Saafaradda Maraykanka oo dowladda Soomaaliya uga mahad celisay talaabo laga qaaday dad ku xadgudbay calanka Maraykanka

Xigashada Sawirka, X
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah uga jawaabtay 'shaqsiyaad ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo xushmad-dareeyay calanka dowladda Maraykanka', sida ay hadalka u dhigtay safaaradu.
Qoraal lagu daabacay barta X ee safaaradda Maraykanka ayaa lagu yiri: "Safaaraddu waxay uga mahad celinaysaa dowladda federaalka Soomaaliya, tallaabadii degdegta ahayd ee xigtay kadib markii shaqsiyaad ka tirsan ciidamada amniga ay xushmad dareeyeen calanka Maraykanka"
Hadalka ayaa la sii raaciyay: "Shaqsiyaadka ku kaca falalka nuucaan ah waxay dhaawacayaan xiriirka dowladda Soomaaliya la leedahay dowladda Maraykanka".
Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa qoraal ay baahisay Jimcihii waxa ay ku sheegaty in ay qabatay shaqsiyaad ku labisnaa dareeska ciidamada Soomaaliya, kuwaa oo ay sheegtay in ay ku lug lahaayeen 'fal aan la aqbali karin' oo ka dhan ah calanka dowladda Maraykanka.
"Ficilada nuucaas ah banaanka ayay ka yihiin qiyamka iyo anshaxa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kamana turjumayaan aragtida dowladda federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka ay soo saartay wasaaradda Difaaca Soomaaliya.












