Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ee ADP ayaa
weerar afka ah ku qaaday xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF kaas oo uu sheegay
inuu halis ku yahay mustaqbalka Isbaheysiga haya talada Itoobiya.
Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee (EPRDF) ayaa waxaa
ku buhoobay ilaa afar xisbi oo ay kamid yihiin ADP iyo TPLF.
Arbacadii, xisbiga TPLF ayaa ku eedeeyay
xisbiga Amxaarada inay la shaqeynayeen ciidammadii khaska waday isla markaasna
ay carqaladeeynayaan amniga gobolka.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli bishii hore
isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada lagu dilay madaxweynihii
gobolkaas Ambachew Mekonen iyo saraakiil sare.
“Xisbiga ADP waa inuu eegaa xaaladda cakiran ee
ka taagan gudaha, ayna baaritaan ku sameeyaan dhacdadii lagu dilay saraakiisha
iyo waa inay raalli bixiyaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xisbiga TPLF.
Shalay, Xisbiga ADP waxaa uu sheegay in aysan
wax raalligelin ah bixin doonin.
Marka ay timaaddo arrimaha amni darrada,
xisbiga Amxaarada waxaa uu ku eedeeyaa inay lug ku leeyihiin xisbiga Tigreega.
“Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii
aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa
ah” ayaa lagu yiri qoraal xisbiga ADP uu kusoo qoray Facebook.
Khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka
tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya ayaa waxaa uu halis ku yahay midnimada
iyo wadashaqeynta xisbigaas, sida uu BBC u sheegay qof falanqeeyo siyaasadda
dalka Itoobiya.