Awoodda militari ee Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Global Firepower Index, oo sanadkiiba mar lagu qiimeeyo ccududda ciidan ee dalalka caalamka, ayaa ah isha ugu weyn ee laga helo xogta milatari ee la aamini karo.
Qiimayntan ayaa ku salaysan xog laga helay ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo, laga soo bilaabo dalalka ugu awoodda badan ilaa kuwa ugu yar. Awoodda ciidan ee waddamada lagu soo daray darajadan laguma qiyaaso oo kaliya inta ay le'eg yihiin cududdooda ciidan iyo hubka ay wataan.
Liiska shuruudaha loo yaqaan 'Power Index Score', oo ka kooban 50 dhibcood, ayaa loo isticmaalaa si loo go'aamiyo darajadan. Kuwaas waxaa ka mid ah tirada dadka, tirada ciidamada, tirada iyo nooca hubka, kheyraadka dabiiciga ah, awoodda dhaqaale, muuqaalka, iyo kuwa kale.
Warbixinti la soo saaray sanadkii hore, Soomaaliya ayaa keliya ka sarreysay saddex dal marka la eego dalalka 145-ta ah ee la qiimeeyay, waxayna ku jirtay kaalinta 142-aad iyadoo noqotay dalka 36aad Afrika marka la eego awoodda militari.
Dalalka Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kala jiray dalalka ugu awoodda badan caalamka, kuwaas oo kala galay min shan ilaa shan, iyadoo dalalka kale ee reer galbeedka iyo kuwa kaleba ay soo galeen qiimayntan.
Afrika, Masar, Aljeeriya, Nigeria, Koonfur Afrika, iyo Itoobiya ayaa kaalimaha hore kaga jiray dhanka awoodda ciidan. Dalalkan ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan qaaradda.
Itoobiya oo ku taal Geeska Afrika, waa gobol ay ragaadiyeen colaado iyo xiisado siyaasadeed, waxay ka mid yihiin shanta waddan ee ugu awoodda badan xagga ciidamada Afrika, waana waddan saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh gobolka.
Haddaba, waa sidee awoodda ciidan ee dalalka dariska la ah Soomaalida sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, marka la eego qiimayntan Global Firepower ee ciidamada militariga dalalka?
Halkan ka sii akhriso

