You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Qaraxa Kismaayo : Jubbaland oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxa

Kulanti wacan akhyaarta halkan naga daalacataay kusoo dhawaada tebinta tooska ah.

Tebin toos ah

  1. Subax wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Khamiis taarikhda waxay ku beegan tahay 11-ka bisha Luuliyo sannadka 2019-ka.

  2. War deg deg ah, Safiirka Ingiriiska ee u fadhiya Mareykanka oo is casilay

    Safiirka Ingiriiska ee u fadhiya dalka Mareykanka, Sir Kim Darroch ayaa is xilka iska casilay kaddib markii uu khilaaf dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Axaddii ayay aheyd markii ay bannaanka usoo baxeen Emailo muujinayaa aragtida uu safiirka ka qabo maamulka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan ka qaldanyihiin.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay ayaa ku tilmaamay safiirka inuu yahay qof doqon oo maraan ah.

    "Safiirka waalan ee UK ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay" ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

  3. Xildhibaankii ku dhex dagaalamay ‘dukaanka lagu iibiyo qalabka galmada’ oo diiday in uu ka dhaarto

    Elisha Abbo, oo ahaa Senetar Nigerian ah uu horraan ku dhex dagaallamay dukaan galmada lagu iibiyo ayaa diiday inuu ka dhaarto dhacdadaas kaddib markii uu hor tegay guddiga ka tirsan aqalka Senetka ee Nigeria.

    Waxaa Senetarka laga doonayay inuu caddeymaha ku gadaaman dhacdadaas uga warbixiyo xildhibaanada kale sii loo ogaado sababihii ka dambeeyay falalkaas.

    "Arrintani waxay hortaalla maxkamadda, kamana hadli karo xilligan oo ay warbaahinta halkan joogaan" ayuu yiri Elisha Abbo.

    Elisha Abbo oo ah Senetar reer Nigeria ah oo 41 jir ah ayaa raali galin bixiyay ka dib markii uu u gacan qaaday gabadh ku sugan dukaan lagu iibiyo waxyaabaha galmada loo adeegsado, wuxuuna sheegay in aan horay loogu aqoon ficilladaas oo kale.”

    Talaadadii lasoo dhaafay ayaa la baahiyay muuqaal laga helay kaameerada ammaanka ee CCTV loo yaqaanno, kaas oo muujinaya masuulka oo u gacan qaadaya gabadh caawiso ka ah dukaankaas, waxaana muuqaalkaas baahiyay wargeyska Premium Times. Intaas wixii ka dambeeyayna ficilka Abbo ayaa aad loo cambaareeyay.

    Seneterka ayaa BBC-da u sheegay in muuqaalka “la jarjaray” wuxuuna sheegay in laga reebay qayb ay gabadhu isaga u gacan qaadaysay.

    Isaga oo raali galinta u akhrinaya saxafiyiinta ayuu Abbo yiri: “Si dhab ah ayaan uga xumahay waxa dhacay, siday doontaba ha ku timaaddee, rag iyo dumar kaste oo wanaagsanna waa in ay lahaadaan qalbi ay wax ku cafiyaan.”

  4. Faransiiska oo beeniyay inuu hub siiyay Janaraal Khaliifa Haftar

    Gantaallada dagaalka oo uu lahaa Faransiiska ayaa laga helay saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamo daacad u ah Janaraal Khaliifa Haftar balse Faransiiska waxaa uu sheegay in hubkaas aanan loogu talagelin kooxaha ka dagaallama Libiya, sida laga soo xigtay militariga Faransiiska.

    Gantaallada oo lagu soo sameeyay Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay laga helay saldhig militari oo ku yaalla Libya.

    Militariga Faransiiska waxaa uu sheegay in gantaalladaas ay uga yimaadeen dhinaca Mareykanka balse ay ku wareejiyeen cidammadooda dagaalka kula jiro argagixisada ee ku sugan Libya.

    Waxay sidoo kale sheegeen in hubka ay burburiyeen isla markaasna ay si kumeel gaar ah u dhigeen bakhaar hubka lagu keyddiyo oo ku yaalla Libya.

    ilaa hadda lama ogo tallaabada xigta balse militariga Faransiiska waxay beeniyeen in hubkaas ay siiyeen maleeshiyaadka ka dagaallama Libya.

    Bishii lasoo dhaafay, ciidammada dowladda Libya ee taageerada ka hela Qaramada Midoobey ayaa sheegay in saldhig ay leeyihiin ciidammada Haftar ay ka heleen hubkaas.

  5. Antonio Guterres: Maamul xumada ayaa sabab u ah argagixisada

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa waxaa uu sheegay in rabshadaha iyo takrifallada awoodaha ay yihiin arrimaha horseeday argagixisada.

    Waxaa uu ugu baaqay dalalka xubinta ah Qaramada Midoobey inay ka hadlaan isla markaasna ay wax ka qabtaan sababaha horseeday soo shaac bixidda urarada argagixisada dunida.

    Antonio Guterres oo ka hadlayay shirka Qaramada Midoobey ee looga hadlayay arrimaha argagixisada oo ka furmay dalka Kenya.

    Waxaa uu ka dhawaajiyay in tacadiyadda ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo maamuli xumada ay kamid yihiin arrimaha horseeday inay sare u kacaan ficilada argagixisada.

    Waxaa shirka lagu marti qaaday dhammaan dalalka xubinta ka ah Qaramada Midoobey si loo falanqeeyo tallaabooyinka looga hortaggi karo argagixisada.

  6. Dambiilayaasha ma noqon karaan daris wanaagsan?

    Maxay tahay ujeeddada ka dambeysa in qof xabsi loo diro, ma in lagu ciqaabo mise in dhaqan celin looga sameeyo? Labaatan sana ka hor Norway waxay billaawday barnaamij habka loola dhaqmo maxabiista ay wax kaga beddeleyso si loo yareeyo iney maxabiista markale ay dambi galaan.

    Wariyaha BBC Emma Jane Kirby ayaa u kuurgashay tallaabbooyinka ay dowladda Norway wax kaga beddeshay sida loola dhaqmo macabiista, waxayna la kulantay qaar ka mid ciidamada loo tabbaray dhaqan celinta macabiista ee xbsigaasi ka shaqeeya oo tusaale ku dayasho mudan ka noqay howlaha ay xabsiga ka qabteen.

    Macabiis ka badan 20 oo barnaamijkan ka qayb qaadaneysa ayaa meel caws ah saf u jiifta oo sameeyneyso ciyaarta Yoga, macallimaddooda ayaana amar ku siinaysa waxa ay sameeynayaan.

    "Iyaguna waxay leeyihiin sida aad nagu amartay ayaa sameeynay, haa xubnaha oo dhan waan toosinnay, Haa".

    Ciyaarta Yoga waa mid caalamka oo dhan caafimaad ahaan looga isticmaalo balse dadka ciyaartaasi ka qayb qaadanaya waxay ku sugan yihiin xabsiga Norway ee ammaankiisa aadka loo adkeeyo ee Halde.

  7. Mareykanka oo la sheegay inuu indhaha ka dadatay warbixinta ku saabsaneyd dilka Khaashuqji

    Mareykanka ma ahan inuu ka aamusnaado warbixinta ku saabsaneyd dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Khaashuqji sannadkii lasoo dhaafay, sida ay sheegtay khabiir ka tirsan Qaramada Midoobey.

    “Mareykanka waa inuu tallaabo qaado oo uu ku aadan warbixinta” ayay tiri Agnes Callamard oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

    Waxay ugu baaqday Mareykanka inuu bilaabo baaritaano madaxbanaan oo ku saabsan arrintaas.

    Warbixinta ayaa lagu xusay in dilkii Kaashuqji loogu geystay safaaradda Sucuudiga ee Istanbul uu ahaa mid sharciga ka baxsan oo aanan la aqbaleyn.

    Waxay sidoo kale ka codsatay Mareykanka inuu sameeyo baaritaanno madaxbannaan iyadoo uu sii marayo laanta sirddoonka ee FBI-da.

    Callamard oo ay garab taagneyd gabadhii u dooneyd Khaashuqji xilli ayaa waxay ka hadlayeen shir ja’raaid oo lagu qabtay magaalada London, warbixinta Qaramada Midoobey oo ka koobneyd ilaa 101 bog ayaa lasoo bandhigay bishii June, waxaa lagu sheegay inay jiraan caddeymo laisku haleyn karo oo muujinayo in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Sucuudiga ay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

    Callamard waxay sidoo kale ugu baaqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey inuu bilaabo baaritaanno caalami ah oo lagu sameynayo dilka Khaashuqji si tallaabo looga qaado dadkii ka dambeeyay dilkaas.

  8. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Arbaco taarikhda waxay ku began tahay 10-ka bisha Luulyo sannadka 2019-ka.