Caro ka dhalatay markii dowladda Kenya amar ku bixisay in la xiro goobaha laga daawado ciyaaraha
Dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in la xiro dhammaan goobaha laga daawado ciyaraaha maalmaha Sabtida iyo Axadda xilli dalkaas caawa uu si rasmi ah uga bilaabanayo tirakoobka qaran ee guud ahaan lagu tirinayo shacabka dalkaas.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Fried Matiangi ayaa shaaca ka qaaday in marka la gaaro galabkii albaabada laisugu dhufto goobaha laga daawado ciyaaraha iyo goobaha kale ee maddadaalada si saraakiisha ku howlan tirakoobka ay ugu fududaato howshooda.
Waxaa tallabaadan si weyn uga carooday dadka jecel daawashada ciyaaraha xilli Sabtida iyo Axadda ay socdaan ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska ee Premier League.
Reer Guuraaga Soomaalida siduu u saameyneynaa tira koobka Kenya?
Maalmo ayaa ka harsan xilliga uu billaabanayo tirakoobka guud ee dalka Kenya ee lagu ogaanayo tirada bulshada ee ku nool dalkaas. Haddaba waxaa soo baxaya walaac ay qabaan dadka xoola dhaqatada ah.
Gobolka Waqooyi bari ee ay Soomaalida degto waxay dadkiisa u badan yihiin xoolo dhaqato, waxaana xilligan ka jirta abaar baahsan oo sababtay in xoola dhaqatada ay u kala hayamaan meelo kala duwan.
Hoggaamiyayaasha laga soo doorto gobolka waqooyi bari waxay walaac ka muujiyeen xilliiga uu tirakoobka ku soo hagaagay iyo in ay ka cabsi qabaan in dad badan oo xoolo dhaqato ah aysan ka qaybqaadan.
Qaar ka mid ah dadka xoola dhaqatada gobolka ayaa la sheegay in xitaa xadka ka talaabeen abaarta darteed.
Sanatarka laga soo doortay deegaanka Wajeer, Dr Cabdullaahi ibraahim Cali, oo arrintan ka warramay ayaa sheegay in xilliga la joogo ay taaganyihiin abaaro ayna saamayn ku yeelanayso tirinta dadka Soomaalida.
"Wakhtiga hadda la jooga dhibaato badan ayaa jirto, dadkii waa xoolo dhaqato weyna kala maqanyihiin oo qof walba meesha uu xoolahiisa wax uga heli karo ayuu aaday, meelaha ay aadeenna maahan meelo aan tirakoobka laga sameyn karin, marka walaaca aan qabno ma yaro, waxaa sidoo kale jira culays dhanka dowladda dhexe ah." Ayuu yiri Senatar Dr Cabdullaahi.
Hase yeeshe, shacabka ku nool gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa walwal ka muujiyay tirakoobka sannadkan, iyagoo sheegay inaan la gaari karin meelaha ay deggan yihiin dadka qaarkood, taas oo sabab u ah abaaro baahsan oo ka jira qeyba badan oo kamid ah gobolka.
Abaarta waxay sababtay in dadka reer guuraaga ah ay daaq iyo biyo ugu raadiyaan xoolahooda, waxayna aadeen meelo fogfog sida dalalka deriska ay ka mid yihiin.