Hogaamiyeyaasha cusub ee Suudaan oo la filayo in xilka loo dhaariyo
Dowladda kumeel gaarka ah ay ku dhawaaqeen mucaaradka iyo golaha militariga Suudaan ayaa la filaya in saacadaha soo socda ay xilka si rasmi ah ula wareegaan.
Waxaana sidoo kale lagu wadaa in xilalka loo dhaariyo mas’uuliyiinta hoggaamin doono dowladda kumeelgaarka ah saddexda sanno ee so socota.
Taliyeyaasha militariga iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa isku afgartay in la dhiso dowlad rayid ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir.
Golahan ayaa ka kooban lix ruux oo shacab ah iyo shan sarkaal oo milatariga ka tirsan, waxaana marka hore hoggaanka u qaban doono Janaraal Cabdulfatax Cabdulraxman Burhan.
Waxaa uu hogaamin doonta dowladda 21 bilood ee nagu soo aadan, waxaana xilka kala wareegi doonaa mucaaradka ilaa laga gaarayo doorashada sannadka 2022-ka.