Sannad ayaa laga joogaa markii ay rabsahado ka dhacay
magaalada Jigjiga horseedeen inuu xilka ka dego madaxweynihii deegaanka
Soomaalida, Cabdi Muxumad Cumar.
Bilihii ugu dambeeyay ee xukunkii Cabdi Cumar iyo weliba
marka uu xilka ka degay ayaa colaad diig badani ku daatay waxa ay dhex martay
qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo deris wadaag ah.
Haddaba si dhibaataas looga gudbo waxaa magaalada Jigjiga ka
dhacay kulan nabadeyn ah oo ay ka qeyb galeen in ka badan kun qof oo labada
qowmiyadood ah, isla markaana ay kala hogaaminayeen labada madaxweyne ee
deegaannadaasi.
Haatan colaadda way joogtsatay oo waxaa dib loo dhisay
guryihii la bur-buriyay balse weli waxaa jira dad badan oo magaalooyinka ka
qaxay oo ku sugan xerooyin, waxaana haatan lagu dadaalaya sidii dadkaasi dib
loogu celin lahaa magaalooyinkii ay ka soo barakeceen.
Madaxweye Mustafa Muxumed Cumar ayaa sheegay in mas’uuliydda
dib u dejinta dadkaasi la wada qaadayo.
‘‘Haatan waxaa loo baahan yahay in loo guntado sidii dib
loogu celin lahaa barakacayaasha waxayna arrintaasi ay mas’uuliyad ka
saarantahay labada dhinacba’’
Mdaxaweynaha oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri:
‘’Aniigoo ku hadlaya magaca soomaalida waxaan ballan qaadayaa
in aan sii wadi doono dadaallada nabadaynta ee Soomaalida iyo Oromada’’
Dhanka kale madaxweynaha gobolka Oromiya oo xilka gobolkaasi
ku cusub oo kulanka ka hadlayay ayuu isagoo isku dayaya inuu ku hadlayo luuqadda afka Soomaaliga
sheegay:
‘’Oromo iyo Soomaali waa mid, Oromo iyo Soomaali waa walaalo,
dhibaatada u dhaxaysana dadkaan si loo xalliyo waxaan u mareynaa dhaqan iyo
wadahadal waana in aan adkeeyno midnimada iyo wadajirka dadkaan walaalaha ah’’
Kulankan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan shacabka Soomaalida
iyo Oromada waxayna aaminsan yihiin in xal waara laga gaari doono dhibaatada
labada qowmiyadood.