muhiimka ah inta lagu guda jiro xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

    "Waan ka xumahay in tani ay dhacday xilli ay dadku iska deynayaan safarrada dibadda,” ayay tiri Ms Kang.

    Mar wax laga weydiiyay inay ninkeeda u sheegi doonto inuu soo laabto, Ms Kang ayaa tiri: "Wuxuu safarka qorsheeyay muddo dheer kahor, dhowr jeer ayuuna dib u dhigay, sidaas darteed way igu adag tahay inaan u sheego inuu soo laabto."