Nin 29 jir ah oo abihii maxkamad geeyay si lacag looga qaado

Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Weerar lagu qaaday saldhigga ciidammada Mareykanka ee Balli-doogle

    Waa sawir laga soo qaaday Balli-doogle sannadkii 1992-kii, saldhigga Mareykanka ee lagu tabbabaro ciidammada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, ALAMY

    Qoraalka sawirka, Waa sawir laga soo qaaday Balli-doogle sannadkii 1992-kii, saldhigga Mareykanka ee lagu tabbabaro ciidammada Soomaaliya

    Waxaa lagu soo warramaya in weerar lagu qaaday saldhigga ciidammada militariga Mareykanka ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

    Wararka waxay sheegayaan in baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay saldhigga.

    Qaraxyo xooggan iyo rasaas ayaa laga maqlay garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.

    Balli-doogle waxaa ku sugan ciidammo Mareykan ah oo tabbabar siiyo ciidammada Soomaaliya ee ku sugan halkaas.

    Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday saldhigga ciidammada Mareykanka ku leeyihiin Balli-doogle.

    Taliska ciidanka Soomaaliya wuxuu sheegay in weerarka ay ka hortaggeen isla markaasna ay iska caabiyeen kooxihii weerarka kusoo qaaday iyagoo kaashanayo ciidammada Mareykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

  2. Maxamed Bin Salmaan: Waan qaatay mas'uuliyadda dilka Jamaal Khaashuqji

    Maxamed binu Salmaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Maxamed binu Salmaan

    Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa ka digay in qiimaha lagu kala iibsado shidaalka adduunka uu sare u kacayo waa haddii dunida ay tallaabo ka qaadi weyso xukuumadda Iiraan.

    Maxamed Bin Salmaan wuxuu sheegay in dagaalka dhexeeyo Iiraan iyo Sucuudiga uu burburin doono dhaqaalaha caalamka kaddib weerarkii labo toddobaad ka hor lagu qaaday xarumihii shidaalka ee Sucuudiga.

    “Haddii dunida ay tallaabo adag ka qaadi weyso Iiraan, waxaan arki doonaa dhibaatooyin halis ku ah danaha dunida” ayuu yiri Maxamed Bin Salmaan.

    Isaga oo la hadlayay warbaahinta CBS, wuxuu sheegay in uu dusha saaranayo mas’uliyadda dilkii loo geeystay weriyihii reer Sucuudi, Jamaal Khaashuqji.

    “Haddii aan ahay hogaamiyaha Sucuudiga, waxaan qaatay mas’uuliyadda dilkii Kashaaquji gaar ahaan marka ay timaaddo dilka inay ku lug lahaayeen shakhsiyaad la shaqeynayay dowladda Sucuudiga”

    Balse, wuxuu beeniyay inuu kasoo fulay amarkii lagu dilay weriye Jamaal Kaashuqji isla markaasna uusan wax war ah ka heyn arrintaas.

  3. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 30-ka bisha September 2019-ka.