You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Markab cusub oo badbaadinaya muhaajiriinta oo la hawl geliyay

Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Askari ka baxsaday Kuuriyada Waqooyi

    Mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in Askari kasoo cararay dhinaca Kuuriyada Waqooyi uu kasoo tallaabsaday xadka labada dal ee sida weyn loo ilaaliyo.

    Askariga uu baxsaday dhinaca Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay xalay qabtay ciidammada Kuuriyada Koonfureed oo markii dambe geeyay saldhig militari.

    Wuxuu ahaa Askari firfircoon oo go’aan ku gaaray inuu usoo baxdo dhinaca xukuumadda Seoul, ayuu yiri madaxa shaqaalaha ee Kuuriyada Koonfureed.

    Tiro kamid ah shacabka Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadka kasta ka tallaaba xadka labada dal ee halista ah isla markaasna ay adagtahay in laga gudbo.

    Bishii Nofemabar ee sannadkii 2017-kii, Askari ka tirsanaa ciidammada Kuuriyada Waqooyi oo isku dayay inuu soo goosto ayaa waxaa rasaas ku furay ciidammada dalkaas.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaallo casri ah kuwaas oo ku dhacay badda ku taalla bariga.

  2. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 1-ka bishan Agoosto sannadka 2019-ka.

  3. Doorashada golaha maamulka Diridhaba oo dib loo dhigay

    Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa isku raacay in dib loo dhigo doorashooyinkii ismaamul magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba kaddib markii guddiga doorashooyinka ay codsadeen in wakhti dheeraad ah la siiyo si ay isugu diyaariyaan doorashada.

    Doorashada golaha ismaamul magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhaba ayaa lagu waday in la qabto sannadkan balse hadda waxaa loo asteeyay inay dhacaan sannadka soo socda oo ay Itoobiya ka dhici doono doorasho guud.

    Waa markii labaad oo dib loo dhigo doorashada golaha maamulo magaalooyinkaas, sannadkii lasoo dhaafay ayaa dib loo dhigay markii qalalaase siyaasadeed ay halkaasi ka dhaceen.

  4. Madaxweyne hore oo Mareykan ah oo hadda lagu ogaaday in Afrika uu ku tilmaamay "Daanyeero"

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan ayaa dalal Afrikaan ah oo ka qeybgalayay kalfadhigii Qaramada Midoobey ee sannadkii 1971-kii ku tilmaamay ‘Inay yihiin Daanyeero’, sida ay ku warrameyso warbaahinta The Atlantic oo soo xiganeyso codad laga duubay.

    Ninkan ayaa waxaa uu xilliggaas ahaa Barasaabkii gobolka California.

    Waxaa uu hadalkan sheegay xilli uu telefoon kula hadlayay madaxweynihii Mareykanka xilliggaas, Richard Nixon.

    Ronald Reagan ayaa waxaa uu ka careysnaa wafddigii Afrikaanka ahaa ee ku sugnaa kalfadhigii Qaramada Midoobey kuwaas oo kasoo horjeestay cod uu Mareykanka garwadeen ka ahaa oo lagu aqoonsanayay Shiinaha si meesha looga saaro Taiwan.

    Markii codeynta lasoo gabagabeeyay, xubinihii ka socday Tanzania waxay bilaabeen inay dabaaldegyo ka dhigaan gudaha kalfadhiggii Qaramada Midoobey.

    Xilliggaas, Reagon markii uu soo wacay madaxweyne Nixon maalinkii xigtay, waxaa uu weydiyay inuu codeynta si toos ah uga daawanayay telefishinka iyo in kale.

    Waxaa uu ku yiri Reagon, “ In la arko kuwaas, kuwaa Daanyeerada ah ee kasoo jeedo dalalkaas Afrika , dhaleeceeya, illaa iyo hadda Kabo ma xiran karaan”

    Waxaana markiiba ku qoslay madaxweynihii Mareykanka xilliggaas Nixon.

    Codkan waxaa shaaca ka qaaday Tim Naftali oo ah profesoor maaddada taarikhda ka dhiga jaamacadda New York kaas oo agaasime ka ahaa maktabadda madaxweyne Nixon, waxaana lagu keydiyay halkaas dhammaan codadkii laga duubay Nixon intii u dhexeeysay sannadihii 2007-dii iyo 2011-kii.

  5. Qof qabo cudurka Ebola oo laga helay xadka DRC Congo iyo Rwanda

    Kiiskii labaad ee cudurka Ebola ayaa laga helay Magaalada Goma oo marin muhiim u ah isu socodka labada waddan ee DRC Congo iyo Rwanda.

    Dalalka bartamaha qaaradda Afrika ayaa xiligan wajahaya cudurkii ugu xumaa ee faafa, kaas oo dilay inkabadan kun iyo toddob qof.

    Sanad ayaa haatan laga joogaa markii lagu dhawaaqay in cudurkan uu jiro, waxaana laga cabsi qabaa in ku sii faafo dalalka gobolka.

    Waxaa la fahansan yahay in bukaanka uu soo safray ilaa iyo boqol kilomitir, kahor inta uusan soo gaarin Magaalada Goma oo uu yimid laba asbuuc kahor. Hasayeeshee toddobadkii la soo dhaafay ayaa lagu arkau calaamadaha cudurkan.

    Qofkan ayaa haatan lagu karantiilay xarun caafimaad oo loogu talo galay dadka qaba xanuunkan, waxaana kooxaha caafimmaadka ay ku daba jiraan qof la rumeesan yahay in uu la macaamilay qofka laga helay cudurkan, si ay u siiyaan daawooyinka tallaalka cudurkan.

  6. Iskuulada Suudaan oo gebi ahaanba la xiray

    Waxaa la xiray Iskuulada ku yaalla dalka Suudaan kaddib markii dalkaas ay ka dhaceen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dil loo geystay afar ardey.

    Golaha sare ee militariga Suudaan ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhammaan Iskuulada Suudaan laga bilaabo maanta oo Arbaco ah, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee Reuters.

    Kumanaan ardey ah ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka caasimadda Khartuum kuwaas oo ka careysnaa dilka ardeydaas.

    Ardeyda ayaa lagu toogtay magaalada El Cubeyd kaddib markii dabley ay rasaas ku furtay dad bannaanbaxyo ka dhigayay gobolka Kordofan.

  7. Kuuriyada Waqooyi oo tiijaabisay gantaallo aanan horey looga baran

    Kuuriyada Waqooyi waxay saaka tijaabisay labo kamid ah gantaallada nooca baaliistiga ah, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed.

    Kuuriyada Waqooyi waxay gantaalladan kasoo gantay deegaanka Wonsan, waxaa uu ku dhacay dhinaca bari ee badda.

    Militariga Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay jareen masaafo dhan 250 Kiiloomitar ka hor inta aysan ku dhicin badda Japan.

    Wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed Jeong Kyeong-doo waxaa uu sheegay in gantaalladan ay ka duwan yihiin kuwii ay horey u tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

    Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa xaqiijiyay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi aysan wax saameyn ah ku yeelan amniga dalkiisa.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli Kuuriyada Waqooyi ay toddobaadkii lasoo dhaafay tijaabisay madaafic.

    Hoggaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un ayaa ku tilmaamay tijabadaas inay farriin u aheyd waxa uu ugu yeeray ‘Dagaal oogayaasha dagaal ee Kuuriyada Koonfureed”

  8. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Arbaco taarikhda waxay ku beegan tahay 31-ka bishan Luulyo sannadka 2019-ka.

  9. Ilhaan Cumar oo ka degtay Ghana

    Ilhaan Cumar ayaa waxay kamid tahay wufuud xildhibaanno ah oo ay hogaamineysay afahayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku joogo dalka Ghana.

    Waftiga ka socda Aqalka Congress-ka Maraykanka oo ay horkaceyso Nancy Pelosi ayaa waxa ay kormeerayaan qalcadda Elmina, waxayna ka qeybqaadanayaan xuska 400 sanno guuradii kasoo wareegtay markii kooxdii ugu horeysay ee dadkii addoonsiga loo watay ay gaareen Maraykanka.

  10. Kooxda PSG oo lasoo wareegtay ciyaaryahanka reer Senegal Idrissa Gueye

    Kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris St-Germain ayaa shaaca ka qaaday inay lasoo wareegtay ciyaaryahanka u dheela xulka qaranka ee Senegal ,Idrissa Gueye.

    Idrissa Gueye oo khadka dhexe ka dheela ayaa waxaa uu ka soo tegaya kooxda Everton.

    Qanddaraaska lagu soo wareejistay ciyaaryahanka ayaa ku kacaya $36m oo doolar.

    Gueye oo 29 jir ah ayaa xulkiisa qaranka Senegal waxaa looga guuleystay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Koobka Qaramada Afrika ee sannadkan ka dhacay Masar.

    Waxaa uu kooxda Everton u dhaliyay afar gool xilliggii ay socdeen ciyaaraha horyaalka Ingiriiska.

    Gueye waxaa uu hadda dib ugu laabanaya Faransiiska oo uu muddo toddobo sanno ah uu soo ciyaaray kooxda Lille laga bilaabo sannadkii 2008-dii iyo 2015-kii.

  11. Dhalinyaro soomaali ah oo la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay ku biiraan ururka IS

    Waaxda caddaalladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in la xiray labo wiil Soomaali ah oo ku sugnaa dalkaas kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayay inay ku biiraan Ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP.

    Labadan wiil oo da’doodu lagu sheegay 20 iyo 21 jir ayaa waxay ku noolayeen magaalada Tuscon ee gobolka Arizona.

    Waxaa lagu soo warramaya in labadan wiil ay qorsheynayeen inay u safraan gobolka Siinay ee dalka Masar si ay uga barbar dagaallamaaan kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka, sida laga sooxigtay maxkamad federaalka ee Arizona.

    Waxaana Jimcihii lagu xiray garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Tuscon kaddib markii baaritaanno lagu sameeyay diyaarad halkaasi ka dhaqaaqeysay oo ku wajahneyd magaalada Qaahira.

  12. Askarta Nigeria oo ku raad joogo ragga timaha raamaha leh

    Militariga Nigeria ayaa lagu eedeeyay inay xasbiyada dhigaan ragga timaha raamaha leh ee ku sugan gobolka koonfurta ku yaalla ee Abia.

    “Ciidammo madaxa soo dabooshay ayaa waxay sitaan maqas ay timaha kaga xiirayaan ragga timaha raamaha leh, waa ay kaxeystaan” ayuu goob jooge u sheegay wargeyska Pun Newspaper.

    Booliska ayaa ragga timaha raamaha leh u kaxeystaa goob aan la gareyn.

    Afahayeen u hadlay ciidammada Nigeria oo lagu magacaabo, Major Aliu Kadiri ayaa sheegay in ciidammada ay ka war hayaan dhacdooyinka lagu xir xirayo raggaas isla markaasna ay baarayaan.

    Ma kala cadda inuu xiriir ka dhexeeyo howlgalka ka dhanka ah ragga timaha raamaha leh iyo howlgallada lagu baacsanayo burcadda afduubka ka geysata dalkaas.

    Ciidammada Nigeria waxay sidoo kale wadaan howgallo ka dhan ah burcadda xoolaha dhacdo iyo maleeshiyaadka Booko Xaraam.

    Ma ahaan markii ugu horreysay ay ciidammada ammaanka bartilmaameedsadaan ragga timaha raamaha leh.

    Afahayeen u hadlay booliska ayaa BBC u sheegay in ragga timaha raamaha leh ay halis ugu jiraan in la xiro.

  13. Caro ka dhalatay ardey lagu laayay Suudaan

    Weriye BBC ka tirsan oo ku sugan magaalada caasimadda ah Khartuum ayaa kusoo warramaya in dad ka careysan dilka ardeyda ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan dalkaas.

    Shalay ayay aheyd markii shan ardey oo dibadbaxyo ka qeyb qaadanayay lagu toogtay waqooyiga gobolka Kordofan ee dalkaas.

    Ururka xirfadlayaasha Suudaan ayaa waxay ku eedeeyeen dilka ardeyda inay ka dambeeyeen militariga isla markaasna waxay ku dhawaaqeen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dil loo geystay ardeydaas.

    Ururkan oo garwadeen ka ahaa dibadbaxyada ka socda Suudaan ayaa waxay codasdeen in si degdeg ah maamulka loogu wareejiyo dowlad rayid ah.

  14. Diyaarad militari oo ku burburtay Pakistaan

    Diyaarad ay leeyihiin militariga Pakistaan ayaa burburtay markii ay kusoo dhacday xaafad dad badan ay degan yihiin oo kutaalla magaalada Rawalpindi ee dalkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ku sugan gobolkaas.

    Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay shilkaas, shan kamid ah dadka dhintay waxay ahaayeen shaqaalaha diyaaradda halka 10 qof ay ahaayeen rayid, waxaana ku dhawaacmay 12 qof oo kale oo kamid ah dadka deegaanka.

    Dabka ka dhashay diyaaradda burburtay guud ahaan waxaa uu la wareegay guryo dhowr ah oo ku yaalla goobtaas.

    Magaalada Rawalpindi oo u dhaw caasimadda Pakistaan ee Islamabad ayaa waxaa ku yaalla saldhigyada militari ee ugu waaweyn dalkaas.

    Ilaa hadda Makala cadda waxyaabaha ka dhashay shilka.

    Sawirro laga soo qaaday goobta ay diyaaradda kusoo dhacday ayaa waxaa ka muuqdaa burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha qaar.

    Sannadkii 2010-kii ayay aheyd markii diyaarad ay ku burburtay meel u dhaw magaalada Islambad oo ay ku dhinteen dad gaarayay 152 qof oo ahaa rakaabka diyaaraddaas.

  15. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Talaado taarikhda waxay ku beegan tahay 30-ka bishan Luulyo sannadka 2019-ka.

  16. Hoggaamiyaha shiicada Nigeria oo maanta la horgeynayo maxkamad

    Hoggaamiyaha Shiicada dalka Nigeria ayaa maanta lagu wadaa inuu kasoo hormuuqdo maxkamad ku taalla dalkaas.

    Ibraahim Zakzaky ayaa la xiray sannadkii 2015-kii, waxaana loo heystay dacwad ah inuu carqaladeynayay ammaanka dalkaas iyo isku day dil ah xilli iska hor imaad ku dhexmaray taageerayaashiisa iyo militariga Nigeria gobolka waqooyiga ku yaalla ee Kaduna.

    Qareenada u doodaya Sheekh Ibraahim Zakzaky ayaa waxay codsadeen in lasii daayo si daweyn caafimaad loogu qaado dalka dibaddiisa, tageerayaashiisa waxay sheegeen in Sheekha uu labo jeer uu ku dhacay xannuunka shalalka intii uu xabsiga ku jiray.

    Tageerayaashiisa ayaa dibadbaxyo joogta ah ka dhigaa magaalada Abuja, waxay codsanayaan in xabsiga laga sii daayo.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay rabshado dhexmaray taageerayaasha waddaadka shiicada iyo booliska waxaa ku dhintay tiro dad ah.

  17. Dumarka soomaalida iyo sirta ku jirto cilaan saarka

    Dumarka soomaalida waxay kamid yihiin haweenka ugu jecel quruxda, qurxinta cilaan saarka waxay kamid tahay waxyaabaha inta badan soo bandhigo quruxda iyo muuqaalka haweenka soomaalida.

    Warddo Maxamed Cabdulle waxay kamid tahay gabdhaha ku shaqeysta xirfadda farxshanka cilaan saarka ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxay ka warrameysa sirta ku jirta cilaan saarka.

  18. Itoobiya oo maanta laga beerayo malaayin geed

    Guud ahaan dalka Itoobiya waxaa maanta ka socdaa olole ballaaran oo lagu beerayo 200 milyan oo geed, waxaana howshaas garwadeen ka ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

    Abiy Axmed ayaa saaka geedo ku beeray garoonka diyaaradaha Arbaminch ee ku yaalla dalkaas.

    Dadweynaha kala duwan ee Itoobiya ayaa maanta ka qeyb qaadanayaa beersita geedaha guud ahaan shacabka ku nool deegaannada kala duwan ee dalka.

    Waxaana kamid ah goobahaas Dowlad Deegaanka Soomaalida.

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu bilaabay ololaha wacyigelinta ah ee lagu ilaalinayo deegaanka si loo beero dhir badan.

    Waxaa uu farriin u diray shacabka si ay dhammaantooda ugu qeyb qaataan la dagaalanka isbaddallada cimilada si loo beero geedo badan.

  19. Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Mareykanka

    Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay halka ugu yaraan 11 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob lagu soo bandhigayay cuntooyinka oo ku taalla gobolka California ee dalka Mareykanka.

    Goob joogayaal ayaa kusoo warramayaa in nin hubeysan uu rasaas ku furay goobta.

    Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya dadka oo cararaya xilli la maqlayo dhawaaqa rasaasta.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay shacabka Mareykanka inay is dejiyaan isla markaasna ay feejignaadaan.

    Duqa magaalada Gilroy, Dion Bracco ayaa warbaahinta Mareykanka u xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen weerarka.

    Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay toogashada, qaar kamid ah xaaladdooda way liidataa halka qaar kalena laga daaweeyay dhaawaca, ayay tiri afahayeen u hadashay Isbitaal ku yaalla halkaas.

    Munaasabaddan lagu soo bandhigo cuntooyinka ee lagu qabto magalaada Gilroy ee gobolka Carlifonia ayaa sannad kasta lagu qabtaa halkaas, waxaana markii ugu horreysay la bilaabay sannadkii 1979-kii, waxaana xilliyada laga qabanayo munaasabadda goobta mamnuuc ka ah hubka, sida laga soo xigtay bogga maamulka soo qabanqaabiyo munaasabadda.

  20. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taarikhda waxay ku beegan tahay 29-ka bishan Luulyo sannadka 2019-ka.