Trump oo loo sheegay in “dilku ka istaagay” gudaha Iiran
Donald Trump ayaa sheegay in loo sheegay in “dilkii ka socday Iiran uu istaagay”, hase yeeshee madaxweynaha Maraykanka meesha kama saarin suurtagalnimada tallaabo ciidan oo laga qaado dalkaas.
Ku-simaha safiirka Mareykanka ee Muqdisho oo shaqada bilaabaya
Justin Davis
ayaa shaqada ku simaha Safiirka ama rrimo fuliyaha (Chargé d’Affaires, a.i.) ka
bilaabaya safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ay
safaaradda soo dhigtay barta X ayay ku sheegtay in uu hubinayo jisla markaana joogtaynayo
ka qyb noqoshada arrimaha diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo horumarinta danaha
Mareykanka ee Soomaaliya si waafaqsan mudnaanta Maamulka Trump ee America First.
Dalalka uu maamulka Trump ka joojinayo Fiisaha dal ku galka Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa hakisay diyaarinta fiisaha soo galootiga ee 75 waddan iyada oo isku dayaysa in lagu xakameeyo codsadayaasha loo arko inay noqon karaan culays dadweyne.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, oo ay markii ugu horreysay ay aragtay Fox News ayaa ku amraya saraakiisha qunsuliyadaha inay diidaan fiisaha, ayagoo cuskanaya sharciga hadda jira, iyad oo wasaaraddu ay dib u qiimaynayso habraacyada baarista iyo hubinta.
Hakinta ayaa bilaabanaysa 21 Janaayo, waxayna sii socon doontaa ilaa wakhti aan la cayimin oo wasaaraddu ay dib u qiimeynayso diyaarinta fiisaha.
Soomaaliya ayaa waxaa si weyn isha ugu hayey mas'uuliyiinta federaalka kadib fadeexad weyn oo musuq maasuq ah oo ka dhacday Minnesota, halkaas oo dacwad oogayaasha ay soo bandhigeen ku takrifal ballaaran oo loo geystay barnaamijyo lagu maalgeliyo lacagta canshuur bixiyeyaasha. Qaar badan oo ka mid ah kuwa ku lugta leh ayaa la sheegaa inay yihiin muwaadiniin asalkooda Soomaali ka soo jeeda.
Howlgalka
ayay sheegeen in lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen horjoogeyaal sare
oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku yaala degmada Bu'aale ee Gobolka Jubbada
Dhexe.
Halkan ayaad
kala socod doontaan wixii faahfaahin ah oo ka soo baxa weerarkan
Markii ay Itoobiya iska hor-taagtay in ciidamada Soomaaliya ay weeraraan Israel
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Sannadkii 1967-kii waxaa ka qarxay Bariga Dhexe dagaal weyn oo socday 5-tii illaa 10-kii bishii Juun ee sannadkaas. Dagaalkaas, wuxuu u dhexeeyey dowladda Masar oo ay xulufo la yihiin dowladaha Siiriya iyo Urdun iyo dowladda Israa’iil.
Magacyo kala duwan ayaa loo yaqaan dagaalkaas. Adduunku, wuxuu ugu yeeraa ‘Dagaalkii Carabta iyo Yuhuudda ee 1967’ ama ‘Dagaalkii Saddexaad ee Carabta iyo Yuhuudda’. Carabta guud ahaan, iyo Masaarida gaar ahaan, waxay dagaalkaas ugu yeeraan ‘Dagaalkii 1967 ama ‘Dibu-Dhac’. Dhanka Yuhuudda waxaa looga yaqaannaa ‘Dagaalkii Lixda Maalmood’.
Magac walba ha lahaadee, wuxuu ahaa dagaal ruxay caalamka oo idil. Wuxuu ka billowday xiisad soo taagneyd illlaa iyo aasaaskii xukunka Israa’iil, taas oo ay sii adkeysay meel-marin la’aanta heshiiskii Armistice, ee la saxiixay 1949-kii, iyo xirashadii ay Masar xiratay Gacanka Suweys 1956-kii, kuna dhawaaqday inay qarameysay.
Bishii May 1967-kii ayaa mar kale Madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasir uu ku dhawaaqay in Gacanka Tiran (the Straits of Tiran), ee afaafka Siinaay iyo Jasiiradda Carabta ku sii xira Badda Cas uu ka xiray maraakiibta Israa’iil, isagoo amar degdeg ah ku bixiyey inay halkaas isaga baxaan ciidamo gurmadka deg-degga ah, oo ay sannadkii 1956-kii keentay Qaramada Midoobay, kuwaas oo la magac-baxay UNEF (the United Nations Emergence Force).
Isla markii ay billaabeen UNEF inay halkaas ciidankooda ka gurtaan ayaa maalinnimadii 5-ta June 1967 waxay ciidanka Israa’iiliyiintu soo qaaddeen weerar lama-filaan ku noqday ciidanka Masaarida. Weerarka maalintaas waxay bartilmaameedsadeen, oo ay ku burburiyeen dhammaan qalabkii difaaca cirka ee Masar.
Sarkaal ka
tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa nin ka toogtay lugta
magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, halkaas oo sarkaal ka tirsan is ICE uu
toddobaadkii hore ku toogtay haweeney.
War qoraal
ah oo ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay, in
saraakiisha federaalka ay markii hore ku daba jireen ninka iyagoo gaari ku
eryanaya, sababto la xiriira inuu si sharci darro ah ku joogay Mareykanka
isagoo ka yimid Venezuela.
Magaalada
Minneapolis ayaa xaqiijisay in ninka la toogtay loo qaaday isbitaal
Sarkaal ka
tirsan ICE ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaal si kadib dhaawacyo soo gaaray,
sida ay sheegtay DHS.
Mas'uuliyiinta
magaalada Minneapolis ayaa barta X ku qoray:
"Waannu
fahamsannahay in caro jirto. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay is dejiyaan."
Magaalada
Minneapolis waxay mar kale dalbanaysaa in ICE ay si degdeg ah uga baxdo
magaalada oo ay gobolka ka baxdo," ayay raaciyeen.
Ninkan ayaa
gaarigiisa ka degay, waxaana is qabqabsi dhex maray isaga iyo sarkaal ka tirsan
ICE, sida ay sheegtay DHS. Waxay intaas ku dartay in intii uu shilku socday
laba qof oo kale ay ka soo baxeen dhisme dabaq ah oo u dhow, waxaana la sheegay
inay "weerar ku qaadeen" sarkaalka.
BBC-du si
madax-bannaan uma xaqiijin karto waxa lagu faahfaahiyay bayaanka la soo saaray.
Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara
ayaa sheegay in FBI-du ay baarayso dhacdada.
"Isagoo
ka baqaya naftiisa iyo badqabkiisa maadaama ay saddex qof weerar gaadmo ah ku
qaadeen, sarkaalku wuxuu riday rasaas difaac ah," ayaa lagu yiri bayaanka
DHS, iyadoo lagu daray "labada weeraryahanba waa la xiray".
Isagoo ka
jawaabaya toogashadii ugu dambeysay ee ICE, duqa magaalada Minneapolis Jacob
Frey wuxuu ku eedeeyay saraakiisha federaalka inay "abuurayaan fowdo"
gobolka oo dhan.
Saraakiisha
Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News
in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay
dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii
joogay halkaas.
Muddooyinkii
dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo
dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna
absi gelisay.
Lama hubo
saameynta ka dhalan karta ciidankan la geeyay gobolka Minnesota.
Dhanka kale,
Maamulka Trump ayaa ka laabanaya Sharciga Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee
ay heystaan ku dhowaad 2,500 oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo qarka u
saaran inay waayaan sharcigooda iyo oggolaanshaha shaqada marka ay taariikhdu
tahay 17-ka Maarso.
Israa'iil waxay leedahay mid ka mid ah miletariga ugu awoodda badan adduunka, oo ay ku xoojiso in ka badan $3.8bn oo gargaar milatari ah sannadkii oo ay ka helaan Mareykanka.
Israa'iil waxay leedahay cudud ciidan oo baaxad leh oo ka kooban 169,500 oo ciidan milatari oo ka kala hawlgala, badda iyo ciidamada qalabka sida, sida uu qabo machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed '(IISS) uu soo saaray 2023
Muwaadiniinta da'doodu ka weyn tahay 18 jir ee dalkaas ayaa looga baahan yahay in ay u adeegaan ciidamada; Marka ay ku biiraan, ragga ayaa la filayaa inay shaqeeyaan 32 bilood iyo haweenka oo iyana shaqeeya 24 bilood.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Cabbas Araghchi, ayaa
sheegay in xukuumaddiisu aysan qorsheyneynin inay daldasho dadka la xiray ka qeyb
qaadanayay banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda.
Isaga oo la hadlay Fox News, ayuu sheegay, in Madaxweyne
Trump uusan sameynin isla qaladkii uu galay sanadkii hore - markaasoo
Mareykanku uu weerarro cirka ah ka fuliyay xarumaha Nukliyeerka Iran bishii
June.
Mr Trump ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono "tallaabo
aad u xoogan" haddii Iran ay bilowdo fulinta dilalka - laakiin markii
dambe wuxuu sheegay in lagu war geliyay in dilalka dadka mudaharaadaya la
joojiyay.
Arbacadii shalay ahayd, Mareykanka iyo Britain ayaa ka
daadgureeyay qaar ka mid ah shaqaalaha militariga saldhig muhiim ah oo ku
yaalla Qatar - taasoo sare u qaadeysa filashooyinka ah in Mareykanku uu arrinta
soo faragelin karo.
Dalalka Muslimka ah ee aan u soo jawaabin madaxweyne Cirro
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu warqadda uu u qoray raysal wasaaraha Israa'iil mid lamid ah uu u qoray dalal muslim ah oo kamid ah Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, balse uusan midkoodna u soo jawaabin farriinta uu u qoray.
"Warqada aan u qoray Ra'iisul mid la mid ah ayaan u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, midkoona iima soo jawaabin , balse rabitaanka shacabigeyga waxaa ka soo jawaabey Dawladda Israa'iil." ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
"Rabitaanka shacbigayga waxaa ka soo jawaabay dowladda Israa'iil, waana u mahad naqeynaa", ayuu intaas raaciyay.
"Waxaan ka fileynay jawaab walaalnimo, iskaashi, iyo inaanay ka hor imaan rabitaanka shacbiga Somaliland", ayuu intaa ku daray madaxweyne Cirro.
Dhanka kale, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada in Soomaaliya ay ku jabayso haddii ay kusoo duusho Somaliland
''Soomaaliya haddii ay kusoo duusho Jamhuuriyadda Somaliland sidii barigii hore ugu jabtay duulaankeedii si ka xun bay ugu jabi-doontaa, reer Somaliland waa u diyaar difaacidda dalkooda'' ayuu yiri.
Qadar oo ka hadashay sababta ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska looga saarayo dalkiisa
Mareykanka
iyo UK ayaa dhimaya tirada ciidamada ee ku sugan saldhigga cirka ee Al-Cudeid
ee dalka Qatar, iyada oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo
in uu tallaabo ka qaado Iran sababo la xiriira caburinta ay ku hayso dadka
dhigaya dibad baxyada looga soo horjeedo dowladda
Saraakiil
ayaa u sheegay warbaahinta CBS, oo bahwadaag
la ah Mareykanka, in bixitaanka qeyb ka mid ah ciidamada Mareykanka ay ahayd
"tallaabo taxaddar leh".
BBC-da waxa
ay fahamsan tahay in qaar ka mid ah shaqaalaha militariga UK-da sidoo kale laga
saarayo goobta.
Bayaan ay
soo saartay dowladda Qadar ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay wararku
sheegayaan in Mareykanka uu qaadayo ay yihiin "si looga jawaabo xiisadaha
gobolka ee hadda jira".
Xafiiska
Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah u xiray safaaradda Britain
ee Texran, taasoo hadda ka shaqeyn doonta meel ka baxsan magaalada, ayuu yiri
afhayeen u hadlay xukuumadda