You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Hoggaamiya kooxeed hore oo loo magacaabay duqa magaalada Muqdisho

Kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Caro ka dhalatay markii dowladda Kenya amar ku bixisay in la xiro goobaha laga daawado ciyaaraha

    Dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in la xiro dhammaan goobaha laga daawado ciyaraaha maalmaha Sabtida iyo Axadda xilli dalkaas caawa uu si rasmi ah uga bilaabanayo tirakoobka qaran ee guud ahaan lagu tirinayo shacabka dalkaas.

    Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Fried Matiangi ayaa shaaca ka qaaday in marka la gaaro galabkii albaabada laisugu dhufto goobaha laga daawado ciyaaraha iyo goobaha kale ee maddadaalada si saraakiisha ku howlan tirakoobka ay ugu fududaato howshooda.

    Waxaa tallabaadan si weyn uga carooday dadka jecel daawashada ciyaaraha xilli Sabtida iyo Axadda ay socdaan ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

    Reer Guuraaga Soomaalida siduu u saameyneynaa tira koobka Kenya?

    Maalmo ayaa ka harsan xilliga uu billaabanayo tirakoobka guud ee dalka Kenya ee lagu ogaanayo tirada bulshada ee ku nool dalkaas. Haddaba waxaa soo baxaya walaac ay qabaan dadka xoola dhaqatada ah.

    Gobolka Waqooyi bari ee ay Soomaalida degto waxay dadkiisa u badan yihiin xoolo dhaqato, waxaana xilligan ka jirta abaar baahsan oo sababtay in xoola dhaqatada ay u kala hayamaan meelo kala duwan.

    Hoggaamiyayaasha laga soo doorto gobolka waqooyi bari waxay walaac ka muujiyeen xilliiga uu tirakoobka ku soo hagaagay iyo in ay ka cabsi qabaan in dad badan oo xoolo dhaqato ah aysan ka qaybqaadan.

    Qaar ka mid ah dadka xoola dhaqatada gobolka ayaa la sheegay in xitaa xadka ka talaabeen abaarta darteed.

    Sanatarka laga soo doortay deegaanka Wajeer, Dr Cabdullaahi ibraahim Cali, oo arrintan ka warramay ayaa sheegay in xilliga la joogo ay taaganyihiin abaaro ayna saamayn ku yeelanayso tirinta dadka Soomaalida.

    "Wakhtiga hadda la jooga dhibaato badan ayaa jirto, dadkii waa xoolo dhaqato weyna kala maqanyihiin oo qof walba meesha uu xoolahiisa wax uga heli karo ayuu aaday, meelaha ay aadeenna maahan meelo aan tirakoobka laga sameyn karin, marka walaaca aan qabno ma yaro, waxaa sidoo kale jira culays dhanka dowladda dhexe ah." Ayuu yiri Senatar Dr Cabdullaahi.

    Hase yeeshe, shacabka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa walwal ka muujiyay tirakoobka sannadkan, iyagoo sheegay inaan la gaari karin meelaha ay deggan yihiin dadka qaarkood, taas oo sabab u ah abaaro baahsan oo ka jira qeyba badan oo kamid ah gobolka.

    Abaarta waxay sababtay in dadka reer guuraaga ah ay daaq iyo biyo ugu raadiyaan xoolahooda, waxayna aadeen meelo fogfog sida dalalka deriska ay ka mid yihiin.

  2. Ha'yadda WHO: Ma dhawo xilliga la ciribtirayo Malaariyada

    Dhaqaatiirta ku takhasustay cudurka Duumada ayaa ka digtay in dunida aysan u suurtogaleyn dadaallada lagu xakameynayo cudurka iyadoo la adeegsanayo tallaabooyinka hadda jiro ee laisla meel dhigay si loo ciribtiro Duumada.

    Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxaa uu bartilmaameedku yahay inay hoos u dhigto boqolkiiba 90 kiisaska la xiriira dhimashada ay horseedda Duumada.

    Dhaqaatiirta iyo khuburrada caafimaadka waxay sheegayaan in wax horumaro ah aanan laga gaarin dadaallada lagu ciribtirayo cudurka Duumada.

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in sida Maro Kaneecada, dawooyinka laisaga buufiyo Kaneecada iyo dawooyinka hadda la adeegsado lasoo saaray tobonaan sanno ka hor.

    Waxay dhaqaatiirta soo jeediyeen tallaabooyin cusub oo looga hortaggayo Duumada taas oo ay ku baxeyso kharash gaarayo balaayin lacag ah.

    Cudurka Duumaada ayaa kamid ah cudurrada ugu halista badan dunida, sannadka kasta a 400,000 qof oo carruur u badan ayuu ku dilaa qaaradda Afrika.

    Guud ahaan dunida, waxaa hakad galay dadaallada lagu ciribtirayo Duumada.

  3. Kuuriyada Waqooyi oo cadaadis ku saareyso Mareykanka inuu cunaqabateynta ka qaado

    Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu halis geliyay mustaqbalka wadahadallada dhexmari karo xukuumadaha Washington iyo Pyongyang, hadalka wasiirka Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqdaa mid jawaab u ah hadal uu sheegay Mike Pompeo oo ahaa in maamulka madaxweyne Trump uu xoojin doono cunaqabateynt dhaqaale uu kusoo roggay Kuuriyada Waqooyi tan iyo inta Kuuriyada Waqooyi ay ka qaadeyso tallaabooyin ay ku buruburineyso barnaamijkeeda Nukliyeerka.

    Mr Ri waxaa uu sheegay in xuukuumadda Kuuriyada Waqooyi ay diyaar u tahay kala dhaantaalidda riyada Mareykanka ee ah wadahadallada. Xukuumadda Pyongyang waxay u muuqata inay isku dayeyso inay cadaadiis ku saarto xukuumadda Washington si ay meesha uga saarto cunaqabateynta dhaqaale ee saaran ka hor wadahadallada.

    Waxaa uu ku hanjabay in Kuriyada Waqoyi ay si ahaan doonto halista ugu weyn ee Mareykanka waa haddii Mareykanka uu sii wado tallaabooyinka cunaqabateynta ah ee kusoo roggay dalkaas.

  4. Hogaamiyeyaasha caalamka oo walaac ka muujiyay dabka ka kaca keymaha Brazil

    Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa walaac ka muujinaya dhacdooyinka sii badanaya ee ku saabsan dabka ka kaca keymaha gobolka Amazon ee dalka Brazil.

    Baxaadda uu gaarsiisan yahay dabka ayaa muujinaya in boqolkiiba 80 ay sanadkan korortay dabka ka kaca Brazil, kaasoo inta badan ka kaca keymaha.

    Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres, ayaa sheegay in keymaha Amazon ay yihiin il muhiim ah oo laga helo maaddada Oxygen-ka, isla markaana ay tahay in la badbaadiyo.

    Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isaguna sheegay in arrintani ay tahay xaalad degdeg ah oo caalami ah, isagoo yiri “Gurigeenna wuu gubanayaa”.

    Balse madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa ka diiday hadalkaas, isagoo ku eedeeyay Mr Macron inuu wado faragelin uuna ku hadlayo luqaddii gumeystaha.

    Kooxaha deegaanka ayaa iyagu dabkaasi keymaha ka kaca ku eedeeyay siyaasadda madaxweynaha Brazil ee diirada saareysa koboca dhaqaale ee gobolka. Waxay sheegeen inuu madaxweynuhu ku dhiirrigeliyay beeraleyda in keymaha ay ka sameystaan beero.

    Mr. Bolsonaro ayaa dhankiisa sheegay in hay`adaha ajnabiga uu kaga shakisan yahay inay gubeen keymaha , si ay dowladiisa u carqaladeeyaan.

  5. Hoggaamiya kooxeed hore oo loo magacaabay duqa magaalada Muqdisho

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir u magaacaabay, Cumar Maxamuud Maxamed oo horey uga mid ahaa qabqablayaashii dagaal, waxaa uu sidoo kale soo noqday wasiir.

    Magacaabidda Cumar Maxamuud Maxamed oo loo yaqaano “Filish” ayaa imaaneysaa xilli dhawaan uu dhawaacii kasoo gaaray qaraxii lala beegsaday xarunta gobolka Banaadir uu u geeriyooday duqii hore magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow).

    Cumar Filish waxaa uu kamid ahaa dagaal oogayaashii ka arrimin jiray magaalada Muqdisho ilaa uu ka noqdo wasiirkii arrimaha diinta ee dowladdii kumeel gaarka aheyd sannadkii 2004-tii, waxaa uu xilka ka degay sannadkii 2009-kii.

    Raadiyaha dowladda oo soo xiganeyso madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Cumar Filish inuu yahay nin khibrad leh oo xilal kala duwan soo qabtay isla markaasna u qalmo inuu hoggaanka u qabta maamulka gobolka Banaadir.

  6. Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday Algeria

    Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabtay caasimadda Algeria ee Algiers, sida ay sheegeen dhaqaatiirta caafimaadka.

    Isbuurashada waxay ka dhacday afaafaka hore ee xarunta lagu qabanayay bandhig faneedka oo uu heeso ka qaadayay fanaanka caanka ah dalkaas, Cabdira’uuf Derradji oo sidoo kale loo yaqaanno “Soolking”.

    Waxaa dhacadadaas ku dhaawacmay ugu yaraan 20 qof oo kamid ahaa kumanaankii qof ee munaasabadda kasoo qeyb galay.

    Bandhig faneedka waxaa si toosah looga baahinyay telefishinka heesaha baahiya ee Algérie.

    Qaar kamid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa muuqaallada shilka soo geliyay.

  7. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Jimco taarikhda waxay ku beegan tahay 23-da bisha Agoosto sannadka 2019.

  8. Kala qeybsanaan soo kala dhexgashay musharrixiintii mucaaradka Jubbaland

    Sheekh Maxamed Shakuul oo kamid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa kasoo horjeestay doorashada maanta dib loogu doortay Axmed Madoobe iyo midda kale ay mucaaradka ku doorteen Cabdirashiid Maxamed Xidig.

    "Maanta sey wax u dhaceen aad ayaa uga xunahay, in maanta Kismaayo ay kasoo baxeen labo madaxweyne runtii arrin aad u fool xun weeye....anagu kuma faraxsanin arrinkaa isaga ah tan lagu doortay madaxweyne Axmed in hannaanka ay ku socotay uusan dastuurka waafaqsaneyn...tan kale waa ay kasii daran tahay" ayuu yiri Sheekh Shakuul.

    Waxaa uu ku baaqay in wadahadallo lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay doorashada Jubbaland.

    Hadalka Maxamed Shakuul ayaa imaanaya xilli maanta magaalada Kismaayo lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka musharraxiinta mucaaradka ay sheegeen inay iyagana ay madaxweyne u doorteen Cabdirashiid Xidig.

  9. Maxkamadda sare ee Puntland oo ayidday xukunkii lagu riday raggii loo xiray dilkii Caasha yar

    Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta taageertay go'aankii dilka ee maxkamadda darajada koowaad iyo midda racfaanka.

    Xukunka horey loogu riday raggan ayaa ahaa dil toogasho ah. Cadeynta maxkamadaha la horgeeyay ayaa loo adeegsaday baarintaanka dhiigga Hida-Sidaha ee laga qaaday maydka gabadha la dilay iyo ragga laga shakiyay.

    Dilkii foosha xumaa iyo kufsiga loo geystay Caa'isha Ilyaas Aadan oo 12 jir ahayd ayaa sababay dibadbaxyo in ay ka dhacaan magaalada Kaalgacyo iyo magaalooyiinka kale ee Puntland.

    Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

    Sabtidii la soo dhaafay, mid ka mid ah raggan ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu qeyb ka ahaa kufsiga Caa'isha balse isaga uusan soo afduubin.

  10. Mucaaradka Jubbaland oo sheegay inay "madaxweyne dorteen"

    Musharraxiinta mucaaradka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay doorteen madaxweyne cusub. Waxay xilka u dhaariyeen Cabdiraashid Xidig.

    Waxay taas imaaneysaa iyadoo Axmed Madoobe mar kale loo doortay xilkaas.

    Hannaanka doorashada jubbaland ayaa ahaa mid aad la isugu khilaafay. beesha caalamka waxay dhinacyada ishaya ka dalbadeen in ay ka fogaadan wax kastoo rabsho sababi kara.

  11. Natiijada doorashada madaxweynaha Jubbaland oo lagu dhawaaqay

    Waxaa hadda soo idlaatay tirinta codadka doorashada madaxweynaha Jubbaland. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in doorashada uu ku guuleystay Axmed Maxamed Islaam oo helay codad gaarayo 56.

    Waxaa uu kusoo baxay wareega koowaad ee doorashada.

    Axmed Madoobe ayaa isla markiiba loo dhaariyay xilka madaxweynaha cusub ee Jubbaland.

  12. Tirinta codadka wareega koowaad ee doorashada oo bilaabatay

    Waxaa hadda la tirinaya codadka doorashada madaxweynaha Jubballand, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadda tirinaya codadka ay xildhibaanada dhibteen.

  13. Doorashada Juballand oo bilaabatay

    Waxaa hadda si toos ah magaalada Kismaayo uga socotaa doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, xildhibaanada ayaa hadda codeynayaa.

    Doorashadan waxaa ku tartamaya ilaa afar musharrax uu kamid yahay madaxweyanaha hadda xilkiisa uu dhamaaday ee Jubbaland Axmed Madoobe.

  14. Amniga Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo aya sheegaya in amniga aad loo adkeeyay, jidadka magaaladana lagu arkayo ciidammo badan.

    Sida ay Sheegeen dad ku nool magaalada, “waxaa la joojiyay isu socodka gaadiidka, waxaana la ogol yahay dadka lugeynayo oo keliya ah.”

    Arrintan waxay imaaneysaa iyadoo laa filayo in maanta magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland, inkastoo weli aan laga heshiin khilaafka siyaasadeed.

    Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Jubaland Xamze Cabdi Bare ayaa BBC u sheegay in “doorashada howleheeda ay si wanaagsan ku socdaan, ayna soo gebageboobi doonta isla maanta”.

    Dolwadda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aanay “aqoonsan doonin doorashada iyo natiijada ka soo baxda”.

    Balse Guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay “in ay u shaqeeyaan sida uu dastuurka Soomaaliya qabo”.

    Tallaabadan waxay imaaneysaa iyadoo beesha caalamka ay ku taliyaan in “dhinacyada is haya ay ka fogaadaan wax kastoo sababi kara qalalaaso”.

    Dowladaha caawiya Soomaaliya ayaa ku baaqay in doorashada ay noqoto mid ay dhinacyada oo dhan ka wada qeyb galaan.

    Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo la hadlay Golaha Amniga ayaa sheegay “in ay sii wadayaan dhiiragelinta hal doorasho oo la isku waafaqsan yahay, iyadoo aysan dhicin halista sii kordheysa ee xasillooni darada ah haddii natiijada si adag loogu tartamo ”.

    “Qaramada midoobey iyo beesha caalamka waxay cadaadiyeen in dhinacyada oo dhan ay isugu tanaasulaan hal jid oo ay ku heshiiyeen, balse hadda waxaa wax laga xumado ah in waqtiga uu aad u yaryahay”, ayuu yiri Swan.

  15. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 22-ka bishan Agoosto sannadka 2019.

  16. Janaraal Cabdelfataax Burhaan oo loo dhaariyay xilka hogaaminta dowladda cusub ee Suudaan

    Hogaamiyaha militariga Suudaan, Janaraal Cabdelfataax Burhaan ayaa maanta loo dhaariyay madaxa dowladda kumeel gaarka ah ee Suudaan.

    Waxaa uu hogaamin doonaa golaha maamulka sare oo ka kooban lix qof oo rayid ah oo ka socda dhinaca mucaaradka iyo afar sarkaal oo militari ah saddexda sanno ee socota.

    Sidoo kale xubanaha kale ee ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ayaa maanta xilka loo dhaariyay kaddib munaasabad lagu qabtay aqalka madaxtoyada ee Suudaan.

    Dhaarinta hoggaamiyeyaashan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan mucaaradka iyo militariga ay wada gaareen heshiis lagu dhisayo dowlad kumeel gaar ah.

    Waxaana sidoo kale lagu wadaa in lasoo dhiso golaha wasiirada oo uu hogaamin doono ra'iisul wasaare cusub.

    Dowladdan cusub ayaa imaaneysa in ka badan afar bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Suudaan, Cumar Al Bashiir oo dalkaas ka talinayay ku dhawaad 30 sanno.

  17. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Kismaayo

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maanta magaalada uu rasmi ah uga hirgelay go'aan kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ahaa in la xiro dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo ee cir, dhul iyo badba.

    Saraakiil amniga qaabilsan oo ku sugan magaalada ayaa BBC u sheegay in saaka aysan kasoo degin diyaarada garoonka magaalada tan iyo markii go'aankaas uu kasoo baxay maamulka.

    Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo, waxaana halkaas la geeyay ciidammo badan, sida ay wararka sheegayaan.

    Waxaa magaalada Kismaayo la filayaa in berito ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan illaa afar musharrax.

    Dhanka kale, musharraxiinta mucaaradka waxay sheegeen in iyaguna Khamiista ay dooran doonaan madaxweyne.

    Doorashada Jubbaland waxaa ka dhashay khilaaf xooggan. Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay diiday in gebi ahaanba aqoonsato natiijada kasoo baxo doorashada Jubbaland.

    Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta deggan, waxaana meel kasta lagu arkaya ciidammada amniga oo howgallo ka sameynaya halkaas, sida ay BBC u sheegeen goobjoogayaal.

    Madaxweyanaha hadda xilka haya ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa markale.

  18. Ra'iisul wasaare ku-xigeenkii Qatar ee Muqdisho tegay oo madaxda Kenya la kulmay

    Ra'iisul wasaaraha ku-xigeenka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabduraxmaan Al-Thani oo dhawaan booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dalka Kenya kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma.

    Sheekh Maxamed ayaa Kenya kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeyo Kenya iyo Soomaaliya.

    Qoraal ay barta Twitter-ka soo gelisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya waxay ku sheegtay "Waxaan dib u eegis ku sameynay xiriirkeena isla markaasna waxaa xusnay horumarada aan gaarnay, waxaan isku waafaqnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal gaar ahaan arrimaha gobolka iyo caalamka"

    Booqashada ra'iisul wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan magaalada Muqdisho uu kulan kula yeeshay ra'iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ay ka wadahadleen sidii sare loogu qaadi xiriirka iskaashi ee kala dhexeeyo Qatar.

    Dowladda Qatar waxay shaaca ka qaaday inay bilaabeyso mashruuca lagu dhisayo dekedda magaalada Hobyo.

  19. In ka badan 200 maxaabiis oo ka baxsatay xabsi ku yaalla Indonesia

    Mas’uuliyiinta dalka Indonesia ayaa ku raad joogaa in ka badan 250 maxaabiis oo ka baxsatay xabsi ku yaalla gobolka galbeedka ku yaalla ee Papua.

    Isniintii ayay maxaabiista baxsadeen xilli dibadbaxyo ballaaran ay ka dhaceen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan, waxaana dab la qabadsiiyay dhismaha xabsiga.

    Rabshadahan ayaa ka bilaawday Indonesia kaddib markii ardey kasoo jeeda gobolka Papua xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inay qaddarin waayeen calanka Indonesia.

    Ciidammado boolis ah oo dheeraad ah ayaa la geeyay gobolka Papua xilli halkaas la filayo inay dibadbaxyo kale ka dhacaan.

    Kumanaan kamid ah shacabka ku nool gobolka Papua ayaa waxay Isniintii bannaanbaxyo ka dhigeen halkaas iyagoo ka careysan xiritaanka ardeyda.

    Afahayeen u hadashay wasaaradda caddaalladda Indonesia waxay sheegtay in dab la qabadsiiyay xabsigii ku yaallay Sorong.

    “258 maxaabiis ayaa ka baxsaday xabsiga, shan kamid ah ayaa dib ugu soo laabtay xabsiga maanta” ayay tiri Marlien Lande.

  20. Hogaamiyihii burcadda afduubka geeysata ee Nigeria oo la xiray

    Ninka looga shakisan yahay inuu yahay hogaamiyaha buracadda afduubka geeysata ee dalka Nigeria ayaa la xiray kaddib markii dhawaan uu ka badbaaday rasaas ay fureen ciidammada booliska iyo militariga.

    Booliska waxay sheegeen in Hamisu Bala Wadume lagu soo qabtay howgal ballaaran oo ay ka sameeyeen goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taalla gobolka waqooyiga dhaca ee Kano.

    Labo toddobaad ka hor, saddex sarkaal iyo qof rayid ahaa ayaa waxaa toogtay ciidammada militariga kuwaaso oo weeraray boolis baabuur ku waday ninkan si ay ugu xiraan saldhigga booliska ee gobolka.

    Xilliggaas, militariga Nigeria waxay ku khaldameen booliska oo ay u maleeyeen inay ahaayeen kooxaha afduubka geeysta.

    Wadume ayaa ahaa nin si weyn loo dondoonayya, waxaa uu ku lug lahaa dhacdooyin lagu afduubtay dad badan.