Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah gantaallada ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi
Warbixin ay soo saartay qaramada midoobay ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi $2 bilyan oo doolar ay ku xadday weerar xogaha la jabsado.
Warbixinta sirta ah ee qaramada midoobay ka soo baxday ayaa sheegeysa Piyongyang iney lacagahaasi ka jabsatay bangiyada iyo shirkadda sarrifka lacagaha.
Ila wareedyo xog ogal ah ayaa BBC u xaqiijiyey iney qaramada midoobay ay baaritan ku sameeysay 35 weerar oo la xiriira xogaha la jabsado.
Kuuriyada waqooyi ayaa talaadadi tijaabisay laba gantaal, tijabada gantaallada oo ah kii afaraad, laba toddobad gudahood.
Warmurtiyeed ka soo baxay xukumadda Piyongyang maanta oo arbaca ah ayaa lagu sheegay tijaabada gantaalladaasi iney yihiin digniin loo dirayo dhoollatuska ciidan ee ay sida wadajirka ah u sameeynayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Gabar diyaarad hawada mareysa ka soo dhacday oo meydkeeda la helay
Xigashada Sawirka, CUTLAND FAMILY
Qoraalka sawirka, Alanta Cutland
Gabar wax kabaraneysay jaamacadda Cambridge oo ka soo dhacday diyaarad yar oo mareysay hawada dalka Madagascar ayaa la sheegay in meydkeeda la helay.
Gabadhan shilkaasi ku geeriyootay oo lagu magacaabo Alanta Catland oo 19 jir ah waxay ka soo jeeddaa koonfurta bari ee Miltan Cays.
Gabadhan oo diyaaradda ka soo dhacday 1-da bisha August waxaa maalmihi la soo dhaafayba dhul keyma ah laga raadinayey meydkeeda.
Gabadha shilka waxay la kulantay diyaaradda oo hawada ku jirta marki ay albaaba diyaaradda furtay sidaana ay ku soo dhacday.
Alanta ayaa dalka Madagascar u joogtay daraasad la xiriirto takhasuska ay jaamacadda Cambridge ka baraneysay oo ay halkaasi ka sameeyneysay.
Daawo sawirada shirka magaalada Jigjiga
Rag ku eedeysnaa in ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo oo xukun dil ah lagu fuliyay
Xigashada Sawirka, SONNA
Maxkamadda
ciidamada ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka meel fagaare ah xukun
dil ah ku fulisay labo nin oo dhalinyaro ah oo ay horey maxkamaddu u sheegtay
in lagu helay dambiyo ay kamid yihiin qaraxyo iyo weerarro ka dhacay magaalada
Muqdisho oo ay dad badani ku dhinteen.
Eedaha ay
maxkamaddu sheegtay in raggan lagu helay waxa kamid ah weerarkii hotel Saxafi
ee dhacay sagaalkii bishii kow iyo tobanaad ee sanadkii hore ee 2018 halkaas oo
lagu dilay 32 qof. Sidoo kale Dambiyada ay maxkamadu sheegtay in dhalinyaradan
lagu helay waxa kamid ah weerarada loo adeegsado gaawrirada ee inta gaadiid
kale la isku beego la tacshiiradeeyo.
Dacwadda
raggan oo in muddo ahba soo socotay ayaa waxa xukunkooda dilka ah uu dhacay
labaatankii bishii May ee sanadkan.
Saaka ayaana
labadan nin lagu toogtay fagaaraha dugsiga tababarka booliska ee iskool
buluusiya.
Hindiya oo ku dhawaaqday tallaabo ka dhan ah Kashmir
Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Hindiya ayaa waxa ay qaadday
tallaabo ay kaga baxayso heer gaar ah oo ilaa iyo haatan lahaayeen deegaannada
Jammu iyo Kashmir oo ah goobta kaliya ee ay degaan Muslimiinta laga tirada
badan yahay ee dalkaasi.
Go'aankaasi ayaa waxa uu meesha ka
saarayaa xuquuqdii gobolkaasi uu u lahaa inuu shuruucdiisa sameysto, waxa ayna
ka dhigan tahay in markii ugu horraysay dad aanan gobolkaasi u dhalan ay
halkaas hanti ka iibsan karaan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya,
Amit Shah, ayaa gudaha baarlamaanka kaga dhawaaqay amarka madaxtooyada, iyadoo
ay arrintaasi aad uga buuqeen xubnaha axsaabta mucaaradka.
Wasiirka ayaanan hadalkiisa si
wanaagsan loo maqlayn oo waxaa qariyay buuqa iyo sawaxanka ka dhashay baarlamaanka
intii uu bayaanka wasiirku akhrinayay.
Weriyaha BBC-da uga soo warrama waddanka Hindiya ayaa
sheegaya in dad badan ay arrintaasi u arkaan qeyb ka mid ah ajandaha dowladda
ay waddo ee wadaniyadda Hinduuga, taas oo badeli karta hannaanka lagu darso
dadweynaha.
Markab cusub oo badbaadinaya muhaajiriinta oo la hawl geliyay
Xigashada Sawirka, AFP
Kooxda samata-bixinta muhaajiriinta mara badda Mediterranean-ka
ee SOS ayaa hawl geliyay markab cusub oo baadi goobaya muhaajiriinta ku xayiran
badda.
Markabkan oo uu ka dulbabanaya calanka dalka Norwey ayaa ka
soo sharaacday dekedda magaalada Marseilles ee dalka Fransiiska, kaasi oo
diiradda saaraya xeebaha Libya, halkaas oo ah halka ay inta badan muhaajiriinta
ka soo tahriibaan.
Markabkan cusub ayaa waxaa uu beddelayaa markabkii hore ee
la oran jiray Aquarius, kaas oo shaqadii uu ka hayay badda Mediterranean-ka
joojiyay ka dib markii laga mamnuucay in muhaajiriinta uu ku dejiyo qaar ka mid
ah dekadaha dalalka Yurub.
"Muhaajiriin badan ayaa haatan isku dayaya in ay ka
tallaabaan badda, taasi oo sabab u ah xilligan jiilaalka, waxaa sidoo kale lagu
sababayn karaa xaaladda haatan ka taagan Libya,’’ ayuu Frederic Penard oo kooxda
madax uga hawlka samatabixinta uu wakaaladda wararka ee AFP.
Axaddii shalay ahayd ayay hay’adda dekadda Malta ku dejisay
40 muhaajiriin ah,kuwaasi oo Arabacadii laga soo qaaday Libya iyadoo uu Talyaaniga
diiday in muhaajirintaasi la geeya dalkiisa.
Gaadiidka magaalada Hong Kong oo hakad galay
Xigashada Sawirka, EPA
Hong Kong
waxay wajahaysaa hakad ku yimaaday gaadiidka, iyadoo ganacsiyo badanna la xiray
ka dib markii shaqaalihii ay ka qeyb galeen dibadbaxyo lagu taageeriyo
dhaq-dhaqaaqa dimuqraadiyadda.
Arrintan ayaa
ku soo beegmeysaa iyadoo baraasabka magaalada Hong Kong Carrie Lam ay wacad ku
martay in kala dambeynta magaalada dib loo soo celin doono.
Waxaa sidoo
kale dib u dhac ku yimi amaba la joojiyay duulimaad-yadii magaalada, ka dib
markii ay khalalaasaha magaalada uu sii xoogeystay oo dibedbaxayaasha ayaa qaar
kood is hortaagay alaabada tareenada.
Hogaamiyeyaaasha
dhaqa-dhaqaaqa dumuqraadiyadda ayaa horay ugu dhawaaqay in maanta dibadbaxyo
ballaaran ay ka dhigi doonaan guud ahaan magaalada.
Hogaamiyaha magaalada
Hong Kong Carrie Lam oo toddobaadyadii ugu dambeeyay hadalkeeda aad u yaraa ayaa
shir jeraa’id oo ay ka qabatay eedeyn dusha kaga tuurtay dibedbaxayaasha wada
khalalaasaha siyaasadeed ee ka aloosan magaalada.
Waxay sheegtay
in aysan marnaba is casili doonin ayna dib u soo celin doonto kala dambeynta Hong
Kong.
Cuqaasha Soomaalida iyo Oromada oo ku shiraya Jigjiga
Sannad ayaa laga joogaa markii ay rabsahado ka dhacay
magaalada Jigjiga horseedeen inuu xilka ka dego madaxweynihii deegaanka
Soomaalida, Cabdi Muxumad Cumar.
Bilihii ugu dambeeyay ee xukunkii Cabdi Cumar iyo weliba
marka uu xilka ka degay ayaa colaad diig badani ku daatay waxa ay dhex martay
qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo deris wadaag ah.
Haddaba si dhibaataas looga gudbo waxaa magaalada Jigjiga ka
dhacay kulan nabadeyn ah oo ay ka qeyb galeen in ka badan kun qof oo labada
qowmiyadood ah, isla markaana ay kala hogaaminayeen labada madaxweyne ee
deegaannadaasi.
Haatan colaadda way joogtsatay oo waxaa dib loo dhisay
guryihii la bur-buriyay balse weli waxaa jira dad badan oo magaalooyinka ka
qaxay oo ku sugan xerooyin, waxaana haatan lagu dadaalaya sidii dadkaasi dib
loogu celin lahaa magaalooyinkii ay ka soo barakeceen.
Madaxweye Mustafa Muxumed Cumar ayaa sheegay in mas’uuliydda
dib u dejinta dadkaasi la wada qaadayo.
‘‘Haatan waxaa loo baahan yahay in loo guntado sidii dib
loogu celin lahaa barakacayaasha waxayna arrintaasi ay mas’uuliyad ka
saarantahay labada dhinacba’’
Mdaxaweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri:
‘’Aniigoo ku hadlaya magaca soomaalida waxaan ballan qaadayaa
in aan sii wadi doono dadaallada nabadaynta ee Soomaalida iyo Oromada’’
Dhanka kale madaxweynaha gobolka Oromiya oo xilka gobolkaasi
ku cusub oo kulanka ka hadlayay ayuu isagoo isku dayaya inuu ku hadlayo luuqadda afka Soomaaliga
sheegay:
‘’Oromo iyo Soomaali waa mid, Oromo iyo Soomaali waa walaalo,
dhibaatada u dhaxaysana dadkaan si loo xalliyo waxaan u mareynaa dhaqan iyo
wadahadal waana in aan adkeeyno midnimada iyo wadajirka dadkaan walaalaha ah’’
Kulankan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan shacabka Soomaalida
iyo Oromada waxayna aaminsan yihiin in xal waara laga gaari doono dhibaatada
labada qowmiyadood.
Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha gobolka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Injineer Yariisow
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 1
Barasaabka magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Mike Sonko ayaa waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ay ahaayee saaxibo dhaw isla markaasan uu ahaa nin ay ka go'aneyd xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Injineer Yariisow ayaa shaley ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo looga daweynayay dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa dhacay xilli uu maamulka Gobolka Banaadir halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan.
Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.
Fa'iidooyinka naas-nuujinta carruurta
Waxaa lagu gudo jiraa todobaadka
naas-nuujinta oo caalamka laga xuso sanad walba inta u dhaxeysa 1 ilaa iyo 7
August oo ay asteeyeen hay'adda caafimaadka aduunka iyo hay'adda qaramada
midoobey u qaabilsan caruurta ee UNICEF.
Xuska naas nuujinta ee sanadlaha
ah ayaa looga gol leeyahay in bulshada gaar ahaanna hooyooyinka looga wacyi
geliyo naas nuujinta faa'idooyinka caafimaad uu ilmuhu u leeyahay.
Haddaba, hooyooyinka Soomaalida ma
yihiin kuwo ku baraarugsan faa'iidada naas-nuujinta?
Dr Nasro
Cabdullaahi Axmed oo ah dhakhtar ka hawl gasha magaalada Nairobi ayaa ka sheekeyneysaa faa'idooyinka naas-nuujinta.
Qoraalka sawirka, Injineer Yarisow ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xarunta maammulka gobolka Banaadir
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu sheegay in xukuumadda ay ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroordiiq ah.
Sidoo kale waxaa lagu xusay in guddi loo saaray aaska Gudoomiye Yariisow.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Sida lagu baahiyay wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna ee dowladda Soomaaliya, waxaa arrintan xaqiijisay Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Eng Yariisow ayaa lagu dabiibayay cisbataal ku yaalla magaalada Dooxa ka dib dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose.
Sida ku xusan warsaxaafadeedka. "Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)".
Liibya oo xireyso qaar kamid ah xarumaha lagu xiro muhaajiriinta
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Muhaajiriin ku sugan Liibya
Wasiirka arrimaha gudaha Liibya
Fatxi Bashagha, ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal lagu xirayo saddex kamid ah xarumaha
gu weyn dalkaas ee lagu xiro dadka muhaajiriinta .
Saddexda xarumood waxay ku
kala yaallaan magaalooyinka Misrata, Tajoura iyo Khoms.
Hadalkan wasiirka ayaa
imaanaya xilli Qaramada Midoobey ay ku baaqday in la xiro xeryahaas kaddib
markii in ka badan 40 qof oo muhaajiriin ahaa lagu dilay xeryaha markii weerar
lagu qaaday xarumahaas ku yaallay magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Liibya waxaa ka socda
dagaallo u dhexeeyo dowladda ay taageerto Qaramada Midoobey ee fadhigeedu yahay
Tripoli iyo maleeshiyaad taabasan Janaraal Khaliifa Haftar.
Toddobaadkii lasoo
dhaafay 150 muhaajiriin ah ayaa ku qaraqmay xeebaha Liibya markii ay la degtay
doonidii ay saarnaayeen.
Haweenka Sucuudiga oo loo ogolaaday inay safri karaan maxram la'aan
Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa
shaaca ka qaaday sharci cusub oo haweenka dalkaas u ogolaanayo inay safri
karaan iyagoo uusan la socon qof maxram ah.
Sida ku xusan shariga waxaa uu sidoo
kale dhigaya in haweenka Sucuudiga oo ay da’doodu ka sarreyso 21 ay codsan karaan
baasaboorka iyagoo maxram la’aan ah.
Sharciga waxaa uu
haweenka u fasaxaya inay xaq u leeyihin inay codsan karaan sharciyada
dhalashada carruurta, waraqadda guurka.
Waxay arrintani fursad u siineysa haweenka Sucuudiga inay
shaqeysan karaan, sida ku xusan sharciga “Dhammaan muwaadiniinta Sucuudiga
waxay xaq u leeyihiin inay shaqeysan karaan iyagoo wax gacan-bidxeyn ah aan la kulmin
gaar ahaan in wax dhibaato ah loo geysan karin naafada, jinsiyadaha kala duwan
ama da’da qofka.
Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dhaxal sugaha
Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka
dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in
haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.
Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu
isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas sannadka 2030-ka kaas oo uga
golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada
horumarka.
Xafiisyada mucaaradka Burundi oo saxaro la mar mariyay
Xigashada Sawirka, @BurundiCnl
In ka badan 10 xafiis
uu leeyahay xisbiga ugu weyn mucaaradka ee dalka Burundi ayaa waxaa la mar
mariyay saxaro halka qaar kalena dab la qabadsiiyay labadii bilood ee lasoo
dhaafay, sida sarkaal ka tirsan xisbiga mucaaradka uu BBC u sheegay.
Therence Manirambona
oo ah afahayeen u hadlay xisbiga mucaaradka ee NCL ayaa waxaa uu sheegay in
dhammaan dhibaatooyinkan lagu hayo ay caddeyn u tahay cagajugleynta iyo cabsi gelinta
lagu hayo mucaaradka Burundi ka hor doorashada 2020-ka.
Wasaaradda arrimaha
gudaha kama aysan hadlin dhacdadan.
Afahayeenka u hadlay
xisbiga CNL waxaa uu sheegay in xafiiskoodi ku yaallay gobolka galbeedka ku
yaalla ee Gatete la burburiyay habeenkii talaadada aheyd.
Xigashada Sawirka, @BurundiCnl
Waxaa uu sidoo kale sheegay in aan la ogeyn cidda ka dambeysay dabka la qabadsiiyay xafiiskooda isla markaasna mas’uuliyiinta dowladda aysan wax baaritaanno ah ku sameyn dhibaatooyinkaas loo geystay.
“In xafiisyadeena la mar mariyo saxaro waa fal neceyb ah oo muujinayo dhibaatada naga kula hayo” ayuu yiri Manirambona.
Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii baarayaal ka socday guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ay soo saareen warbixin ka hadleyso tacaddiyada lagu hayo mucaaradka Burundi.
Ciidammada Suudaan oo xiray rag la sheegay inay rasaas ku fureen dad bannaanbaxyo dhigayay
Militariga Suudaan waxay sheegeen in la xiray toddobo qof oo lala xiriirinayo dilkii loo geystay ardeydii ka qeybqaadanayay dibadbaxyadii Isniintii ka dhacday magaalada Al Cubeyd ee waqooyiga dalkaas.
Warbaahinta dowladda oo soo xiganeyso militariga ayaa ku warrantay in raggii rasaasta ku furay dibadbaxyaasha ay ahaayeen warddiyeyaasha Bangi ku yaalla halkaas.
Waxay sidoo kale sheegeen in raggan la maxkamadeyn doono.
Waxaa lagu soo warramayaa in 7 qof ay soo qabteen maleeshiyaadka RSF.
Afar ardey ah iyo labo qof oo rayid ah ayaa dhintay markii rasaas lagu furay dad bannaanbaxyo dhigayay.
Todobo iyo
toban dhalinayaro tahriibayaal ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya kuna
laabtay shalay magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyay duruufihii nololeed ee ay
ku noolaayeen muddadii ay tahriibka ku jireen.
Dhalintan oo
markoodii hore ka kala tagay magaalooyinka Soomaalida ayaa BBC-da u sheegay
inay ku farax san yihiin inay dalkoodii dib ugu soo laabteen kadib sannado ay
ku noolaayeen xaalado aad u qalafsan.
Waxay sheegeen in jirddil iyo tacaddiyo ay la kulmeen intii ay ku sugnaayeen dalka Liibya.
Qoraalka sawirka, Dhalinyarada laga soo celiyay Libya
War saxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in jinsiyaddii labaad ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay dalka Mareykanka uu dib isaga celiyay.
Waxaa sidoo kale warqadda lagu xusay in howshan ay in muddo ku howlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha Soomaaliya iyo Mareykanka.
Xigashada Sawirka, Dowladda Soomaaliya
Dhageysiga kiiska Al Bashiir oo dib loo dhigay
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Cumar Al Bashiir
Maxkamad ku taalla dalka Suudaan ayaa dib u dhigtay dhageysiga
dacawaddii musuq maasuq ee loo heystay madaxweynihii hore ee Suudaan. Cumar
Al Bshiir, sida ay ku warrantay BBC qeybta Carabiga.
Lama garanayo sababta ka dambeyso in dib
loo dhigo dhageysiga kiiskiisa balseWarbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee
kasoo baxdo dalka Suudaan, Baj News ayaa ku warrantay in Cumar Al Bashiir uu ka
codsaday in dhageysiga dacwaddiisa dib loo dhigo maadama ay hooyadii dhawaan
geeriyootay.
Warbaahinta
Al Carabiya waxay sheegtay in dhageysiga dacwaddisa dib loo dhigay tan iyo
15-ka bishan Agoosto.
Cumar
Al Bashiir ayaa la xiray bishii April markii awoodda laga tuuray.
Baaritaan lagu sameynayo nabad-doonkii lagu dilay Kismaayo
Booliska maamulka
Jubaland ayaa ka hadlay toogasho xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Ugaas
Rashiid Durre oo kamid ahaa odeyaasha ku howlan doorashada la filayo
inay ka dhacdo halkaas.
Laamaha ammanka ee
Jubaland ayaa sheegay in dad lagu tuhmayo dilka loo soo xiray.
Taliyaha ciidanka booliska ee Jubbada Hoose,
Axmed-naasir Guuleed Xassan ayaa BBC u sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan
baaritaanno ku aadan sidii loo soo qaban
lahaa dableydii weerarka geysatay.
Waxaa uu sheegay in
baaritaanka kaddib ay shaaca ka qaadi doonaan dadka lagu tuhunsan yahay inay ka
dambeeyeen dilka Ugaaska.