Iran oo sheegtay in ciidamadeedu ay ‘sugayaan’ ciidamada dhulka ee Maraykanka, iyada oo ciidamo badan oo Maraykan ah ay soo gaareen gobolka

Kumannaan ciidamada Mareykanka ayaa haatan ku sugan Bariga Dhexe, balse sarkaalka sare ee Mareykanka Rubio ayaa hore u sheegay in danaha Mareykanka lagu guuleysan karo iyadoo aan ciidan dhulka ah la dirin.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo xaqiijiyay weerar ay ku qaadeen Israa’iil

    Kooxda ay taageerto Iiraan ee Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay inay weerar ku ekeeyeen Israa’iil markii ugu horaysay tan iyo intii uu bilowday dagaalka ay wada qaadeen Maraykanka-Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Kooxda ayaa sheegtay inay ku rideen Israa’iil gantaalada balastiga ayna ‘’ku beegsadeen xarumaha milatari ee Israa’iil’’ waxaa ay jawaab celin u tahay weerarada lagu beegsaday Iiraan, Lubnaan, Ciraaq iyo dhulka Falastiiniyiinta.

    Waxaa ay intaas ku dareen in ay howlgaladooda soconayaan ilaa ‘’weerarada’’laga joojinayo dhammaan goobaha furimaha.

    Waxaa ay imaanaysaa ka dib markii ay sheegeen ciidamada difaaca Israa’iil inay qabteen gantaalo laga soo riday dhanka Yemen.

    WARAR DHEERI AH

  2. Madaxweyne Xasan ‘’Doorasho dadban waa laga yimid’’

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad xarig Jarka wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoyska Dabka iyo Bakaaraha ayaa sheegay in doorasho dad badan wakhtigeedii soo dhamaaday ‘’Doorasho dadban waa laga yimid’’

    Waxaa uu intaa ku daray ‘’Doorasho dadban haddaad maqasho waa dad aan anigu leeyahay aan dambiil kusoo rito’’

    WARAR DHEERI AH

  3. Fiisaha Maraykanka waxaa kaa xigta $15,000 oo damaanad ah, haddii dalkaada qayb ka yahay

    Calanka iyo dal-ku-galka Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Alxey Pnferov via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Calanka iyo dal-ku-galka Maraykanka

    Muwaadiniinta ka imaanaya ilaa 50 dal ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump u uku waajibinayaa inay dhigaan dammaanad lacageed oo gaaraysa $15,000 si ay u codsadaan gelitaanka Mareykanka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Arbacadii.

    Sarkaalka diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in 12 dal lagu darayo liis horey uga koobnaa 38 dal oo kale, kuwaas oo intooda badan ku yaalla Afrika.

  4. War deg deg ah, Iiraan: Weerarada Israa’iil waxa ay kahor imaanayaan doonitaanka wadaxaajoodka Trump

    IIraan

    Xigashada Sawirka, X/mamlekate

    Qoraalka sawirka, Iiraan

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi ayaa sheegay Israa’iil ay beegsatay xarumaha ugu ballaaran ee warshadaha birta Iiraan.

    Waxa uu intaa ku daray isaga oo ku daabacay barta X, in ‘’ Israa’iil ay sheeganayso in ay ku fulisay iskaashiga iyaga iyo Maraykanka,’’ ayna u tix galinayaan kama dambaystii uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka ee socdaalka diblomaasiyadeed.

    Waxa kale oo uu sheegay in Iran ay jawaab adag ka bixinayso.

    Ciidamada Israa’iil ayaa qaaday weeraro ay ku beegsadeen xarunta biyaha Arak ee bartamaha Iran, halka kooxda xaqiiqa-helida BBC ay xaqiijisay jiritaanka sawirada oo muujinaya dilaacitaanka kubbad dab ah oo kale iyo qiiq ka baxaya xarunta howlgalinta.

    Hay’adda tamarta Atoomikada IIraan ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in xarunta Arak la beegsaday laba jeer xilliga maalinka, iyada oo aan wax waxyeelo ah bulsho ah laga diiwaan gelin shucaaca.

    WARAR DHEERI AH

  5. War deg deg ah, Markab dagaal oo ku wajahan Bariga dhexe

    Markab weyn oo nooca qaada diyaaradaha dagaalka oo Maraykan ah ayaa ku wajahan gobolka Bariga Dhexe.

    Markabka diyaaradaha dagaalka ee USS George H.W. Bush oo ah saldhiga ciidan oo sabeeya badda ayaa qaada in ka badan 80 diyaaradood, waxaana uu qayb ka noqonayaan taliska dhexe ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, sida ay ilo dhowr ah u sheegeen bahwadaagta BBC ee Maraykanka, CBS News.

    Markabkan weyn iyo kooxda weerarka ayaa dhamaystay tababar horaantii Bishan, kahor inta aan la dirin, waxaana hadda suurtagal ah inuu ku biiro howlgalka Maraykanka ee ka dhan ah Iiraan . Dhankiisa, USS Ross ayaa isaga kasoo baxay Maraykanka toddobaadkan, inkasta oo aan weli la shaacin halka u uku wajahan yahay.

    WARAR DHEERI AH

  6. Ciidamo Mareykan ah oo lagu dhaawacay Sacuudiga

    Warbaahinta Mareykanka ayaa hadda soo warineysa in ugu yaraan 12 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen weerarka Iran ay ku qaadday saldhigga cirka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida uu sheegay telefishinka CBS.

    Ugu yaraan laba ka mid ah askarta ayaa “si aad ah u dhaawacmay”, iyadoo wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in markii la weeraray ay ku jireen dhismo ku yaalla saldhigga.

    Weerarka ayaa waxaa ku jiray ugu yaraan hal gantaal iyo dhowr diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, waxaana sidoo kale burbur uu soo gaaray dhowr diyaaradood oo shidaalka ku shuba hawada, sida ilo-wareedyo aan la magacaabin ay u sheegeen New York Times iyo Wall Street Journal.

    Pentagon-ka iyo Taliska Dhexe ee Mareykanka kama aysan jawaabin codsiyada warbaahinta ee ah inay faallo ka bixiyaan waqtiga warbixintan.

  7. Israa'iil oo sheegtay in gantaal looga soo tuuray Yemen

    Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa sheegay inay aqoonsadeen gantaal laga soo riday dalka Yemen, sida ay wakaaladaha wararka ee Reuters iyo wakaalada France-Presse ku sheegeen inay tahay tii ugu horraysay ee laga rido Yemen tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.

    "IDF waxay aqoonsatay riditaanka gantaalka Yemen ee ku wajahan dhulka Israa'iil, nidaamyada difaaca hawada ayaa hawlgalaya si ay uga hortagaan khatarta," milatariga Israel ayaa sidaa ku qoray Telegram. In ka yar 15 daqiiqo ka dib, IDF waxay ku dadka u dirtay digniin.

    Arrintan ayaa timid ka dib markii afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto uu sheegay inay geli doonaan dagaalka Bariga Dhexe haddii ay sii socdaan weerarrada Iran.

    War qoraal ah oo uu soo dhigay Telegram, Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Yemen - kooxda Xuutiyiinta ee militariga Yemen - wuxuu yiri "faraheenna ayaa kicinaya faragelin toos ah" haddii ay dhacaan xaaladaha soo socda:

    Waddamo kasta oo kale oo ku biira Maraykanka iyo Israa'iil oo ka soo horjeeda Iran

    Badda Cas waxaa loo adeegsadaa "in lagu fuliyo howlgallada cadawtinimada ah ee Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo dal kasta oo Muslim ah"

    "sii socoshada xiisadda" ka dhanka ah Iran

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in tani ay jawaab u tahay "gardarrada joogtada ah ee cadowga Mareykanka iyo Israel ay ku hayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Falastiin iyo Gaza, Ciraaq iyo Lubnaan".

    Warar dheeraad ah: