“Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xor bay u tahay”
Warbixintaas iyo kuwo kale oo Soomaalida iyo caalamka ku saabsan kaga bogo tabinteenna tooska ah.
Tebin toos ah
Shirkad xiriir la leh militariga Itoobiya oo laga joojiyay qanddaraaska dhisitaanka biyo xireen
Qoraalka sawirka, Biyo xireenkan wuxuu noqonaya midka ugu wayn qaaradda Afrika waa haddii la dhamaystiro
Dowladda Itoobiya ayaa shirkad
xiriir la leh militariga dalkaasi ka joojisay qanddaraas lagu siiyay dhistaanka
biyo xireenka muranka dhaliyay ee laga dhisaya webigaa Nile.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy
Axmed ayaa ku eedeeyay shirkadda inaysan lahayn khibrad ay uga shaqeyso
mashruuca lagu dhisaya biyo xireenka wayn.
Shirkadda Metec oo hoos timaado
wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Itoobiya waxay lumisay qanddaraaska kaddib
markii ay daahisay agabka lagu dhisayay biyo xireenka.
Waxay tallaabadan saamaynaysaa shirkaddan
oo ay sannado badan maamulayeen shakhsiyaad ka tirsan militariga Itoobiya.
Militariga Itoobiya ayaa sannado
badan ku lug lahaa maamulidda dhaqaalaha dalkaasi balse Ra’iisul
wasaaree Abiy Axmed ayaa arrintaasi isabbadallo ku samaynayaa.
Magaalada Muqdisho waxa si xiiso leh
uga socdaa tartanka kubadda cagta ee kooxaha degmooyinka gobolka Banaadir oo
bilowday Jimcihii la soo dhaafay. Illaa 17 kooxood ayaa ka qaybgalaya tartanka
kuwaas oo loo kala qaybiyay afar qayb.
Dadweyne boqollaal gaaraya ayaa galab kasta u daawasho tagaa garoomada ay
ciyaarahaasi ka socdaan..
Guddoomiyaha cayaaraha gobolka Banaadir Xasan Wiish oo u warramayay weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in tartankan uu yahay mid sannadle ah oo loo qabto dhalinyarada ku dhaqan gobolka Banaadir islamarkaasna uu yahay tartanka ugu xiisaha badan.
Wuxuu intaasi ku daray in tartanka ay ka qayb galayaan 17-ka kooxood ee matalaya degmooyinka gobolka Banaadir.
Tartanka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo 17-ka bisha September, sida uu sheegay Xasan Wiish.
Qoraalka sawirka, Kooxaha cayaarta ka qaybgalaya
Cabdi Maxamuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay
Qoraalka sawirka, Cabdi Maxamuud Cumar
Xafiiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in
madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud
Cumar xabsiga loo taxaabay.
Wararku waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar laga xiray
gurigiisa oo ku yaala meel u dhow Huteelka Atlas ee magaalada Addis Ababa.
Cabdi Maxamuud Cumar waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay
dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sidoo kale uu huriyay dagaal dhexmaray
qowmiyadaha qaar.
Warbaahinta dowladda Itoobiya ee ETV waxay ku warrantay in
booliska ay xabsiga u taxaabayaan saraakiil kale oo xiriir la lahaaCabdi Maxamuud Cumar.
Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Dowlad deegaanka
Soomaalida ee Itoobiya ay Cabdi Maxamuud Cumar ay xasaanadda kala noqdeen.
Sidoo kale dadka xasaanadda lagala noqday waxaa kamid ah:
Maxkamadda sare ee ku taalla magaalada Gulu ee waqooyiga Uganda
ayaa damaanad kusoo daaysay xildhibaan Bobi Wine ahna sidoo kale heesaa iyo
saddex xildhibaan oo kale la xirnaa.
Waxaa jiray cambaareyn caalami ah oo ka dhanka ahayd xiritaanka Bobi
Wine iyo dacwadda lagu soo oogay.
Qaar kamid ah qareenadii difaacayay xildhibaanka ayaa dhaawac loo
gaystay xilli Bobi Wine uu ku jiray gacanta booliska.
Ceelasha shidaalka Suudaanta Koonfureed oo dib loo howlgelinayo
Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Qoraalka sawirka, Agagaarka goobaha shidaalka ee ku yaalla gobolka Upper Nile
Suudaanta Koonfureed waxay shaaca ka
qaaday inay dib u bilaabayso howlaha shidaal soo saarista bisha dambe kaddib
markii sannadkii 2013-kii la hakiyay wax soo saarka ceelasha shidaalka.
Wax soo saarka ceelasha shidaalka Suudaanta Koonfureed ayaa lagu wadaa inuu maalin kasto soo saaro 375,000 barmiil
muddo saddex sanno gudahood.
Shan sanno ka hor yay ahayd markii
dagaallada dartood loo joojiyay howlaha shidaal soo saarista dalkaasi, dalka
wuxuu qorsheynayaa in maalin kasta uu ceelasha kasoo saaro 80,000 barmiil.
In dib loo bilaabo howlaha
shidaalka waxay ka qayb ahayd heshiiskii xabad joojinta ahaa ay dhawaan kala
saxiixdeen hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar iyo madaxweynaha South Sudan Salva Kiir.
Trump wuxuu la kulmay Buhari oo “mayd noole ah”
Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kaaliyeyaashiisa u
sheegay in uu rabo in uusan mar dambe la kulmin madaxweynaha Nigeria Muhammadu
Buhari oo 75 jir ah oo uu ku tilmamay mayd noole, ka dib markii uu Aqalka Cad ku
qaabilay bishii Abriil, sidaa waxaa wargeyska UK ka soo baxa ee Financial Times
u sheegay saddex ilood.
Buhari ayaa ahaa hoggaamiyihii koobaad ee dalalka Saxaraha
Afrika ka hooseeya ee Trump uu ku casuumo Aqalka Cad, taas oo muujisay in
madaxweynaha Maraykanku uu Nigeria oo shidaal badan soo saarta lana
dagaalamaysa koox jihaaddoon ah u arkay mid ka mid ah xulafadiisa muhiimka ah.
Trump ayaa qorshaynaya in uu la kulmo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru
Kenyatta galinka dambe ee Isniinta si ay uga wada hadlaan ganacsiga iyo
ammaanka.
Xaaladda caafimaad ee Robert Mugabe oo laga deeyrinayo
Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ayaa sheegay inuu
xanuunsan yaay madaxweynihii hore ee dalkaasi Robert Mugabe oo 94 jir ah islamarkaasna
xaaladdiisa caafimaad laga deeyrinaayo.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Robert Mugabe iyo xaaskiisa Garce kama aysan qayb gelin munaasabaddii lagu caleemo saaray madaxweyne Mnangagwa.
Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay in Robert Mugabe uu taageero hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi Nelson Chamisa oo ka hor yimid natiijadii doorashada ee muranka dhalisay.
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aqalka cad ee
looga arrimiyo dalka kulan kula qaadan doonaa madaxweynaha Mareykanka Donald
Trump ka hor inta aysan kulan kale oo labo geesood ah la yeelan waftiga labada
dhinac.
Mareykanka ayaa ah isha ugu wayn ee howlaha dalxiiska Kenya.
Kenya waxay ku rajo wayn tahay in duulimaadka tooska min New
York ilaa Nairobi ee bilaabanaya bisha Oktoobar uu xoojin doono ganacsiga
dalxiiska.
Kenya ayaa loo arkaa saaxibka ugu muhiimsan ee Mareykanka
marka ay timaado la dagaalanka aragagixisada ee gobolka bariga Afrika.
Trump iyo Kenyatta ayaa sidoo kale ka wada hadli doonaa
xoojinta iskaashiga arrimmaha ammaanka labada dal.
Dab xoog badan oo ka kacay deegaan wajeer ka tirsan
Wararka naga soo gaaraya Wajeer aya sheegaya
in deegaan ka tirsan halkaasi uu dab kacay.
Dabkani oo socday muddo saacado ah ayaa ka
kacay goob dhul daaqsimeed ah oo u dhaxeeysa deegaanka Booji Yarey iyo
Shanta Abaq, waxaana ka dhashay khasaare.
Dabeylo xoog badan ayaa jiray taas ayaana horseedayin dabku si xawli ah u faafo.
Muuqaalka Bobi Wine oo maxkamad ka soo muuqday
Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya fannaanka
caanka ah ee reer Uganda ee xildhibaanka noqday Bobi Wine oo socodku ku adag yahay ka
dib markii uu ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Gulu ee dhanka
waqooyi dhacda, isaga oo la sheegay in la jir dilay
intii uu xirnaa.
BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto
runnimada muuqaalkan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Myanmar oo dib u dhigtay maxkamadaynta wariyeyaasha Reuters
Maxkamad
ku taalla Myanmar ayaa dib u dhigtay xukun ay ku ridi lahayd labo saxafi oo ka
tirsan wakaaladda wararka ee Reuters kuwaas oo lagu eedeeyay in ay heleen
macluumaad sir ah oo ay dawladdu lahayd.
Masuul
hadlay ayaa sheegay in xukunka la jeedin doona saddexda bisha Sabtembar,
sababtuna ay tahay in uu xanuunsaday garsoorihii.
Wa Lone iyo
Kyaw Soe ayaa sheegay in booliisku ay caddaymo been ah keeneen sababta loo
haystana ay tahay in ay ka warrameen dadkii badnaa ee Muslimiinta Rohingya ahaa
ee la laynayay.
Xigashada Sawirka, AFP
Baadari Francis oo ka aamusay eed tacaddi la xiriirta oo loo soo jeediyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Baadari Francis-ka
ugu sareeya mad-habta kaatoligga ayaa diiday in uu ka jawaabo eedaymo uu soo
jeediyay dublamaasi hore oo Vatican-ka ka tirsanaan jiray, kaas oo isaga ku
eedeeyay in uu qariyay eedaymaha sheegaya in baadari Maraykan ah uu tacadiyo galmo
gaystay.
Saxafiyiinta
ayaa su’aashaas waydiiyay Baadari waynaha markii uu diyaaradda ka raacayay
Ireland oo uu booqasho ku joogay isaga oo ku sii jeeda magaalada Roma.
Wuxuu
sheegay in uusan hal eray xataa ka dhahaynin eedaymaha ku saabsan baadari Carlo
Maria Vigano, isaga oo muujiyay in aysan u qalmin in laga jawaabo.
Xigashada Sawirka, EPA
Nin looga shakisan yahay in uu wiil yar oo heer Netherlands dilay 1998 oo la qabtay
Xigashada Sawirka, NETHERLANDS POLICE
Booliiska dalka Netherlands oo baarintaan ku hayay Nicky
Verstappen oo ahaa wiil isagoo ciyaal iskuul la waayay meel uu jaan iyo
cirib dhigay ka dibna la dilay ayaa sheegay in ay Spain ku xireen ninkii ay
tuhunka ugu wayn ka qabeen.
Jos
Brech ayaa si wayn loo tuhmay ka dib markii xukuumadda Netherland ay sameysay
howgalkii ugu baaxad waynaa ee lagu baarayo dheecaanka hidda sidaha ee DNA, dadkii
la baarayna waxaa ka mid ahaa qaraabaadiisa.
Booliiska
ayay arrintani siinaysaa calaamad muhiim ah oo dilka la xiriirinaysa
Jos Brech ka dib markii DNA laga qaaday dharka Nicky Verstappen.
Waxaa imika socota geedi socod lagu doonayo in ninkani loogu soo
gacan galiyo dowoladda Netherlands.
"Jos
B, oo 55 ah waxaa looga shakisan yahay dhimashada Nicky Verstappen waxaana
Axaddii galinkii dambe lagu xiray dalka Spain, waxa uuna ku jiraa xabsiga
islamarkana waxaa lagu soo wareejin doonaa Netherlands," waxaa sidaasi
lagu sheegay bayaan ay soo saareen booliiska gobolka Limburg.
Xarigga
ninkani ayaa ka dambeeyay ka dib markii dadwaynaha codsi loo jeediyay
toddobaadkii aan soo dhaafnay islamarkaasna la baahiyay sawirrada ninka laga
shakisan yahay.
Jos
Brech ayaa la xiray ka dib markii uu qof shacab ah aqoonsaday islamarkana uu
booliiska ku wargaliyay.
Wiilkani
lagu magacaabo Nicky oo xilligaasi jiray 11 sano waxaana la waayay bishii
Agoosto ee 1998 waxaana markii dambe maydkiisa laga helay meel keyn ah.
Jos
Brech, oo isagu ku noolaa meel u dhaw goobta uu dilka ka dhacay ayaa sanadkan
la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay ka dib markii la qaaday dheecaanka DNA.
Cadeynta kali
ah ee la hayo ayaa ah dhiiga DNA oo laga qaaday dharkii uu xirnaa Nicky.
In ka
badan 14,000 oo rag ah ayaa si iskood ah u bixiyay dheecaanka DNA oo ay siiyeen
baarayaasha islamarkana kuma jirin ragani cid dilka lagu tuhunsan yahay. Markii
la waayay oo uu dhuuntay Jos Brech bishiiAbriil ee sannadkan waxay booliiska baaritaan ku sameeyeen gurigiisa markaasi oo ay ogaadeen in
100% dheehaankiisa hidde sidaha ee DNA uu yahay midkii laga helay jirkii Nicky'.
Xigashada Sawirka, NETHERLANDS POLICE
Kuuriya Waqooyi oo siidaynaysa dalxiiseyaal Japan u dhashay
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dadka dalxiiska u aada Kuuriyada Waqooyi ayaa si dhaw loola socdaa wakhti walba
Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay siidaysay
dalxiiseyaal Japan u dhashay, iyadoo arrintaas ku sababaysay banii’aadminimo.
Xog yar ayaa laga og
yahay Tomoyuki Sugimoto, balse waxaa la og yahay in la xiray horraantii bishan.
Kuuriyada Waqooyi faahfaahin
kama bixinin sababta loo xiray, balse waxay sheegtay in uu sharciga jabiyay,
warbaahinta Japan ayaa sheegtay in laga yaabo in uu sawirro ka qaadayay xarun
milatari.
Dalxiiseyaasha
booqda Kuuriyada Waqooyi ayaa si dhaw loola socdaa mar kaste.
Dalkan xogtiisa
aadka u qariya ayaa hadda ka hor xiray dalxiiseyaal. Mararka qaarna si aan kala
sooc lahayn, waxayna u adeegsadeen in ay kula gorgortamaan dalalkii ay u
dhasheen.
Dadkii u dambeeyay
ee ay sidaas ku sameeyeen waxaa ka mid ahaa Otto Warmbier oo ahaa arday
Maraykanka u dhashay oo loo xiray in uu xadayay astaan huteel taallay.
Waxaa sidoo kale loo
fasaxay xaalad banii’aadminimo, balse wuxuu Maraykanka gaaray isaga oo aad u
xannuunsan maalmo ka dib ayuuna geeriyooday.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Otto Warmbier
Miino la riday Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo daad gurayn baaxadleh horseeday
Magaalo Jarmalka ku taalla ayaa muddo lix saac ah dadkii laga
daad gureeyay si loo xaqiijiyo in lakala furfuro oo la qaado bam toddobaadkan
horraantiisii la helay oo la adeegsaday dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Dad lagu qiyaasay 18,500 oo ruux ayaa laga daad gureeyay Ludwigshafen oo ku taalla
bartamaha dalka Jarmalka.
Bamkan oo hawada
laga soo riday ayaa culayskeeda lagu sheegay 500kg, waxaana helay shaqaale
dhismo.
Jarmalka waxaa wali
ku jira bambooyin aan qarxinkuwaas oo
ay soo rideen xulafadii Nazi-ga ka dhanka ahayd.
Maamulka magaalada
ayaa sawirka bamka soo dhigay Twitter-ka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Waxaa la rumaysan yahay in Maraykanku uu bamkaas oo ganay intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Bishii Sabtembar ee 2017kii Frankfurt ayaa laga daad gureeyay 70,000 ka dib markii magaalada laga helay bam ay Britain soo gantay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Boosteejada tareenka ee ugu wayn magaalada Baarliin ayaa dad laga daad gureeyay ka dib markii shaqaale dhismo ay heleen bam 500kg ah.
Xigashada Sawirka, AFP
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay, kuna
soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa
caalamka.
Waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 27 bisha
Agoosto 2018.