Sarkaal ka
tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa nin ka toogtay lugta
magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, halkaas oo sarkaal ka tirsan is ICE uu
toddobaadkii hore ku toogtay haweeney.
War qoraal
ah oo ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay, in
saraakiisha federaalka ay markii hore ku daba jireen ninka iyagoo gaari ku
eryanaya, sababto la xiriira inuu si sharci darro ah ku joogay Mareykanka
isagoo ka yimid Venezuela.
Magaalada
Minneapolis ayaa xaqiijisay in ninka la toogtay loo qaaday isbitaal
Sarkaal ka
tirsan ICE ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaal si kadib dhaawacyo soo gaaray,
sida ay sheegtay DHS.
Mas'uuliyiinta
magaalada Minneapolis ayaa barta X ku qoray:
"Waannu
fahamsannahay in caro jirto. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay is dejiyaan."
Magaalada
Minneapolis waxay mar kale dalbanaysaa in ICE ay si degdeg ah uga baxdo
magaalada oo ay gobolka ka baxdo," ayay raaciyeen.
Ninkan ayaa
gaarigiisa ka degay, waxaana is qabqabsi dhex maray isaga iyo sarkaal ka tirsan
ICE, sida ay sheegtay DHS. Waxay intaas ku dartay in intii uu shilku socday
laba qof oo kale ay ka soo baxeen dhisme dabaq ah oo u dhow, waxaana la sheegay
inay "weerar ku qaadeen" sarkaalka.
BBC-du si
madax-bannaan uma xaqiijin karto waxa lagu faahfaahiyay bayaanka la soo saaray.
Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara
ayaa sheegay in FBI-du ay baarayso dhacdada.
"Isagoo
ka baqaya naftiisa iyo badqabkiisa maadaama ay saddex qof weerar gaadmo ah ku
qaadeen, sarkaalku wuxuu riday rasaas difaac ah," ayaa lagu yiri bayaanka
DHS, iyadoo lagu daray "labada weeraryahanba waa la xiray".
Isagoo ka
jawaabaya toogashadii ugu dambeysay ee ICE, duqa magaalada Minneapolis Jacob
Frey wuxuu ku eedeeyay saraakiisha federaalka inay "abuurayaan fowdo"
gobolka oo dhan.
Saraakiisha
Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News
in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay
dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii
joogay halkaas.
Muddooyinkii
dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo
dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna
absi gelisay.
Lama hubo
saameynta ka dhalan karta ciidankan la geeyay gobolka Minnesota.
Dhanka kale,
Maamulka Trump ayaa ka laabanaya Sharciga Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee
ay heystaan ku dhowaad 2,500 oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo qarka u
saaran inay waayaan sharcigooda iyo oggolaanshaha shaqada marka ay taariikhdu
tahay 17-ka Maarso.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: