Halkan ka daawo sawirrada goobtii uu shalay ka dhacay qaraxii uu weerarka tooska ah daba socday ee lagu qaaday Hoteelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.
26 ruux ayaa lagu dilay, halka 50 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Qoraalka sawirka, .
Dhaawacyada weerarkii Kismaayo oo loo duuliyay Muqdisho iyo Nairobi
Xigashada Sawirka, Radio Risaala
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa garoonka diyaaradaha la tagay dhaawacyada
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Madiina ee magaalada Kismaayo ayaa lagu qaaday diyaaro, waxaana loo kala duuliyay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, si adeegyo caafimaad oo dheeraad ah loogu sameeyo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe" ayaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ku sagootiyay dhaawacyada la dhoofinayay.
Wrarka ayaa intaas ku daraya in dhaawacyada Nairobi loo duuliyay ay yihiin 7 qof.
In ka badan 50 ruux oo weerarka ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray dad ajaanib ah oo u dhashay dalka Shiinaha.
Weerarka lagu qaaday Hoteelka oo ay ku dhinteen 26 qof ayaa lasoo afjaray saaka aroortii, waxaana mas'uuliyaddiisa dusha u ridatay Al-Shabaab.
Qoraalka sawirka, Dhaawacyada qaarkood ayaa loo dhoofiyay Nairobi
Faahfaahin ku saabsan dadkii qurbaha ka tagay ee ku dhintay weerarkii Kismaayo
Xigashada Sawirka, Jubbaland TV
Qoraalka sawirka, Axmewd Maxamed Islaam
Maamulka Jubbaland oo sharraxaad ka bixiyay khasaarihii ka dhashay weerarkii qaraxa ku billowday ee Jimcadii lagu qaaday Hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qaarkood ay ahaayeen dad heystay dhalashooyinka dalal ajaanib ah.
Maxaweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe", oo shir jaraaid ku faahfaahiyay dhacdada ayaa xaqiijiyay in 26 ruux oo halkaas ku geeriyootay ay ku jireen 9 ruux oo qurbaha ka tagay.
Sida uu Axmed Madoobe sheegay, dadkaas ayaa kala ahaa:
3 qof oo Soomaali Kenyan ah.
1 qof oo Soomaali Canadian ah.
1 qof oo Soomaali British ah.
2 qof oo Soomaali American ah.
3 qof oo Soomaali Tanzanian ah.
56 ruux oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkaas oo lasoo afjaray saacadihii hore ee maanta.
wuxuu ahaa weerarkii ugu ciuslaa ee muddo sannado ah ka dhaca magaalada Kismaayo, oo xarun u ah maamul goboleedka Jubbalad, waxaana mas'uuliyaddiisa sheegatay xarakada Al-Shabaab oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida.
Jubbaland oo shaaciyay tirada dadkii ku dhintay qaraxa
Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA JUBBALAND
Qoraalka sawirka, Axmed Maxamed Islaam
Jubbaland ayaa sheegtay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56
kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ka mid ahaayeen 10 qof oo ajaanib ah oo u
kala dhashay waddamada Tanzaaniya, Kenya, Kanada, Mareykanka iyo Britain.
Waxaa sidoo kale ay sheegeen in labo qof oo u dhalatay
wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed
Islaam ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo
mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada
amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.
Madaxweynahu wuxuu xusay in Warbixin dheerad ah oo la xiriirta
sida ay wax u dheceen dhawaan ay Jubbaland soo saarayso kadib marka Hay”adaha
amaanku ay dhameeyaan baaritaanada ay wadaan taas oo la xidhiidha waxyaabaha
xiligan kusoo beegay falkan maadama Kismaayo ay nabadgalyo buuxda ka jirtay.
Weeraka hoteelkii Kismaayo oo la soo gebagabeeyay
Ciidamada amniga Jubbaland ayaa sheegay in soo afjaray weerarka oo iyaga haatan gudaha u galeen hoteelka.
Ilaa haatan lama xaqiijin karo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi balse warar hordhac ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen halka dhaawac badan oo aan tiradiisa la xaqiijin la dhigay Isbitaalka maagaalada Kismaayo.
Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday dad magac leh oo ay ka mid tahay Hodan Naaaleeye iyo seeygeeda Jaamac Fariid.
Weerarka ayaa waxaa uu biloowday 6-dii fiidnimo ee xalay kaasi oo ay mas'uuliyaddisa sheegteen ururka Al-Shabaab.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa war kasoo saartay qarixii iyo weerarkii maanta ka dhacay hoteel ku yaala Kismaayo, sida hoose ayuuna u qornaa war saxaafadeedka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hada booqanaya Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu maanta ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaadheen.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Al-Shabaab ay ka go'antahay sidii shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa taasna ay u marayaan wado walba.
Ciidamada amaanka ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.
Xigashada Sawirka, Madaxtooyadda Jubbaland
Qoraalka sawirka, Axmed Maxamed Islaam oo booqanaya isbitaalka Kismaayo
Qaraxa Kismaayo : Dad badan oo laga badbaadiyay hotel Cascaseey, Qaraxa Kismaayo : Dad badan oo laga badbaadiyay hotel Cascaseey
Illo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in
badan laga badbaadiyay Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay
weli gudaha ugu jiraan rag hubeysan oo xarakada Alshabaab sheegtay in ay iyaga
ka tirsanyihiin.
Ciidamada ammaanka ayaa inta badan aslaaxiyay qolalka iyo
qeybaha hoteelka, waxaae la sheegay in raga hubeysan ay ku jiraan qeyb sare oo
qol shub ka samaysan ah oo uu hoteelka leeyahay.
Dadka lasoo badbaadiyay waxaa ka mid ah odayo dhaqameedyo
magaalada u tagay hawlaha doorashada Jubbaland.
Maamulka Jubbaland weli kama uusan hadlin waxa dhacay, balse
illo wareedyo ay BBC-da heleyso ayaa sheegaya in uu socdo shir guddiga amniga
Jubbaland, kuwaas oo war kasoo saari doona weerarka.
Magaalada Kismaayo ayaa ahayd meesha ugu amniga badan guud
ahaan Koonfurta Soomaaliya, waxaana aad u yaraa qaraxyada iyo dilalkii ka
dhacayay qeybaha kale ee dalka.
Qof xog ogaal ah oo qariyay magaciisa ayaa BBC-da u sheegay
in magaalada gudaheeda ay jireen illaa 15 bar koontarool oo ay ciidamada ku
baaraan gaadiidka iyo dadkaba, sidaasi oo ay tahay ayuu gaariga qaraxa gaaray
bartamaha magaalada, halkaas oo uu ku qarxay casar gaabadkii.
Wo�N�:
Qoraalka sawirka, .
Dad weli warkooda la la’yahay, Dad weli warkooda la la’yahay
Dad kala duwan oo ehelada , saaxiibada iyo qaraabo la ah dad
ku sugnaa hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo oo BBC-da lasoo xiriiray ayaa
sheegay in ay la’yihiin dad ehelkooda ah.
Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo horey
u ahaa xildhibaan iyo wasiir federal ah oo haddana ahaa musharax u taagan xilka
madaxtinimo ee Jubbaland.
Dad ehelkiisa ayaa sheegaya in uu taleefoonkiisa
dansanyahay.
Waxaa jira dad kale oo weli raq iyo ruuxba lagu la’yahay.
Dad aad u tiro badan oo u tagay hawlaha doorashada ayaa ku
sugnaa magaalada, hoteeladana waxa ay ahaayeen kuwa dad la ciirciiraya.
Mas'uuliyiin ururada bulshada rayidka oo magacooda ka gaabsaday ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan dad badan oo gidaarka hoteelka ka booday, lagana yaabo in iyaga iyo taleefoonadooda ay kala lumeen, berina ay si wanaagsan u kala caddaan doonto cidda maqan iyo cidda la heley,
Saamaynta Qaraxa Kismaayo oo laga dareemay dhinacyada magaalada, Saamaynta Qaraxa Kismaayo oo laga dareemay dhinacyada magaalada
Qaraxa maanta Kismaayo ka dhacay waxa uu ahaa mid aah u
culus oo laga dareemay qeybaha kala duwan ee magaalada Kismaayo.
Muuqaal laga duubay garoonka kubbada cagta ee Waamo oo ka
fog meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay iyada oo lagu kala cararayo, iyo
dad hanfariirsan.
Muuqaalka ayaa muujinaya uurada iyo qaaxa qaraxa oo uu
muuqaalka meel fog ka qabtay.
Dad kala duwan oo magaalada ku sugan oo ay BBC la hadashay
ayaa sheegay in guryaha ay ku ruxmeen, qaarkood uu saqafka wax gaaray.
Magaalada ayaa la ciirciireysa dad aad u badan oo magaalada
u tagay arrimaha doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha Jubbaland, iyada
dhammaan hoteelada ay buuxaan.
Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada
Qoraalka sawirka, Garoonka waamo
Qaraxa Kismaayo : Rasaasta oo weli ka dhex socota hotel Cascaseey, Rasaasta oo weli ka dhex socota hotel Cascaseey
Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya weerar qarax iyo
tacshiirad isugu jira oo casir gaabadkii maanta lagu qaaday hotel ku yaala
magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas ka dhacaysa gudaha
hoteelka saacado kadib markii uu weerarka biloowday.
Ciidamada amniga ayaa la tacaalaya rag hubeysan oo ku jira
gudaha hoteelka, waxaana jira warar ka hadlaya in ay jiraan dad halkaas weli ku
xayiran oo aanan la garanaynin bad qabkooda.
Lama oga tirada rasmiga ah ee qasaaraha dhacay dhimasho iyo
dhaawacba, sababtoo ah weli saraakiisha dowladda kama hadlayaan xaaladda.
�fk�{Ȃ
Qoraalka sawirka, .
Muqaallada muujinayo xasuuq ka dhacay Suudaan
BBC ayaa daboolka ka qaadday caddaymo muujinaya in weerar lagu qaaday
dad banaanbaxayey saddexdii bishii June waddanka Sudan amarkaas oo kasoo baxay
halka ugu sarraysa.
Barnaamijka BBC Africa eye ayaa daraasad ku sameeyey in ka badan
300 oo muuqaallo ah oo taleefoonno lagu qaaday magaalada Khartoum subaxnimadaas,
ayagoo ka dibna isu geeyey oo halkaa ay ka soo baxday faahfaahin la xiriirta
xasuuq lagu laayey tiro dad ah.
Ciidammada
sida militariga u tababaran ee Suudaan RSF oo uu raacayay amar kasoo baxay
golaha maamulka haya ee Suudaan ayaa xoog ku galay goobtii ay dibadbaxyaashu
fadhiyeen isla markaasna rasaas ku furay shacabkii dibadbaxyada dhigayay.
Dadkii kasoo badbaaday dhibaatadaas ayaa waxay sheegeen in ciidammada
RSF ay meydadka ku tureen webiga Nile.
BBC waxay la hadashay labo nin oo la sheegay inay katirsanayeen
ciidammada sida militariga u tabbabaran ee RSF ee suudaan, waxay sheegeen inay
qeyb ka ahaayeen ciidammadii weerarka ku qaaday dibadbaxyaasha.
Hoggaamiyeyaasha militariga Suudaan waxay beeniyeen
inay ku lug lahaayeen xasuuqa balse waxay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen saraakiil
khas wadayaal ah.
Isbaheysiga haya talada Itoobiya oo uu khilaafkoodu bannaanka usoo baxay
Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ee ADP ayaa
weerar afka ah ku qaaday xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF kaas oo uu sheegay
inuu halis ku yahay mustaqbalka Isbaheysiga haya talada Itoobiya.
Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee (EPRDF) ayaa waxaa
ku buhoobay ilaa afar xisbi oo ay kamid yihiin ADP iyo TPLF.
Arbacadii, xisbiga TPLF ayaa ku eedeeyay
xisbiga Amxaarada inay la shaqeynayeen ciidammadii khaska waday isla markaasna
ay carqaladeeynayaan amniga gobolka.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli bishii hore
isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada lagu dilay madaxweynihii
gobolkaas Ambachew Mekonen iyo saraakiil sare.
“Xisbiga ADP waa inuu eegaa xaaladda cakiran ee
ka taagan gudaha, ayna baaritaan ku sameeyaan dhacdadii lagu dilay saraakiisha
iyo waa inay raalli bixiyaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xisbiga TPLF.
Marka ay timaaddo arrimaha amni darrada,
xisbiga Amxaarada waxaa uu ku eedeeyaa inay lug ku leeyihiin xisbiga Tigreega.
“Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii
aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa
ah” ayaa lagu yiri qoraal xisbiga ADP uu kusoo qoray Facebook.
Khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka
tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya ayaa waxaa uu halis ku yahay midnimada
iyo wadashaqeynta xisbigaas, sida uu BBC u sheegay qof falanqeeyo siyaasadda
dalka Itoobiya.
Militariga Koonfur Afrika oo loo daadgureeyay magaalada Cape Town
Ciidammada qalabka sida ee dalka Koonfur Afrika ayaa loo
daabulay deeganno ay rabshado ka dhaceen oo ku yaalla magaalada Cape Town.
Warbaahinta maxalliga ayaa kusoo warrameysaa in rabshadaha ay
sare u kaceen markii uu soo ifbaxay dagaallo u dhexeeyo kooxo burcad ah oo ku
saleysan argoosi.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay rabshadaha ka dhacay Cape Town
maalmihii lasoo dhaafay.
Xafiiska wasiirka qaabilsan booliska Bheki Cele ayaa sheegay in
daadgureynta militariga ay tahay tallaabo lagu xoojinayo amniga magaalada.
“Waxaan tegin doonaa albaab kasta, waxaan soo uruurin doonaa
qoryaha sida sharci darrada loo heysto” ayuu yiri Mr Cele oo la hadlayay
warbaahinta gudaha.
Cape Town waxaa sannado badan ka taagnaa rabshahada ay u
horseedaan buracadda, dowladdana waxay waddaa dadaallo ay ku xaqiijineyso
amniga.
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in xeryaha laga sii daayo muhaajiriinta ku sugan Libya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dagaallo u dhexeeya ciidammo u hoggaaminayo Janaraal Khaliifa Haftar iyo dowladda ayaa ka socdaa Libya
Ha'yadda Qaramada Midoobey ee qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo Ha'yadda socdaalka adduunka ee IOM ayaa waxay ugu baaqeen mas'uuliyiinta dalka Libya inay sii daayaan muhaajiriinta lagu xeryaha ku yaalla dalkaas.
Waxay ha'yadahan ka codsadeen Midowga Yurub inay dib u bilaabaan howlgal dhanka biyaha oo laga sameynayo badda Mediterranean-ka sii loo soo badbaadiyo muhaajiriinta naftooda ku biimeynayaa halkaas.
Waxay sidoo kale sheegeen in 5,600 muhaajiriin ah lagu hayo xeryahaas, "Waa in xeryaha laga sii daaya iyadoo la dhowrayo badqabkooda ama waa in dalalka loo qaada si dib u dejin ay uga helaan"
Bayaanka kasoo baxay UNHCR iyo IOM ayaa kusoo beegmayaa xilli horraantii bishan weerar lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen muhaajiriinta oo ku taalla duleedka magaalada Tripoli, halkaas oo ay ku dhinteen in kabadan 50 qof oo muhaajiriin ahaa.
Golaha sare ee haya talada dalka Suudaan ayaa waxay sheegeen inay fashiliyeen isku day afgembi oo dalkaasi ka dhacay.
Afahayeen u hadlay militariga Suudaan, Janaraal Jamaal Cumar ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah loo xiray isku dayga afgembi ee ka dhacay Suudaan, waxaana shakhsiyaadkaasi kamid ah saraakiil ciidammada katirsaneyd oo howlgab ah iyo kuwo horey uga ka tirsanaa sirddooonka iyo laamaha amniga Suudaan.
"Waxaan aragnay dad halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin kooxo diiddan waxyaabaha ay doonayaan shacabka" ayuu yiri Janaraal Cumar.
Waxaa uu intaas ku daray in isku dayga afgembi looga gollahaa in lagu hor istaago heshiiskii awood qeybsiga ahaa ay dhawaan wada gaareen golaha sare ee militariga iyo Isbaheysiga mucaaradka.
Waa markii saddexaad uu isku day afgembi uu ka dhaca Suudaan oo ay sheegeen hoggaamiyeyaasha militariga inay fashiliyeen.
War kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wixii
hadda ka dambeeya uu Mudane Mikhail Golovanov yahay safiirka rasmiga ah ee Ruushka
ku matala Soomaaliya.
Dhanka kale safiir ayaa warqad casuumaad ah ka waday
madaxweynaha Ruushka, taas oo ah in Farmaajo uu booqasho ku tago dalkaas
Ruushka, isaga oo ka qeybgalaya shirka Afrika iyo Ruushka eek a dhici doona
magaalada Sochi.
Haweeney ku caan baxday la dagaalanka musuqa oo loo heysto eedeymo wax isdabo marin ah
Xigashada Sawirka, Gallo Images
Qoraalka sawirka, Busisiwe Mkhwebane way beenisay eedeymaha loo heysto
Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo ku caan baxday la
dagaalanka musuq maasuqa ayaa iyada lafteyda loo heysta eedeymo wax isdabo marin ah.
Saraakiil sare oo ka
tirsan dowladda Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay Busisiwe Mkhwebane in
xafiiskeeda uu wado olole siyasaadeed oo aanan loo bogin si ay ugu eexato dadka
mas’uuliyiinta musuq maasuqa lagu eedeeyay.
Waxaa ay sheegeen inay haweeneydan ay weerar ku qaaddo
siyaasiyiinta daacadd ah si ay waddada ugu xaarto siyaasiyiinta musuq maasuqa
loo heysta si ay awoodda dalka Koonfur Afrika u qabtaan.
Toddobaadkan ayay aheyd markii wasiir caan ka ah dalka Koonfur
Afrika uu dacwad ka gudbiyay warbixin ay soo saartay haweeneyda u ololeysa ka
hortagga musuq maasuqa.
Waxaa uu ku tilmaamay warbixinteeda mid sharic darro ah oo lagu
beegsanayo isaga si ay u sameyso qorshe ay Koonfur Afrika ugu celineyso
xilliggii muqddiga ahaa oo aysan dalka ka jirin kala dambeyn.
Balse Busisiwe Mkhwebane ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay.
Madaxweyne Cyril
Ramaphosa ayaa isku dayaya inuu musuq maasuqa ka ciribtiro Koonfur Afrika kaas
oo harreeyay dowladdii ka horreysay ee Jacob Zuma.
Qoraalka sawirka, Markabka Ingiriiska ayaa ka hortaggay doomaha Iiraan
Doomo laga leeyahay Iiraan ayaa isku dayay in isku hor gudbaan
markab uu leeyahay Ingiriiska oo marayay meel u dhaw marin biyood ku yaalla
Khaliijka ka hor inta uusan u soo gurman markabka dagaalka ee ciidammada badda
Ingiriiska, sida ay sheegtay waasaraadda gaashaandhigga ee dalkaas.
Afahayeen wasaaradda gaashaandhigga Ingiriiska ayaa waxaa uu
sheegay in tallabada ay qaaday Iiraan ay kasoo horjeedo shuruucda caalamiga.
Iiraan waxay ku hanjabtay inay gacanta ku dhigi doonto mid kamid
ah maraakiibta Ingiriiska ee mara gacan biyoodkaas balse waxay beenisay inay
sameysay isku day argoosi ah.
Doomahan la rumeysan yahay inay lahaayeen ciidammada ilaalada
xeebaha ee Iiraan ayaa sameeyay isku day ay ku joojinayeen markabka Ingiriiska
oo marayay gacan biyoodka Hormuz.
"Ma jirin wax isku dhacyo ah oo aan la galnay Markab
shisheeye sida Mid Ingriiska laga leeyahay" ayaa lagu yiri warka kasoo
baxay ciidammada ilaalada xeebaha Iiraan.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Javad Zarif waxaa uu
sheegay in Ingiriiska uu wado warar uu ku abuurayo xiisad.
Madaxweynaha Nigeria oo xulka qaranka ku tilmaamay 'koox aanan la loodin karin'
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa ammaanay guusha ay gaareen xulka qaranka Nigeria isla markaasna ku tilmaamay kuwo aanan laga adkaan karin.
Waxaa uu sheegay in dhammaan shacabka dalkiisa ay ka dhuur sugayaan natiijada ay xulka qaranka kasoo hoyiyaan Koobka Qaramada Afrika ee hadda ka socda dalka Masar.
Xulka Nigeria ayaa Koonfur Afrika kaga badiyay 2-1, waxay Nigeria ugu gudubtay ciyaarta nus dhammaadka ee Koobka Qaramada Afrika.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Goolasha waxaa xulka Nigeria uu kala dhaliyay William Troost-Ekong iyo Samuel Chukwueze.
Nigeria waxay Axadda la dheeli doontaa kooxaha usoo gudba ciyaaraha nus dhammaadka gaar ahaan xulalka Ivory Coast iyo Algeria oo ay ku xiran tahay midka soo baxa.